Waxaan halkan idiin soo marinayaa Salaanta Islaamka , salaam dabadeed waxa fooda inagu soo haysa bishii cibaadada ee ilaahay inoo soo dejiyey Quraankeena kariimka ah, Mihiimadaha ugu waaweyn ee Rabbi quraanka usoo dejiyey waxaa ka mid ah Cadaaladda iyo in umadu ay dhexdeeda isu cadaalad sameyso, Waxaa igu kalifay in aan arinkan ka hadlo, waxaa iiga muuqday shalay magaalada Burco in uu tegey Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo tamarta Mudane Xuseen Cabdi Ducaal in uu ka sharaxay xildhibaan magaalada Burco , kaasoo ay isku reer Yihiin means HJ, Yeesif, Kaasooo bixiyey dhamaan Lacagtii Xaflada.

Hadaba Maxay dareemayaan Xildhibaanada aan qabiilkoodu ku jirin golaha Wasiirada ama aan Haysan dhaqaalaha umad intaa leeg ay ku martiqaadan.
Maxaa u aragtaan arinkaa miyaanu ahayn Wasiir umada u dhaxeeya, miyuu garan waayey in uu arinkaa odayaal u wakiisho, Waxaan moodayey in uu America wax ku soo bartay, Ka waran reeraha Burco degan ee aan golaha Wasiirada ku jirin ee Xildhibaanada doonaya in ay soo sharaxaan hadii Wasiiradii Qaranka Somaliland ay Jifiyahooda hoose u yimaadaan Burco iyaga oo xildhibaano ka sharaxaya Beelahooda, Meeday Cadaaladii Kulmiye ku taamayey, mataasay noqotay?
Runtii waxaan u arkaa arinkaa meel kadhac lagaga dhacay Bulsho weynta reer Burco ee Reeraha Degan , Sidaas oo kale waxaa Sameeyey Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi Xaaji Cale oo isna Beeshooda HJ Axmed Faarax kasoo Sharaxay 3 Xildhibaan, Miyaanay Nasiib daro ahayn in Mujaahid Xasan Ciise oo xaq soor ahi aanu maanta Frank lacag ah Haysan, Halka Madaxweyne Siilaanyo wiilashii uu Adeerka u ahaa uu leeyahay Lacagta Dawlada Qaada oo kusoo sharaxa Beesheena.
Sidee bay dareemayaan Hogaamiyaasha Ururada Qaran ee kele sida Dalsan, Xaqsoor, Reys, Umada,UCID , Wadani iyo Umada.
Waxaan kusoo gabagabay Cadaaladey Xaal Qaado, Madaxda Urarada kale ee qaranka , waar ama hada Hadaalad Darida iska joojiya ama hadhow idinka oo Barooranaya ha yaacina shaarica Magaalooyinka, Sida aan Arko Kulmiye Cadaalad ka fog , ma filanyo in ay dhacayso Doorasho Xalaal ah.
Allaa Mahad leh
Ahmed Ibrahim
This post has been viewed 352 times.






