Xarakadda Alshabaab Oo Goob Fagaare Ah Magaalada Markah Toogasho Qudha Kaga Jartay Seddex Nin Oo Uu Ka Mid Ahaa Nin Reer Hargeysa Ah Oo La yidhaahdo Mukhtaar Ibraahim Axmed Oo Ay Ku Eedeyeen Inay U Basaasayeen Sirdoonka Reer Galbeedka

Posted by on Jul 23rd, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Markah (Halbeegnews)– Kooxda argagixisadda ah ee xagjirka ah ee Alshabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya  ayaa maanta qudha toogasho kaga goyasay seddex nin oo ay ku eedeeyeen inay u basaasayeen haayadaha sirdoonka maraykanka iyo ingiriiska.

Seddexda nin ee ay toogashada ku dileen ayaa mid ka mid ahi ilaahay naxariistii janno fardawsa ha ka waraabiye oo la yidhaahdo Mukhtaar Ibraahim Axmed isla-markaana ay reer Hargeysa u yaqaanaan Mukhtaar Xamaraawi ayaa xaakinkii ulaayadda Alshabaab ee magaalada Markah wuxuu sheegay inuu u basaasaayey haayadda sirdoonka dalka ingirisika ee MI6.

Mukhtaar ayaa ilaahay ha u naxariistee wuxuu dhawaan ka yimid dhinaca caasimadda Hargeysa waxaana ay Alshabaab ku qabteen sida la sheegay goob u dhaw magaalada Markah

Labada nin ee kale ee  galabta la toogtay ayaa waxaa Qaadigaasi Alshabaab ahi  uu sheegay iney u shaqeynayeen heyadda Sirdoonka Maraykanka ee loo yaqaano CIA-da ayna dayuuradaha duuliye la’aanta ah ku soo hageen saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo uu ka mid ahaa Bilaal Al-Barjaawi oo lagu dilay duqeyn ka dhacday degaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale labadaas nin ayaa waxaa kaloo lagu eedeeyey iney hagayeen duqeyn dayuuradaha Maraykanku ku dileen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo ka dhacday degaanka km60 ee gobolka Sh/Hoose sanadkan taasoo lagu dilay nin magaciisa lagu sheegay Abuu Axmed oo Marooko ka soo jeeday iyo Abuubakar Al-Markaawi oo Soomaali ah.

Seddexda nin ee alla ha u naxariistee Alshabaab dishay ayaa waxaa lagu xidhay Bir mid walba waxaana ay kala dhaceen dhafoorka iyo jidhka rasaas ay markeliya ku fureen.

Halbeegnews, Hargeysa

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 955 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright