Caynaba (Halbeegnews)–Sida ay wararku nagu soo gaadhayaan maanta abaaro 2dii duhurnimo waxaa mudaharad balaadhan ka dhacay magaalada caynaba ee xarunta gobolka Saraar kaasi oo looga soo horjeedo dhul danguud ah oo ay isku dayeen in maamaulka dawlada hoose iyo maayarka degmadaasi seestaan isla markaana ay dul dhigeen lawdhadh dhagax.
Maayarka degmada caynaba oo kaashanaya taliyaha qaybta booliska gobolka saraar ayaa xabsiga u taxaabay tirada afar qof rayid ah kuwaasi oo ka mid ahaa dadkan mudaharaadayay ilaa iyo haatana waxa ay ku jiraan saldhiga dhexe ee caynaba
Dadkan la xidhxidhay oo isugu jira rayid iyo shaqaale ka hawlgala caynaba ayaa waxaa ka mid ah isuduwaha waxda shaqada iyo shaqaalaha gobolka saraar ismaaciil salad huruuse(Gaaceer)Maamule xigeenka cashuuraha beriga Caynaba Ayaanle Mohammed Adan(Food)cali sanweyne iyo darawalka gaadhi iskarogo ah
Ayaanle maxamed aadan waa maamule xigeenka cashuuraha beriga oo aan khadka telefanka kula xidhiidhnay ayaa noo sheegay siyaabaha wax u dhaceen iyo dhismayaasha sharci darada ah ee maamulka dawlada hoose ee caynaba doonayaan inay seestaan isla markaana mulkiyado u samaystaan waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay sida(walaal manta abaaro 2dii duhurnimo ayaa maayar xigeenka degmada abokor shide iyo maayarka caynaba khaliif saleebaan bilaabeen sidii ay u seesi lahaayeen dhul banana oo muhiim ah sidoo kalena u jari lahaayeen geed weyn oo qudhac ah oo ay ku nastaan dadka rakaabka ah ee la socda gaadiidka xamuulka ah ee soo istaaga kastamka caynaba si ay ugu cashuuraan,walaal waxaa kaloo jirta masaajid ay dadku ku tukadaan oo ku hoyala dawlada hoose caynaba kaasi oo iyadana ay doonayaan inay qaataan xoghayaha d/hoose iyo maayar xigeenka degmadu,horena walaal waxaa ay u seesteen dhisme qol ah oo ay ku shaqayn jirtay waaxda cashuuraha taasi oo loo seesay laba xildhibaan kadibna shaqaalihii ka hawlgeli jiray la eryay,intaasba walaal shacabku waa dulqaadanayay lkn maamnta ninyahaw dadkii waa gadoodeen markii ay arkeen sida maamulku wax u wado,markaanu isku daynay inaan mudaharaadnona qaarna waa la xidhxidhay qaarna waxaa la yidhi miyaanay dad idiin shaqayn ma inaan shaqada ka joojinaad rabtaan)
Markale maxbuuskan xidhan waxaa uu ka hadlay in waan waani inay socoto lagu sii daynayo iyo cid ka hawlgelishay xadhigooda waxaa uu tilmaamay isagoo hadalkiisa sii wata(manta walaal sidoo kale badhasaabku xigeenka gobolka saraar oo isku dayay in waxan la joojiyo waa laga amar qadan waayay taliyaha qaybta oo uu xafiiskiisa ugu tagayna waxaa uu ku yidhi xafiiska iiga bax,xataa walaahay ninka waday gaadhiga iskarogada ah ee dhagaxa meesha lagu seesayo siday waa badhasaabku xigeenka walaalkii oo wuxuu isku dayay inuu xidho lkn taliyaha iyo maayarka oo wada socda ayaa ka diiday ilaa iyo iminkana waan xidhanahay.
Sidoo kale gudoomiyaha gobolka saraar ibraahin x xasan cali oo gobolka ka maqan joogana hargaysa ayaa dedaal ka galay sidii xoriyadayada naloogu soo celin lahaa kuna soo amray taliyaha saldhiga inuu na sii daayo lkn maayarka ayaa sheegay inaanu na sii daynay ilaa iyo inta aan odhanayno maayar waan khaldanee nasii daaya,xataa waxaan waynay warbaahin duubta wixii meesha ka dhacayay oo maayarkaa u hanjabay sidaasaa sababtay inaan kuula soo xidhiidho)
Xarunta dawlada hoose ee caynabo waa dhismo wayn oo halbowle u ah habsamisocodka maamulka xarumaha wasaradaha gobolka badankood dhismahaas oo kakooban Xafiisyada maamulka xarunta wasaarada maaliyada caynabo, xafiisyada maamulka xarunta canshuuraha kastamka caynabo, xafiisyada maamulka xarunta wasaarada ganacsiga, iyo xafiisyada maamulka dawlada hoose ee caynobo.
Dhanka kale maayarka degmada caynaba ayaa manta albaabada u soo laabay xafiiska dawlada hoose ee caynaba taasi oo sababtay inay isku dhacaan maamulaha kastamka caynaba mukhtaar jibriil oo doonayay inuu xafiiskiisa oo dhex yaala dhismaha dawlada hoose ee caynaba ku cashiuuro gaadiid xamuul ah oo wasaarada maaliyadu ku shaqo leedahay
Si kastaba ha ahaatee ariamahan dhamaantood waxaa ay ku soo beegmayan xiligii kala guurka isla markaana ay fooda inagu soo hayaan doorashooyinkii dawladaha hoose ee dalka wallow ay masuuliyintani isku dayayaan sidii ay janiska hadhay uga faaiidaysan lahayeen inta ay xilka hayaan mana aha qaar kalsooni ka haysta shacabka hadii ay dib isu soo sharaxaan waxaana ay bilaabeen boobka dhulka danta guud iyo ku takrifalka hantida umada.
Isku soo wada duuboo gudoomiyaha gobolka sarar ibraahin x xasan cali oo aanu isku daynay inaan wax ka waydiino arimahan ay ku kaceen maamulka dawlada hoose ee caynaba ee ay dadka rayidka ah ku xidhxidheen ayaanay noo suurto gelin inaan la xidhiidhno
Caynabo, Halbeegnews
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 253 times.






