Hargeysa (Halbeegnews)– Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta iyo wacy-gelinta Somaliland ee dhawaan xilka loo magacaabay C/rashiid Jibriil Yoonis ayaa wararka aanu hellayna noo xaqiijiyeen in shaqadii ka fadhiisiyey shan xubnood oo kala ah Guddoomiyahii Telefishanka ee qaybta UK, Guddoomiye Ku Xigeenkii Telefishanka qarranka, Agaasimahii Telefishanka Qarranka waaxda UK, Agaasime ku xigeenkii iyo Madaxii Barnaamijyada ee Telefishanka Qarranka Sidaasina waxaa goor dhawayd u xaqiijiyey Halbeegnews sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda warfaafinta Somaliland.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda warfaafinta Somaliland Mudane C/rashiid Jibriil wuxuu sidoo kale bayaamiyey bayaamiyey qoraal baadhitaan lagu samaynayo lacago la sheegay in telefishanka qarranka Somaliland qaybtiisa UK la geliyey kuwaasi oo sida Masuul ka tirsan wasaaradda warfaafintu uu Halbeegnews u sheegay loo gudbiyey xafiiska hanti-dhawrka qarranka Somaliland.
Agaasimaha ayaan magacaabin cid lagu bedelay shantani xubnood ee xilka laga qaaday lamana sheegin sida uu ku danbayn doono mustaqbalka waaxdii Telefishanka qarranka Somaliland ee dalka ingiriisku, masuuliyiintani la sheegay in xilka laga qaaday ayaa waxaa hore u magacaabay Agaasimahii guud ee wasaaradda warfaafinta ee dhawaan xilkiisii loo bedelay dhinaca wasaaradda arrimaha dibadda Mudane Faysal Cali Sheekh.
Arrintani ayaa ku soo beegmaysa iyadoo shaqaale ka hawl-gallaayey telefishanka qaybta London ay ka huleeleen dhawrkii bilood ee ugu danbeeyey xubnaha shaqada iskaga tagay mushahar la’aan soo food saartay darteed ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiye ku xigeenka Telefishanka oo isaga maanta la sheegay in xilka laga qaaday Axmed Maxamed Ducaale Qanbi, Agaasime ku xigeenkii telefishanka qarranka ee maanta la sheegay in xilka laga qaaday Mustafe Cabdilaahi Cali, Hodan Ibraahim Maygaag oo iyagu ka mid ahayd weriyayaasha ka hawlgalla, Madaxa barnaamijyada Axmed Daahir, Madaxa dhinaca farsamada kamaradaha Maxamed Luqmaan, waxaana la sheegay in dhammaantood ay uga huleeleen mushahar la’aan aanay qaadan ilaa iyo intii telefishanka laantiisa UK la furay.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda warfaafinta Mudane C/rashiid Jibriil ayaa u gudbiyey Hanti-dhawrka qaan-sheegyadii shaqaalahaasi mushaharadooda lagu bixin jiray iyadoo uu dalbaday in la baadho cidda qaadn jirtay iyo halka la geeyey lacagtaasi.
Halbeegnews ayaa soo gudbin doonta sida ugu dhakhsaha badanleh waraaqda xilka lagaga qaaday masuuliyiinta marka ugu horaysa ee aanu hello la soco
Halbeegnews, Hargeysa
This post has been viewed 546 times.






