Damascas (Halbeegnews)–Weerar ismiidaamin ah oo qof naftiisa soo biimeeyey fuliyey ayaa lala beegsaday goob ay shir ku lahaayeen saraakiisha ugu saraysa dhinaca ammaanka dalka Suuriya, weerarkani ayaa ilaa hadda inta la shaaciyey waxaa ku geeriyooday Assef Shawkat oo ah Madaxweynaha dalka Suuriya Basharal asad seedigii ay walaalo-yahiin xaaskiisa isla markaana ahaa madaxa ugu sareeya haayadda sirdoonka dalkaasi, waxaa sidoo kale weerarkani ku dhintay madax ay ka mid ahaayeen wasiirkii gaashandhiga Daoud Rajiha iyo Taliyahii ciidamadda dalka Suuriya General Hassan Turkmani
Weerarka ayaa ku soo beegmay iyadoo xilligaasi ay shir lahaayeen guddida golaha ammaanka ee qaramada midoobay u qaabilsan dalka Suuriya, weerarkani ayaa ka dhacay dhisme aad loo ilaaliyo oo ay haayadda sirdoonka dalka Suuriya isticmaasho.
Afhayeen u hadlay Jamiciyadda quruumaha ka dhexaysa ayaa dhaleeceeyey weerarkani wuxuuna sheegay in weerarka uu fuliyey mid ka mid ah ilaaladda xaruntaasi oo ah ayuu yidhi ilaaladda gaarka ah ee mid ka mid ah saraakiisha geeriyooday, wuxuuna sheegay inaanay jirin qof dibadda weerar kaga soo qaaday
Arrintani ayaa waxay laf jab weyn ku tahay Nidaamka gacanta kulul ee Bashaaral Asad oo la daala-dhacaya dagaalo wajiyo badan oo ay kula jiraan shacabka dalka Suuriya oo kacdoono kala horyimid, Nidaamka Asad afhayeen u hadlay ayaa sheegay in weerarkani ay fuliyeen kooxda hubaysan ee la yidhaahdo Xoogaga suuriya.
seddexda nin ee geeriyooday ayaa laf dhabar u ahaa Nidaamka Basharal asad iyadooba lagu tilmaamo inay ahaayeen dhegahii iyo indhahii Asadka Suuriya uu ku taagna, waxaana ay ku noqonaysa dibu dhac iyo niyad jab weyn oo ku yimid.
Halbeegnews, Dimishiq
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 334 times.







