Had iyo goor marka umadi halgan ugu jirto qaranimadeeda iyo jiritaan keeda waxaa dhacda in halgankaas qof waliba wax ku darsado lagu xusuusto kadib markay guushu soo hoyato dadku waxay uqaybsamaan qaar aduun ilaahay markaas siiyay oo aduunkooda kaga qayb qaata inta aqoonta iyo tacliinta baratay waxay ku darsadaan fikirkooda iyo maskaxdooda ilaahay siiya sidii halgankaas looga midho dhalin lahaa inta xooga iyo dhalin yarada ah waxay kaga qaybgalaan xoogooda oo hadii hub loo qaadayo halganka ayay hubka qaataan si ay naftooda ugu huraan dhiigoodana ugu daadshaan inta uu ilaahay suugaanta ku manaystay iyana dhiiri gelinta iyo bulshada oo ay wacyi geliyaan ayay doorkooda ku darsadaan halka ay jiraan intaas aynu soo sheegnay ee bulshada kamidka ah ee halganka ku jira inkale oo lamida oo aan iyagu halgankaas wax xil ah iska saarin marka guushu dhalato ay noqdaan kuwo uga nasiib badan kuwii halganka dhiigooda u daadshay iyo inta aduunkooda iyo waqtigooda u hurtay,
Hadaba markay sidaas tahay waxaanu maanta qormadan ku soo qaadanaynaa abwaanka Cali Axmed Raabi ( Cali saynyo) oo ka soo dhaxbaxay abwaaniintii faraha badnayd ee u dhalatay somaliland kuwaas oo intooda badani aanay wax suugaana ku darsan ama tirin intii somaliland qaranimadeeda la soonoqotay suugaantas oo lagu muujinayo waxay somaliland tahay ama mudan tahay haday jiraana ay iskaba yar yihiin oo aanay u muujin sidii laga rabay, abwaan cali saynyo waxa uu noqday abwaanka ugu saamaynta badan dhinaca suugaanta lootiriyay somaliland ama haloo qaado calanka somaliland ama ha noqoto dhinaca maalinta loo asteeyay qaranimada somaliland ee 18 May ama ha noqoto suugaan lagula garnaqsanoyo beesha caalmaka ee somaliland aqoonsiga ku raadinayso,
Abwaan cali saynyo waxa uu tiriyay ugu yaraan 12 heesood ama inka badan oo mid waliba mida kale ka qiimo badan tahay oo uu ku darsaday halgalnka somaliland ugu jirto sidii ay beesha caalmaka uga heli lahayd aqoonsi buuxa si ay u noqoto qaran jira oo ku biira qaramada midoobay, calan yahow hadhicin hadheeliyin waligaa dhisnoow waaqaadhisnow waa hees uu utiriyay calanka somaliland, waxaa ka mid ah dadkaygu haduu tashaday maxaa loo daba socdaa oo iyana garnaqsiya, waxaa ugu danbeysay heesta qiimaha badan ee la baxday (kala Gurasho) oo iyaduna ah hees xambaarsan murti aad iyo aad u qiima badan oo aan la qiyaasi kararin habka uu isugu xidhay,
ma aha qofku inuu waajibaadkiisa qaranku ku leyahay uu uga xishoodo ama uga baqo waxa baa lagaa sheegi isagoo ilaa shanaaya mid shakhsiya oo isaga ugaara way jiraan abwaano lamida ama ka da wayn abwaan cali axmed raabi laakiin waxay umada reer somaliland isway diinaysaa miyaanay ogayn inaanu weli halgankii dhamaan maxay afka u xidheen mise waxay isleeyihiin somaliland socon maysee yaanu hadal idinka tegin,
somalida ayaa waxay tidhaah daa nimaan hadlin habartiina wax ma siiso hadalka umada lagu wacyi geliyaa waa ka ugu qiimaha badan marka umadu ay halgan ku jirto waxaanu baraaru jiyaa qaar badan oo markaas aan wax wara ka hayn meesha ay wax marayaan abwaan murti uu ilaahay siiyay ayaa hadalkiisa ku darsaday isagoo muujinaya meesha uu bulashada kaga jiro hadalku waxa uu yidhi (wafku waxa uu la xoogyahay magliga xawda kaajara) waxaa xaqiiqa ah inuu ka xoog badan yahay hadalku dhinaca dhaq dhaqaaqa iyo ficilka waayo hadaad ficil samayso waxaa laga yaabaa inuu gaadho qofkii aad ku samaysay iyo inta u dhow markaas laakiin waxaa xaqiiqo ah suugaantii la tiriyay 100 sano ka horo iyo inka badan inaynu weli maskaxda iyo buugtaba ku hayno oo aynu isugu maah maahno markaynu wax isu sheegayno ama is tusaalaynayano,
Waxaan ku soo xidhayaa qormadan gaaban inta la midka ah abwaan cali axmed raabi ee ilaahay iyagana suugaanta ku manaystay halganku muu dhamaan ee hakala bakhylina weedhaad ku darsan lahaydeen taariikhduna yaanay sixun idiin sheegin, abwaanka qiimaha badan ee Cali Axmed Raabi (Cali seynyo) waxaan leeyahay adigu waajibkaagii waad ka soo baxdee Mujaahid halganka halkaas ka sii wad magacaa ha jiree oo ha joogee.
Aadan axmed nuur
Dublin Ireland
This post has been viewed 656 times.






