Hargeysa (Halbeegnews)– Sida xubno xogogaal ah oo ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay Halbeegnews u xaqiijiyeen wasiirka Maaliyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa ka dalbaday wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar inuu soo xareeyo lacag lagu qadaray $102,000 boqol iyo laba kun oo dollarka maraykanka ah lagana qabtey 3400 oo visa dalku-gal ah, oo loo daabacay ajaanibka dalka soo galla
, lacagtaasi oo aanay wasaaradda arrimaha dibaddu ilaa sannadkii 2010 kii aanay wasaaradda ku soo wareejin lagana sugaayey ilaa wakhtiga.
Sida Halbeegnews warka ku hellayso wasiirka maaliyadda Somaliland mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa shirkii golaha xukuumadda ee dhawaan ka dhacay xarunta madaxtooyada wuxuu si adag uga hadlay lacagtaasi oo uu sheegay in aanay ku soo dhicin qasnadda dhexe ee qarranka si loogu darro miisaaniyadda, wasiirka maaliyaddu isagoo odorosaya lacagaasi dakhliga ah wuxuu sheegay in tan iyo markii wasiirka maaliyaddu uu xilka la wareegay sannadkii 2010-kii aan la helin foojari tiradoodu dhantahay 3400 oo foojar oo wasaaradda maaliyaddu daabacday isla markaana lagu shubay ayuu Samaale sheegay sanduuq xisaabeed Account gaar ah oo wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdilaahi Cumar uga furan Bangiga Dahabshiil.
Dhinaca kalana madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo isagu kulankaasi garnaqsiga ah ee labada wasiir dhex maray isku dhegaysanaayey ayaa la sheegay inuu bixiyey dareen cadho iyo gaws adaygleh oo u muujiyey wasiirkiisa arrimaha dibadda isagoo la sheegay inuu si adag uga dalbaday wasiirka arrimaha dibadda inuu lacagta $102,000 boqol iyo laba kun oo dollarka maraykanka ah lagana qabtey 3400 oo visa dalku-gal ah uu si dhakhso ah ugu wareejiyo wasaaradda maaliyadda.
Sida weriyayaal iyo xubno xogogaal ah oo Halbeegnews u waramay ay xaqiijinayaan xidhiidhka madaxweyne Siilaanyo iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaan ahayn sidii hore iyadoo la sheegay inuu madaxweynahu gebi ahaanba ka gaabsaday inuu kulano la yeesho wasiirka, halka la sheegayo in wasiirka laftigiisu aanu maalmo qaarkood xafiiskiisa ka soo xaadirin, dhinaca kalana waxaa wasiirka laga yareeyey safaradii uu dibadda ku wareegi jiray iyadoo taasi ay sababtay in salafaadi ku dhacday miisaaniyaddii wasaaradda arrimaha dibadda.
Agaasimaha hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Maxamuud Raage Ibraahim ayaa hore xilkii uu ka hayey iskaga casilay isagoo ku eedeeyey wasiirka arrimaha dibaddu inuu si shakhsi ah ugu takri fallay hantidii iyo xoolahii loogu tallo-gallay ayuu yidhi in umadda loogu shaqeeyo, hanti-dhawrka guud ee qarranka oo wakhtiga sheegay inay baadhis ku sameeyeen musuq maasuq agaasimaha guud ee is casilay Mr Raage sheegay ayuu hanti-dhawrku ku sheegay inaanu waxba ku helin, balse masuuliyiin badan oo iskugu jira mucaarid iyo muxaafid ayaa arrinta ku gacmo-saydhay iyagoo ku eedeeyey hanti-dhawrku inaanu samaynin wax baadhitaan cad ah.
wasiirkii hore ee maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi ayaa maalintii uu xilka wareejinayey isaguna si weyn uga dar-daar weriyey qaar ka mid ah wasiirkadda xukuumadda Siilaanyo isagoo sheegay inay hantidii qarranka dibadda u dhoofinayaan isla markaana guryo iyo maal gashi dibadda ah ku samaynayaan, isagoo wasiirku si dadban oo aanu cidna magacaabin u sheegay inuu musuq maasuq balaadhani xukuumadda ka dhex jiro isago arrinta ka ha hadlayana wuxuu yidhi “dalkani sidani ahaan maayo cid ilaahay usoo diraba Transparent international iyo cid timaadaba xoolaha ummadda sida loo xadayo ee loo maamulayo waa la iskaga danbayn”
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 655 times.






