London (Halbeegnews)– Sida uu shaaciyey Safiirka dalka ingiriiska ee dhawaan loo magacaabay dalka Soomaaliya Ambassador Matt Baugh dawladda ingiriiska ayaa ka furanaysa Hargeysa qunsuliyad hoos timaadda Safaaradda Britain ee magaalada Muqdisho iyadoo laga soo rari doono Somaliland oo markii hore hoos iman jirtay Safaaradda ingiriisku ku lahaa dalka Ethiopia.
Matt Baugh ayaa sidaasi wuxuu sheegay mar uu shallay ka hadlaayey munaasabad loo qabtay bandhiga Buugaagta Hargeysa oo lagu qabtay magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa isagoo safiirku hadda socdaal ku jooga magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa.
Isagoo munaasabadaasi ka hadlaya Ambassador Baugh wuxuu yidhi “Dawladda boqortooyada ingiriisku waxay go’aansatay in xafiis qunsuliyadeed ka furato magaalada Hargeysa oo hoos imanaya safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” Mr. Baugh isagoo hadalka sii wada wuxuu yidhi “aad ayaan ugu faraxsanahay in Britain ay sii wadi doonto xidhiidhkii ay la lahayd Somaliland isla markaana ay gacan ka gaysato arrimaha horumarka mashaariicda dawladda ingiriisku maal geliso”
Arrintani ayaa waxay noqonaysa fashil ku yimid qaranimadii Somaliland iyadoo markii hore Somaliland ay la macaamili jirtay xafiis looga furay safaaradda Ethiopia ee magaalada Addis Ababa kaasi oo la macaamili jiray Somaliland guji halkani xidhiidhiyaha xafiiskii Somaliland ee safaaradda Britain Ethiopia tani ayaa mac-naheedu waxay tahay afka diblomaasiyadda inay Hargeysa tahay caasimadii labaad ee Soomaaliya isla markaana ay hoos imanayso Xafiiska Safaaradda ingiriiska ee Muqdisho oo hadda si ku meel gaadh ahaan ah uga furan magaalada Nairobi.
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 727 times.






