Hargeysa (Halbeegnews)– Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waa haldoor in badan bulshada Somaliland ku dhaqani u hanweynayahiin, markaad kaba timaad intaanu siyaasadda iyo hankeeda usoo hiloon wuxuu ahaa xidig ay shucuubta Somaliland ku dhaadan jireen isla markaana ka mid ahaa xubnaha fara-ku-tiriska ah ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee meelaha ugu sareeya ka gaadhay haayadaha caalamiga ah, isagoo isticmaalaya darajada uu caalami ahaan haysto ayuu badanka wuxuu Somaliland uga ololayn jiray warbaahinta caalamiga ah.
Jamaal ayaa sannadkii hore markii uu shaaca ka qaaday inuu u tartamayo xilka ugu saraysa qarranka Somaliland waxaa mid ka mid ah warfidiyeenadda ka hawlgalla warbaahinta Somaliland weydiiyey maadama uu yahay nin badanka noloshiisa ku qaatay qurbaha siduu ula jaan qaadi karo siyaasadda Somaliland oo u baahan nin laf ilaa dhuux kala yaqaan qaabka dalka looga dhaqmo Jamaal oo su’aasha ka jawaabaya wuxuu wakhtigaasi yidhi “horta anigu ma ihi nin dalka ka maqna waan ku dhashay, kuna barbaaray iskuulna anigoo nnin weyn ah ayaan kaga baxay, sannad walbana waan imaada, arrimaha dhaqankana xogogaal ayaan u ahayo nin loo shegayo ma ihi sida loo kala dego iyo waxaa la kala yahay, ma lihi wax walba waan ku fiicanahay hayeeshe waxaan ahay nin dhaqaale-yahan ah oo isleh dalka siduu maanta yahay wax weyn ayaad ku biirin karta oo waad ka bedeli karta muddo 25 sanno ka badana dunida ka shaqaynaayey oo madax ka ahaa, marka meeshii aan ku fiicanahayna waan ku dedaalaya inaan wax ka qabto, meelahii kale ee wax iiga dhimanyahiina waxaan isku xeeri oo isku wareejin doonta koox (Team) adag oo qayb walba aqoonteeda leh”.
Jamaal Cali Xuseen wuxuu wakhtiga han kaga jiray inuu hanto kaadhka lagu fuulo musharaxnimada xisbigii tallada dalka lagaga adkaaday ee UDUB, musharaxnimadiisiina waxay sababtay muran iyo xafiiltan muddo soo daala-dhacayey oo aan bilaabmin intii Jamaal UDUB sheegay inuu musharaxnimada ka doonayo UDUB kaasi oo laba dhinac oo isku khaahayiraayey ay xisbigii seef laba afleh ku dhufteen, dad badan oo siyasada geeska Afrika odorosa ayaa waxay badiba isweydiinayeen Waxaa Jamaal oo ahaa siyaasi cusub u diiday inuu Urur uu isagu u gacan furanyahay furto inta uu sumcadiisii siyaasadeed ee shaadhka cad lahayd (clean white shirt) ee uu dalka iyo dadkaba ku dhex lahaa iskaga kharibayo una geliyey muran soo jireen ahaa oo aan maarayn lahayn.
Jamaal Cali Xuseen wuxuu dhawaan u diga-rogtay xisbi kale oo isugana dhawaan ka soo baxay muran iyo is-jiid jiidad siyaasadeed oo hogaankii xisigaasi UCID ay saamayn ku yeelatay sumcadii iyo karaamadii uu bulshada ku dhex lahaa, dad badanina ay kuba tilmaamayeen inuu sallaanka siyaasadda ka siibtay xisbigaasi, hogaamiyahii xisbigaasi UCID-na Faysal Cali Waraabe uu quus intuu ka istaagay rajadii xisbiga UCID ku mashquulay inuu ololeeye (Broker) ka noqdo wada hadalo Siilaanyo la yeesho Shariifka Xamar, suuqana ay dhawaan u gashay inuu olole ugu jiro siduu Xukuumadda Siilaanyo kursi wasiir ah uga heli lahaa, marka taasi laga yimaadana Faysal Cali Waraabe ay shacabku ku qeexaan nin mabda’iisa iyo mawqifkiisa siyaasadda aan meel loogu soo hagaago la lahayn, isla markaana maalinba dhinac bedweynta siyaasadda Somaliland ka duqeeya.
Si kastaba go’aanka Jamaal ee inuu boodhka ka tumo UCID-dii ragaaday ee gabalku u dhacay ha ku yimaad eh, waxaa badiba dadka siyaasadda ka faallooda ku adkaaday inay akhriyaan ama sharaxaad ka bixiyaan wanqalkii uu Jamaal Cali Xuseen ku bilaabay inuu istaadho injinkii bakhtiyey ee xisbiga UCID, iyadoo waa marka hore eh dadka siyaasadda odorosa ku tilmaameen magacaabista uu Jamaal ku aftaxay seddex masuul oo xisbiga haldoorkooda noqonaya mid lagu degdegay oo ay ahayd inuu Jamaal Cali Xuseen si balaadhan uga fiirsado, dadka sidani ku doodaya waxay leeyahiin, laba nin oo ka mid ah seddexda nin ee Jamaal magacaabay oo kala ah Xoghayaha guud ee xisbiga oo u magacaabay Axmed Keyse Aadan Ismaaciil iyo Xoghayaha arrimaha gudaha Axmed Saleeban Mingiste oo labaduba ka soo jeeda gobolka Daad-madheedh siday cod ugu keeni karaan marka seddex siyaasi ay gobolkaasi ka sharaxanyahiin mid welibana doonayo inuu hanto tallada dalka sida Jamaal iyagoo u arka in magacaabistaasi ahayd mid madhalays ah.
Maxamed Jirde oo ka mid ah mac-hadka siyaasadda iyo daraasadka Geeska Afrika oo u waramayey Halbeegnews ayaa wuxuu yidhi “Jamaal bilawgii shaxdiisa siyaasadda waxaa ka muuqata khibrad yaraantii la sheegaayey marka uu Axmed Keyse iyo Axmed Saleeban u magacaabay labada jago mac-naheedu waxay tahay labada nin cod intee le’eg ayey isaga u keeni karaan, markaan afka caadiga ah kugula hadlayo labada nin gobolka ay ka soo jeedaan waxaa ka sharaxan oo ka ordaya Seddex nin oo mid weliba gaarkiisa ugu tartamayo hogaanka dalka waa Gaboose, Waa Cabdiraxmaan Ciro iyo Warancadde, haddii aan isku geeyo %0.3 cod ah ma keenayaan labadaasi nin ee uu Jamaal magacaabay jawaabtu waa maya, marka siyaasadda laga hadlayo, siyaasaddu saaxiib malaha haddii ay Jamaal, Keyse iyo Mingiste saaxiib yahiin dee bahashii saaxiibtinimo ma taqaano eh cod ma u keenayaan, marka halka waxaan arka inuu Jamaal dayacay fursad siyasaasadeed oo weyn oo ay adagtahay siduu xita dib ugu soo celiya, Jamaal waxaa hor yaallay cod dayacan oo KULMIYE cadho u qaba, waa codkii gobolka Gabiley waxay aniga ila ahayd inuu Jamaal Gabiley codkeeda ku gorgortamo oo kula gorgortamo Muuse Biixi iyo Ismaaciil yare, tiro ahaan markaynu dib u eegayno gobolka Gabiley wuxuu bixiyey %20 cododkii dalka oo dhan, siyaasad ahaana ma jiro haldoor reer gabiley ah oo maanta tartamaya marka anigu haddii aan Jamaal ahaan lahaa reer Gabiley awood iyo muruq waxaan hayo ayaan ku bixin lahaa inaan hello ama hantiyo” ayuu yidhi Maxamed Jirde.
Cabdilahi Muuse oo ah nin ka soo jeeda gobolka Awdal ahna aqoonyahan ku sugan dalka maraykana ayaa isagoo barta Facebook kaga hadlaya Jamaal Cali Xuseen wuxuu yidhi “Jamaal Cali Xuseen haddii uu doonayo inuu tallada dalka ku guulaysto waa inuu kasbado quluubta shacabka Hargeysa iyo gobolada galbeedka dalka, gobolka Saaxil waa inaanay su’aali ka taagnaan, waana inuu wax walba u isticmaalo inuu kula tartamo siyaasiyiinta beeshiisa shacbiyadda beesha H/awal inuu kala hadho sida Muuse Biixi iyo Ismaaciil yare sidii Cigaal yeelay 1960-kii, haddii uu taasi garan waayo ma arko fursad u bannaan” ayuu yidhi Cabdilaahi Muuse
boqolaal farriimood oo dhinaca Emailka, Twitterka iyo Facebook ayaa soo gaadhaya Halbeegnews kuwaasi oo si isku mid ah u cabiraya tallaabada uu Jamaal ilaa hadda qaaday iyo sida ay dadkaasi u cabirayaan inaanay malaha ahayn tii ku haboonayd, balse xubno kale ayaa iyagu qaba in ay saxsanayd magacaabistani uu Jamaal ku magacaabay Keyse iyo Mingist, iyagoo ku doodaya inuu Jamaal yahay nin gobolaysiga iyo reernimadu ay ka dheertahay isla markaana doonaya inuu biriijyo kala fog isku soo xidho siyaasadduna aanay taasi ka maarmaynin, waxaa dadka ra’igaasi qaba kamid ah Samsam Rusheeye oo ka tirsan dadka magaca ku leh dalka Canada isla markaana ka mid ah Mac-hadka daraasadka arrimaha bulshada ee Toronto “Anigu waxaan u arka inay tahay tallaabo uu hore u qaaday Jamaal ninka siyaasiga ahi maaha inuu gobolkiisa iyo reerkiisa ku soo meeraysto waa inuu bulshada isku xidha macno samayn mayso gobolka seddex ninbaaba ka sharaxan, tusaale ayaan ku siinaya doorashadii madaxtooyada ee kal hore rayaale wuxuu ahaa Madaxweyne ka dhashay gobolka Awdal, musharaxii KULMIYE ee madaxweyne ku xigeenka u ordaayey Saylici wuxuu keenay cod %40 gobolka Awdal ah, anigu waxaan qaba dadka reer Somaliland way ka koreen qabiilka, waana tallaabo uu Jamaal hore u qaaday” ayey tidhi Marwo Samsam
Wallow ay tani ahayd tallaabo uu Jamaal qaaday ayaa haddana dad kale oo taageersan Jamaal Cali Xuseen waxay leeyahiin Jamaal wuu soo socda Kaw dheh, waxna waa soo sidaaye laba dheh Saxarlay ha fududaan.
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 852 times.






