Hambalyo ! Hambalyo! Hambayo
Musharaxa Madaxawaynaha Xisbiga UCID
Mr. Jamal Cali Xuseen
Ururka Kulan UK Organisation wuxuu Hambalyo Diiran u dirayaa Aqoonyahan /Musharax Jamal Ali Huseen oo si sharaf leh Xisbiga UCID ugu doorteen Musharaxa Madaxweynaha Cusub ee 5 sano ee soo socota. wuxuu ururka Kulan Organisation uu Hambalyo labaad u dirayaa Bahweynta Xisbiga UCID guusha weyn ee u soo hoyatey ka dib markii ay doorteen aqoonyahan da’a yar oo Siyaasi cusub ah oo aan lahayn boog siyaasadeed iyo baal madow.
Xisbiga UCID waa xisbi Bahweyn ah oo u taagan Cadaalada,Sinaanta, amniga,demuqraadiyada iyo qaranimada Somaliland, Jamalna waa nin dhalinyaro ah oo aqoonyahan ah oo saaxibo badan kuleh Dunida dacaladeeda, wuxuuna si fudud Somaliland ugu xidhi karaa Dunida ay taladu ka go’do maadaama uu ka soo shaqeeyey 12 dawladood oo Caalamka ah.
Jamaal Waa siyaasi cusub, kaa soo isticmaali doona Istiraajiyad cusub oo uu Caalamka kaga iibin doono Somaliland qadiyadeeda si Ictiraaf buuxa loo helo mustaqbalka dhaw, loona maalgashado kheyraadkeeda dihin ee dalkeena ku keydsan. Jamaal wuxuu xanbaarsanyahay aqoon qoto dheer oo uu ka soo dheegay wadamadii badnaa ee uu ka soo shaqeeyey gaar ahaana Wuxuu aqoon dheeraad ah u leeyahay cilmiga dhaqaalaha iyo Maalgashiga waxaana uu si dhakhso ah kor ugu soo qaadi karaa kobcinta dhaqaalaha Somaliland . Waxaana uu si fudud Shaqo ugu abuuri karaa Dhalinyarada Somaliland ee ay Shaqo la’aantu ragaadisey.
Jamaal waa nin noloshiisa gaadhsiiyey meel aad u sareysa. waxaana uu doorbidey in uu wadankiisa u shaqeeyo oo uu wax la taaban karo ku soo kordhiyo Marka waqtigu uu u saamaxo. Taas oo ku tuseysa in uu Jamaal Ali yahay Nin Wadani ah oo raxiim ah.
Musharaxnimada Jamal waxaa Hore u taageeray aqoonyahano farabadan oo isugu jira Qurbe joog iyo Qol-Qol joog reer Somaliland ah iyo dhamaan dhalinyarada reer Somaliland, waxaana ay isku raaceen in uu Jamaal yahay Musharaxii ummada Somaliland ay inta Badan ay sugayeen..
Jamal Ali Huseen waa Iftiin Cusub / Weji Cusub oo u soo baxay Xisbiweynaha UCID , Dhalinyaradda iyo dhamaan reer Somalilandba. Waxaanu kula dardaarmeynaa dhalinyarada iyo dhamaan reer Somalilandba in ay Gacmo furan ku soo dhaweeyaan musharaxa dhalinyarada ah. Waxaan ku soo Gebagebeynayaa Waa Ururka Kulan Organisation oo Leh, Hambalyo- Hambalyo Jamal Ali Huseen iyo Bahweynta Xisbiga UCID . Alleh ha idinku garab Galo hawsha adag ee idiin taala.
Amiin-Amiin. ——————–Amiin-
Xoghayaha guud ee KULAN UK
Xassan Ibrahim Ahmed
This post has been viewed 263 times.






