Beesha Ayuub Sheekh Isaxaaq Miyaanay Xaq U Lahayn Inay Tallada Dalka Ka Qayb Qaataan

Posted by on Jul 20th, 2012 and filed under Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Sida aynu ka warqabno Maamulka dhexe ee Dawladda Somaliland ayaa waxa lagu qaybsadaa hab Beelaysan iyada oo inta badan loo sii kala tixgaliyo beelihii dalka usoo halgamay oo safka hore mar kasta laga dhigo marka danbena loo soo noqdo beelihii kale ee dalka daganaa ee lagu dulxoreeyay iyada oo saami qaybsi sax ah look ala qaato Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda.

Haddaba Beesha Ayub Sh.Isaxaaq oo ah Mudanti Reer Sheekh Isaxaaq ahna Curadkii Sheekha markastana ah kuwa xishooda ee aan ku hadal afqabyaaladaysan kuna qanca waxii walaaladood u gartaan iyaga oo dib u xoreyntii dalka kaga jiray safka hore oo aan SNM dagaal gali jirin hadii aanay la socon Koox Ayuub ahi oo waxay markaas ahaayeen Burjiga ugu weyn ee ay SNM isticmaali jirtey.

Waxaan afkiisa ka hayaa Mujaahid Muuse Biixi oo leh Dagaaladii aanu dalka dib ugu xoreynaynay waligay ma galin hadii aanay ila socon koox ayuub ahi oo waxay noo ahaayeen Burjiga aanu ku cabin jirney Faqashtii oo hadii aan waayo cid Ayuub ah oo dagaalka nala gasha waa nalsoo jabin jirey.

Bal hadaba Beesheebaa uga xaq badan dalkan yare e manta lagu naaloonayo Beesha Ayuub waa Cidna, bal hadaba maxaa manta sababay in Beeshii noocaas ahayd ay banaanka ka joogto dawladoodii ay usoo dhinten ee sababay in maalin kasta Wiilyar oo Beel kale ahi ku dul boobo hantidii ay dhiigooda kusoo dhiciyeen loona waayey wiilyar oo Ayuub ah oo digsiga raga la walaaqa mar hadii la wada walaaqanayo ilayn waa sida ay hadda taladdu maraysee.

Waa wax aan marnaba la qaadan Karin in manta Beesha Ayuub Xukuumadda marti uga noqdaan wiilal yaryar oo Salaadiini keentay oo maalin kasta ay hortaagnaadaan xafiis ay buuxdhaafiyeen ragii keensaday Wiilashaa yaryar iyaguna waayaan Xafiis ay buuxiyaan oo Wiilkoodu u fadhiyo iyaga oo waliba la kulma in aanay wasiiraddu uba ogolaan in ay usoo galaan oo ay ugu jawaabaan waardee Ayuub anigu waxba uma hayee Madaxweynaha u taga kkkkkkkkk waa la yaab manta hargeysa iyo xukuumaddaba in Beeshu ay kuwada murmaan rag shalay hargeysa arkay oo ay uguba hoeysay.

Balse waxa hubaal ah in aanay beeshani daawan doonin qorshaha noocan ah ee foosha xun ee aanay meelnaba kabasoo galayn Maamulka dhexe ee Dawlada waxa se isweydiin leh yaa xaq u siiyey wiilashan farahabadan ee beelaha kale in ay kalidood wax maamulaan ee u diiday kuwa beesha ayuub ma lamaamulayaalbaa mise waa laaji oo dalka umay dhalan? Maya way u dhasheen ee dalkoodiibay ka waayeen xaq iyo cadaalad!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Hassan Yusuf Farah(Burhan)
Aqoonyahanka Beesha Ayuub.
X.Cabdi Ismaaciil


This post has been viewed 678 times.

Categories: Opinion
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright