Dawladda Ethiopia Oo Albaabadda U Laabtay Wergeys Ka Soo Baxaayey Addis Ababa Oo Wax Ka Qoray Caafimaadka Zenawi, Iyo Ra’isal Wasaarahii Ethiopia Oo Addis Ababa Ku Soo Laabtay

Posted by on Jul 24th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Addis Ababa (Halbeegnews)– Xukuumadda Ethiopia ayaa albaabada iskugu dhufatay wergeys todobaadleh ah oo ka soo baxaayey dalka Ethiopia oo lagu magacaabo Fetah, Shariikadda ay dawladdu leedahay ee daabicista ee loo yaqaano Barhanena Selam ayaa qoraal ay sii daysay shallay ku sheegtay in ay dawladdu gebi ahaanba kaga joojisay inay u daabacdo Wergeyskaasi ugu yaraan 30,000 oo nuqul oo ay todobaadii daabici jireen.

Xukuumadda Ethiopia ayaa ku eedeeyey Wergeyska Fetah inay faafiyeen warar ku lidi ah ayey yidhaahdeen ammaanka guud ee dalka Ethiopia isla markaana waxay dawladda Ethiopia xaqiijisay inay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto.

Dhinaca kalana suxufiyiinta ka hawl-galla magaalada Addis ababa ayaa xaqiijiyey in Ra’isal wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi uu dalka dib ugu soo laabtay isagoo caafimaad qaba, waxaana la sheegay inuu maanta guddoominaayey shirkii golaha Xukuumadda ee dalka Ethiopia.

Wergeysyada dalka Ethiopia iyo kuwa dibadda ayaa si weyn uga hadlaayey xaaladda caafimaad ee Zenawi iyagoo qaarkoodna kaba dayriyey, taasi oo shaki weyn ku keentay cidda maamusha dalka Ethiopia.

Halbeegnews, Addis ababa

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 928 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright