Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Qarraka Somaliland Major Cawil Ibraahim Aadan Galbeedi Oo Ka Qallin Jabiyey Kuuliyadda Tababarka Ciidamadda Dalka Ingiriiska Ee Magaalada London, Tababarna La Qaatay Saraakiil Ka Badan Toban Dawladood

Posted by on Jul 26th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

London (Halbeegnews)– Major Cawil Ibraahim Aadan (Galbeedi) oo ka tirsan ciidamadda qarranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka qallin-jabiyey kuuliyadda tababarka ciidamadda ee dalka ingiriiska waxaana uu Major Galbeedi ka mid ahaa saraakiil ka socotay ciidamadda ugu yaraan toban dawladood oo dunida dacaladeeda iskaga kala timid kuwaasi oo tababaro kala duwan ku qaadanaayey kulliyadda tababarka ee dalka ingiriiska.

Sarkaalkani Galbeedi oo noqday sarkaalkii ugu horeeyey ee ciidamadda qarranka Somaliland ka tirsan ee tan iyo intii Somaliland madax banaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya tababar heerkaasi ah gaadha ayaa dalalka uu tababarkani la qaatay waxaa ka mid ahaa Britain, Pakistan, Saudi Arabia , Nigeria, Oman ,Somaliland ,South Sudan, Ukraine, India, Jamaica, South Korea iyo dalal kale.

Tababarkani uu qaatay Major Col. Cawil Galbeedi ayaa iskugu jiray qaybo kala duwan sida qaabka hubka, dagaal gelinta, tababarista ciidamadda, hagista iyo furdaaminta taktikadda ciidamadda iyo weliba qaybo kala duwan, waxaana bixinaayey casharadaasi waaxda tababaradda ciidamadda ee dalka ingiriiska.

Major Col. Galbeedi oo la hadlayey Halbeegnews ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu ka qallin jabiyo kulliyadani oo uu ku soo jiray muddo door ah, wuxuuna sheegay inuu ku laaban doono Somaliland isla markaana uu qayb weyn ka gaysan doono sidii ciidamadda qarranka Somaliland horumar dhinac walba leh u gaadhi lahaayeen, dawladda ingiriiska ayaa ballan-qaaday inay sii wadi doonto tababaradda dhinaca ciidamadda qarranka Somaliland ay siiso.

Halbeegnews, London

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 897 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright