Guddoomiyaha Xafiiska Qurbe-jooga Iyo Xidhiidhka Jaaliyadaha UK Cabdiraxmaan Ubaxle Oo Hambalyo U Diraya Diraya Guddoomiyaha Xafiiska Qurba jooga iyo Xubnaha Qurbe Jooga Shirkii Qurbe Jooga Ee Ka Furmay Hargeysa Dhawaan

Posted by on Jul 20th, 2012 and filed under Editorial, featured. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Asalamu Calaykum Wa raxmatulaahi wa barakaatul.
Anigoo ku hadlaya magacyga iyo kan Jaaliyadaha Qurbajooga UK ee aan Masuulka u ahayn waxaan halkan Hambalyo uga soo gudbinayaa Gudoomiyaha Xafiiska Qurbajooga iyo xidhiidhka Jaaliyadaha Somaliland Mudane Maxamud Abdirahman Ali iyo dhamaan cid kasta oo kala qayb gashay qabsoomida Shirweynihii labaad ee qurbajooga ugu qabsoomay Magaalada Hargeysa ee caasimada somaliland 17/July – 18/July.
Shirweynahaa oo u dhacay si qurux badan oo kulmisay maskax badan oo qurbojooga si ay isula jaan qaadaan, waxaa kaloo shirkaasi ay qurbojoogu kula Kulmeen Masuuliyiin Muhiima oo ka tirsan Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilanyo iyadoo masuuliyiinta iyo qurbajoogu is dhaafsadeen su,aalo iyo jawaabo muhiima oo ay qurbajoga aan goobtaas nasiibka u helina uga faaiideysteen dhinaca saxaafada oo aan waxba ku seeganayn.
Qurbajoogu waxay Shirweynahaas u arkeen mid muhiim ahaa oo qabsoomidiisu ay keentay faaiido badan, sida khibradaha la is weydaarsaday, qadarinta xukuumadu u hayso qurbajooga, iyo war bixino u dan ahaa qurbajooga oo ay heleen sidaa darteed waxay hambalyo iyo dhiiri gelin u soo gudbinayaan Gudoomiye Maxamud Abdirahman iyo Dhaman Xukumada Somaliland ee suura geliyey qabsoomida Shirkan.
Dhinaca kalena anoo soo gudbinaya fariinta qurbajooga waxay qurbajoogu Wasiirka Wasarada Duulista iyo Hawada Somaliland Mudane Maxamud Xaashi Cabdi u soo gubdinayaan Salaan kal iyo laab ah iyagoo ku amaanay horumarinta uu madaarada Somaliland qaarkood ku sameeyey taas oo soo jiidatay indhaha qurbajooga madaama ay Madaradu yihiin meesha ugu horeysa ee aad Dalka ka bilaabaysid sidoo kalena ku dhiiri gelisay in qurbo-joog badani dalkooda u soo hiloobaan ayay yidhahdeen.
Ugu danbayn waxay qurbajoogu wasiirka ka codsanayaan xiliga xagaaga oo dhoofka guryo noqoshada qurbajoogu badanyahay inuu tanaasulaad uga sameeyo kharashaadka lagu bixiyo madaarada Somaliland hadii ay macquul tahay, waayo markaanu maqalo lacagaha la iskaga qaadayo madaarada waxaa dhacda in ay werwer badan nagu abuurto oo mararka qaar kelifa negaansho ama qoyskii oo qaar laga tago, hadaba anagoo aan diidanayn wixii service iyo cashuur nagu waajibay oo dalkayaga dan u ah hadana xiliga xagaaga oo dhoofku intii hore ka badanyahay wasiirku si gaara ha u qiimeeyo ayay fariintooda ku soo afmeereen qurba-joogu.
 Somaliland Guul
Gudomiyaha Xafiiska Qurbajoga & Xidhidhka jaliyadaha Uk
Dr. Abdirahman Ali Ubaxle

This post has been viewed 281 times.

Categories: Editorial, featured
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright