Kooxda Anonymouse Oo Maanta Weerar Ku Qaaday Hayayaashii (Servers) Iyo Mareegayaashii Dawladda Australia Kana Xaday Macluumaad Farabadan Kooxdi Todobaadkani Ayey Shariikadda Dahabshiil Weerareen

Posted by on Jul 24th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Sydney (Halbeegnews)– Kumbuyuutaraddii, iyo hayayayaashii (Servers) ay ku xidhnaayeen macluumaadka ammaanka iyo xogaha sirta dawladda Australia ayaa kooxda Anonymouse ee budhcad internet-ku ay ku qaadeen weerar waxaana weerarkaasi ay hawada ka saareen ilaa toban  mareege oo ay dawladda Australia lahayd iyadoo sidoo kalana la sheegay inay macluumaad badan kala baxeen in ka badan toban xarumood oo dawladda Australia leedahay

Weerarkani ku dhacay goobahii kumbuyuutarada dalka Australia ayaa waxaa sheegtay inay ka danbeeyeen kooxda Anonymouse oo caan ku ah weerarada noocan oo kale ah oo ay ku qaadaan dawladaha, shariikadaha iyo goobaha muhiimka ah.

Bog ay kooxda Aonymouse leedahay ayey ku sheegteen inay ka cadhoodeen isbedel lagu sameeyey dhinaca shuruucda xorriyatul qawlka oo ay dawladda Australia ku xadidaysay xogaha dhinaca internetka, qoraal ay shaaciyeen ayaa waxay Anonymous ku tidhi “miyaad jeceshahiin in passwords kiina iyo goobaha aad ku leedahiin Facebook iyo Twitterka la xado dadka reer Australiyow waxaan filaya inay jawaabtiinu maya tahay, haddaba dawladiina Australia waxay muujisay necayb loo qabo in si xor ah oo aan shardi ku xidhnayn wax la isku dhaafsado, waxaanay maanta farta dhexda ka qaniineen weerarka aanu ku qaadnay” ayey kooxda anonymouse ku yidhaahdeen qoraalkooda.

goobaha ay weerarka ku qaadeen waxaa ka mid ah xarunta dalxiiska u qaabilsan dalka Australia ee loo yaqaano Australia Tourism oo ay khakhaliyeen isla markaana istaajiyeen kombiyuutaradoodii, iyo wasaaraddaha Maaliyadda, Shaqadda, Dalxiiska, iyo goobo kale oo muhiim ah

Dawladda Australia ayaa diiday inay ka hadasho arrintani waxaanay sheegeen inay baadhitaan ku hayaan ciddii falkani ka danbaysay, waxaanay sheegeen in kooxaha ku takhasusay macluumaadka kumbuyuutaradda iyo kaybaladdu ay wadaan baadhistaasi

todobaadkii hore ayey kooxdani weerar ku qaadeen Shariikadda Xawaaladda Dahabshiil oo ay gebi ahaanba la baxeen macluumadkii sida ay sheegteen hal malyuun oo qof oo iskugu jira sanduuq xisaabeedyadoodii, sawiradii dadka macaamiisha ah, passwordskii lagu gallaayey hayayaasha shariikadda Dahabshiil, iyagoo ku eedeeyey Dahabshiil haddii ay qiran waydo inay gacan siiso argagixisada Soomaaliya inay burburin doonaan dhammaanba hawl socodka shariikada.

Wergeyska Australia International Business Times oo arrintani qoraya halkani guji

Halbeegnews, Syndey

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 874 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright