Marin-habowga qalinka Axmed Ibraahin Cawaale Ee Buugiisii La Magac Baxay Dirkii Sacmaaladda, Qallinkii Naasir Aadan

Posted by on Jul 24th, 2012 and filed under Editorial. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Marin-habowga qalinka Axmed Ibraahin Cawaale
Naasir Aadan
 
waxa aan jawaab kooban ka bixinayaa maqaal cambaarayn ah o uu dhowaan qoray Axmed Ibraahin Cawaale oo uu ku durayo qoraaga abwaanka ah Maxamed Hiirad.  Axmed Cawaale wuxuu dhowaan qoray buug ku magacaaban “Dirkii Sacmaallada” oo ay qoonsadeen ashkhaas ka mid ah beel Bariga Hargeysa degta. Si kastaba ha ahaatee waxa uu Axmed isku dhiibay booliska Hargeysa si uu naftiisa u badbaadiyo waa sida laga soo xigtaye. Dhab ahaan ma jirin beel Axmed weerartay laakiin kaftanka Hargeysa sheekadaasi maalmahaa waa ay ku badnayd, dad door ah oo si adag ula hadlayna way jireen. Xadhiggii uu Axmed is xidhay waxa ka dhacay dhaqdhaqaaq ka yimid beeshii uu ka dhashay oo beeshii kale raalli gelin siisay, waxana Axmed qudhiisa laga codsaday in uu raalli gelin bixiyo, buuggiina dib magaalada uga ururiyo. Beeshii Axmed qoonsatayna(ashkhaastii)dhoosha ayey ka qosleen sida fudud ee ay Axmed u jebiyeen. Axmed waxa gashay cabsi badan, si degdeg ahna buuggii magaalada wuu uga ururiyey inkastoo sida la sheegay buuggu kalkata ka dhacay oo dunida oo dhan ku baahay sida loo soo ururiyaana adagtahay, dadka qaarna waxa ay sheegayaan in buugga lagu soo badinayo magaalada muqdisho oo buuggii xiiso lehba lagu badiyo iyada oo aan la dhowrayn xuquuqda qoraalka.
Ceeb maaha in Axmed cabsiyi gasho, ceebna maaha in uu raalligelin bixiyo iyo inuu isku dayo inuu buugga soo ururiyaba. Hayeeshee waxa uu jid xun oo fulaynimo ah u furay dadka wax qora. waxay ahayd in uu ogaado in qoraalku u baahan yahay geesinnimo iyo naf hurid, fulaynimona aanay meelna u soo marin bahda qalinka. waxa la yiri qalin fulaynimo bartay caddaalad ma qoro. hadduu Axmed la iman lahaa geesinnimo uu ugu babac dhigo buuggaa uu qoray indhihiisa oo shan ah wixii kaga soo baxa, waxay u noqon lahayd sharaf, diiwaanka qorayaasha caalamkana wuu geli lahaa, Noobel Prize na waabu heli lahaa hasyeeshee taa lagama helin. waxa kale oo uu meel kaga dhacay dad magac iyo maamuus lahaa oo buuggiisa soo tifaftiray si weynna u ammaanay.
waxaas oo dhan ka soo gudub. Axmed intaa kuma ekaane cidlo ayuu ka fad-kudiyey. wuxuu weerar is miidaamin ah ku qaaday qoraagii maqaalka Mazamed Hiirad. wuxu yiri: “Arrintani, haddii aanay  Maxamed ka ahayn aqoon-darro, waxa ay u dhigan tahay majaro habaabin taariikheed iyo ku been-abuurasho dhegta (sharafta) iyo jiritaanka qabiilka Isaxaaq oo ka mid ka mid ah qabaa’ilka Habar Yonis.”
Waxa xusid mudan in Maxamed Hiirad aanu xusin keliya qabiilka Isaxaaqa balse uu xusay qabaa’il badan oo soomaaliyeed. Haddii Axmed Ibraahim Cawaale arrinta daacad ka yahay muxuu u soo qaatay qoraalka inta ka hadlaysa reerka Isaxaaqa oo keliya ee uu uga hadli waayey reeraha kale sidaa sid la mid ah qoraalka ina Hiirad loogu xusay. Maxamed Hiirad waa oday abwaan iyo taariikhyahan ah oo ka waayo aragnimo badan kana soomaali aqoonsan Axmed Ibraahim Cawaale, aragtidiisa aragti kale ayaa lagu rumayn ama beenin karaa balse ma aha in budhka si hubsiimo la’aan iyo caadifad ah loola dul koro.
Gebagebada qoraalkiisa Axmed wuxu ku yidhi: “Qoraalkan Maxamed Hirad ee kor ku xusan waxa aan qof-ahaan  qayb ka mid ah u xigtay buuggii aan qoray ee Dirkii Sacmaallada (daabacaaddiisii 1aad), ha yeeshee waxa ii caddaatay in  kalsoonida  qayb ka mid ah xogahaas aan kasoo xigtay qoraagaas aanay sugnayn. Sidaas awgeedna aan kaga saaray buuggaygii isla markaana aan raalli gelin ka siiyay ciddii ay khusaysay.”
 
Axmed nooma sheegin sida qoraalka uu Maxamed ka soo qaatay aanu u sugnayn. Axmed laba jeerba talo way seegtay:
1.In uu buugga ku daayo sidii uu ku daabacay oo aanu ka saarin qoraalkaa Maxamed Hiirad ee uu sida kalsoonida leh markii hore u soo xigtay, qoraaga soomaaliyeed na aanu taariikh xumo u soo jiidin.
2.Hadii uu ka saarayse, oo buuggii soo ururiyey, dibna u daabacay, waxa u ekayd in uu afkiisa haysto oo Maxamed Hiirad aanu khajilaadda iskaga bi’in dadkana iskugu deyin in uu marin habaabiyo, haddii labada qoraal ee labada qoraa midkood marin habaabin yahay, Ilaahay baan inna Lehe ka Axmed Ibraahim Cawaale ayaa marin habaabin iyo raad gadasho ah.
Ugu dambayn waxa bahda qoraaga soomaaliyeed Axmed Ibraahin Cawaale uga fadhidaa xaal marin iyo raalli gelin uu ku baahiyo bartii uu qoraalkiisan dhaleecaynka ah ku faafiyey.

This post has been viewed 455 times.

Categories: Editorial
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright