Rayigan waxaa laga soo ururiyey dadweyne fara badan oo dhinacyo kala duwan aanu ka eegnay islamarkaan aqoon kala duwan u leh mr ramaax .
Hadaba waxaa xog ururintan ku bilaabamaysaa dadwaynaha reer berbera oo aanu mihiimada koowaad siinayno .bal inay rayi xor ah kaga jawaabaan gudomiyahan media ku badan waxa ka lilaahiya
1.Magacaygu waa Geedi maxamed ciise waxaan ka mid ahay dhalin yarada ku dhaqan magaalada ber bera waxaan ka xasuusataa ama iigu horaysay gudoomiye ramaax xabaal aanu ka wada qayb galnay waxaa nasiib wanaag iskaaya baray nin ay isaga saaxiba yihiin anaguna an u aad isu naqaanay dabadeedatan barashadii kadib waxaan ka xasuusataa inuu ninkii waydiiyey nin ay labadooduba wada garanayeen dabadeed wuxuu ugu jawaabay ninkaasi inuu hada ka shaqaysto dubai.
Hadana waxaa hadalkii qaatay ramaax oo yidhi waxaad ku tidhaahdaa , waan ku xidhayaa hadaad ber bera timaado ,una sheeg inaan hada ahay ninka magaalada haysta ,hadaanad hadyad iisoo diraynin .???? dabadeed waxaan aad ula yaabay fikirkii aan ka haystay gudoomiyaha iyo qaabka uu hadlayey gaar ahaan xabaashaa aan dul joognay ,isla markaan wuxuu inta badan ku hadlaayey telephan kaasoo goobtan aan jooganay aanu ku haboonayn
2.Magacaygu waa amaal daahir wacays waxaan ahay gabadh qurba jooga waxaa la iga seestay jagooyin aanu ku lahayn ber bera ilaa mudo 30 sanaadooda waxaa nagu damaaciyey rag aanan garanaynin meel ay awood ka haystaan dabadeed waxaan is idhi intaanad maxkamada tagin maad badhasaabkan habeen walba aad ka daawatid Tv ee hawlkarkaa ,waxaan raadiyaba waan la kulmay waanan u qeexay dacwadayda iyo waraaqihii mulkiyada jagooyinka ,wuxuu markiiba iigu jawaabay hadaan waraaq qorayaa oo aan leeyahay gabadhaa iyo jagooyinkeedaa waa in si deg dega loogu dhameeyaa ,kkkkkkkkkkk markaa yaab ayaan kasi qaaday degdegii badhasaabka maxaa yeelay soomlidu waxa tidhaahdaa waran kugu soo noqonaya la ma rideeyo taaso oo aan uga jeedo dee inaanu aad ba u fahmin waxan aan ka cabanayo,iyadoo markii danbana nagu soo noqotay
3.Magacaygu waa Oday Jamac cabdi daahir kana mida odayaasha G/saaxil
Waxaan ka xasuustaa inuu maalin ii yimi ramaax yare oo aan si fiican u aqaano waxa uu igu yimi inaan shir jaraaid ay odayaal badan oo uu soo ururiyey aan kala qayb galo kana hadlo warshadii sibidhka ee la isku haystay ,dabadeed waxan ugu jawaabay dadaan ahay maenad arkaynin ramaaxaw ilaahay ka cabso oo dadka isku wad ,ilaa hadana iskuma sal banaanin arinkaa waji ku macaashkaa awgeed
4.Magacaygu waa Axmed waxaanan ahay ganacsade degan magalada berbera waxaan ka xasuustaa ramaax waaan aroor` ku booqday xafiiskiisa waxaan ka xasuutaa inuu badnaa isaga oo nala balan san hadan uu mar walba uu telephonka u kacaayey oo meel aan nag adurug sanayn uu kula hadlaayey telephanka hadalkiisana aan maqalaayey means haduu sir ka hadlaayey iyo wax caadiya ka hadlaayeyba taas oo aniga afkal qaad igu noqotay waayo intaan madax la kulmaayey maan arag nin madaxa oo meeting nala leh oo hadan aan uba haysan inaanu kulan gaara ku jirno ,haduu taa ilaawayn ay ahayd inuu haduu masuul qaran yahay uu ugu yaraan aan la fahmin waxa uu ka hadlaayo iyo msuuliyiinta qaranka ee ka saraysa uu dhawro waxa uu ka hadlaayo ,dhawr jeer ayuu xoghayihiiu ku dadaalay inuu albaabka danbe usoo celiyo hadana se waxaa dhex meeraysanaayey xafiiskiisa iyo qolka danbe
5. Magacaygu waa C/raxmaan axmed jamac oo kami ah ardayda wax ka barata magaalada berbera waxaan ka xasuutaa oo aanan wali ilaabi laayahay markii aanu ku jirnay imtixaankii form fourka oo aanu ku galaynay iskuulka bursade ayaa waxaa dhawr aroorood noo yimi isaga oo askar wata gudoomiye ramaax aroortii hore waan yaabay aroortii danbe waaan u fiirsaday oo waaan ogaaday inaanu gudoomiyuhu wax yool ah oo uu culayka nagu saarayaba aanay jirin aan ahay saxaafada daba socota ,taasaan ka xasuutaa
6. Magacaygu waa C/qaadir waxaan ka shaqeeyaa dekeda berbera waxaan ka xasuutaa inuu yahay gudoomiye is badbadal badan oo aan stratigyad lahay tusaale ahaan hada waxaan ka imi dekadii ,oo la fadhiyey maareeyahay ,hadana mardhaw barqada waxaad ugu tagayaa insha alaah sida aan badanaa ku arko isaga oo jooga bangiga saacaduna waa 9:00 Am markaa aniga waxay ila tahay inaanu ahayn gudoomiye ku shaqeeya qorshe hawleed
7. Magacaygu waa saleebaan waxaan ka xasuutaa inuu yahay gudoomiye aad u fir fircoon isla markaan hawshii loo doortay garanaaya
8.Magacaygu waa asma maxmed waxaan ka xasuustaa inuu yahay gudoomiyaha qudha ee wax noo qabtay intuu joogay inuu yahay bal eeg waxa uu laamiya noo dhisay
10. Magacaygu waa yuusuf waxaan ka mid ahay wax garadka magaalda waxaan u arkaa ama ka xasuustaa inuu yaahay ramaax ninka qudha ee magaalada kor usoo qaaday adeegyadii loo baahnaana sameeyey waanu taageer sanahay
11. Anigu magacaygu kuu sheegi maayo ee waxan ka mid ahay isu duwayaasha gobolk waxaan ak axauutaa inaanu ramaax lahay khibrad uu ku hogaamiyo jagadan badhsaabnimada sida awgeed waxaan Wiig walba aan caga jiid ku yimaadaa kulanka uu nagula kulmo xafiiskiisa ee ah kulanka dodobadlaha ah ee ay wasaaradaha iyo badhasaabku xog waran ku kala qaataan ,kaasoo aan qaab badhasaabnimo aanu noola kulmin ee uu nagula kulmo qaab shicib
12. magacaygu waa C/raxmaan waxaan ka mid ahay masuuliyiinta ka hawl gala magaalad berbera ,waxaan ka xasuusta dee waa nin daada markaa aroor walba waxaan u diyaar ahay inaanu isoo daf odhan ,
Prepared free journalism
C/qaadir Yool buux
Hargeisa
This post has been viewed 767 times.







aniga magacaygu waa shaakir waxan ka xasuusta ramaax inuu yahay gudoomiyee cooshadii berbera ka dhigay meel la tartami kartaa qayrkeed waxan kaloo ka xasuusta in siilaanyo iyo aamina waris ay ugu yeedhi jireen markuu madaxtoyada tago badhasaabkii badhsaabyada