Laascanood (Halbeegnews)–Badhasaabka Gobolka Sool Maxamud Jeeni yare oo adeegsanaya Ciidamadda Booliiska ayaa saaka Xabsiga ku guray Maayarka Laascaanood Keyse Maxamed Xuseen iyo ku-xigeenkiisa Axmed Aadan Cilmi.
Ilaa hada si cad looma oga sababta kaliftay Badhasaabka Sool inuu masuuliyiintan xabsiga u taxaabo, hase yeeshee sida uu Wariyaha Magudhenews ee Gobolkaasi saaka soo sheegay inuu ku Eedaynayo Arrimo Musuq maasuq balse ilaa hada ma cada Musuq maasuqaasi nooca uu yahay.
Arraintan ayaa saaka Laascaanood ka abuurtay Buuq fara badan ilaa hadana sida uu ku soo waramayo Wariyuhu way xidhan yihiin labadaas masuul, xadhigani labada masuul ayaa waxay noqonayaan dhacdadii labaad ee Xukuumaddu ku fuliso masuuliyiin iyaga u shaqeeya, magaalada Laascanood ayaan lahayn gole deegaan oo dadku soo doorto Maayorka iyo ku xigeenkiisana waxaa magacaabay Axmed Cabdi Xaabsade wasiirka Hawlaha guud oo wakhtigaasi ahaa wasiirka warfaafinta.
hore ayey Xukuumadd sidani oo kale xabsiga u dhigtay Badhasaabkii gobolka Maroodi jeex, Agaasimahii wasaaradda dibu-dejinta iyo la taliyahii Madaxweyne ku xigeenka oo seddexdooba maxkamadda gobolka Hargeysa ku xukuntay xabsiyo seddex ilaa afar sanno ah.
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 351 times.






