Djibouti (Halbeegnews)– Iyadoo dhawaan kooxda Anonymous ee budhcad kombuutareedka (Hackers) warbixin ay ku daabaceen shabakaddooda ay ku sheegteen inay xadeen in ka badan Hal Malyuun oo qof oo macaamiisha shariikadda Dahabshiil ah xogtooda ayay kooxdaasi waxay sii daysay shallay ilaa maanta boqolaal dhokomanti oo ku saabsan macluumaadka ku keydsana hayayaasha (Servers) shariikadda Dahabshiil oo ah macluumadkii macaamiishooda
Haddaba sida Shabakadda sunatimes ee ku soo baxda luuqadda afka ingiriisigu ay maanta boggooda ku daabaceen mid ka mid ah dhokomantiyadda sanduuq xisaabeedyada iyo faylasha laga xaday Dahabshiil ayaa waxaa ku duugan Guddoomiyaha baanka Jibouti Cabdiraxmaan Maxamuud Xayd iyo qof kale oo isaguna ka mid ah Hawl-wadeenadda dawladda Jibouti oo lagu magacaabo Dahabo Xasan oo sannadkii 2011 dhawr jeer oo isku xig xiga oo u dhexeeyey bilahii March ilaa August usoo xawilay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland ahna Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka WADANI lacag qadarkeedu dhanyahay 320,000 (seddexboqol iyo labaatan kun oo dollarka maraykanka ah).
Wakhtiga Guddoomiyaha Baanka Jibouti Mudane Xayd uu lacagtani usoo diray Guddoomiyaha golaha wakiiladda Mudane Ciro ayaa ku beegnayd wakhtigii khilaafku ka dhex dilaacay xisbiga UCID isla markaana maalmaha uu Ciro si gaar ah ugu dhawaaqay inuu furanayo urur siyaasadeedkani WADANI.
Macluumaadka oo shabakadda Sunatimes daabacday guji halkani si aad u akhrisato File-kaasi ama guji xidhiidhiyahooda tooska ah http://sunatimes.com/uploads/content/file/2104.pdf
Halbeegnews, Djibouti
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 1270 times.






