Afhayeenka Madaxweynuhu Wuxuu Nusqaan Ku Yahay Sharafta Madaxtooyada By Samatar Daahir

Posted by on Jul 13th, 2012 and filed under Editorial. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Afhayeenka madaxweynaha ama afhayeenka madaxtooyada sida dadka qaarkii u yaqaano, wuxuu ku mid yahay xubnaha ugu muhiimsan ee ku xeeran madaxweyne kasta (presidential inner circle group). Shakhsiga noqonaya Afhayeenka madaxweynaha waxa lagu xushaa, aqoonta, kartida, daacadnimada, hufnaanta, sir ilaalinta, dhawrsoonaanta, iyo sharafta uu bulshada ku dhex leeyahay. Afhayeenka madaxweynuhu waa tiir muhiim ah, una dhexeeya madaxweynaha iyo dadweynaha. Wuxuu ka qayb gala dhamaan kulamada muhiimka ee madaxweynuhu yeelanayo. Wuxuu ka qayb galaa shirarka golaha wasiirada. Wuxuu ka qayb galaa shirarka lala galayo wufuuda caalamiga ah ee dalka booqda. Ka sokow, arrimahaasi wuxuu afhayeenka madaxweynuhu ciyaaraa door la taliye nimo isaga oo talooyin siiya madaxweynaha. Waxaynu tusaalayaal u soo qaadan karnaa, dhawr afhayeen oo ay leeyihiin dawlado kala duwan. Matalan dawladda Kenya afhayeenkeedu waa Dr. Alfred N. Mutua. Waa rug caddaa haysta shahaadada PHD-ga. Wuxuu soo qabtay shaqooyin badan oo kaga tagay record layaab leh. Wuxuu sameeyay baadhitaano, waxaanu bulshada ka kasbaday ixtiraam iyo karaamo. Ma aha keligii balse wuxuu madax u yahay xafiis ballaadhan oo u qaabilsan madaxweynaha dhinaca xidhiidhka iyo saxaafadda. Waa nin kelmadiisu ay gasho bulshada oo aan lagu aqoon qalad iyo inuu iska hadlo. Sidaas oo kale ayay yihiin dhamaan afhayeenada madaxweynayaasha dunidu.

Inkasta oo ay kala duwan yihiin sida ay dawladuhu u yaqaanaan shaqada afhayeenka madaxweynaha, hadana waxa ay ka siman yihiin in afhayeenku yahay qofka u hadla madaxweynaha inta badan, lana kulma saxaafadda.

Hadaba, hadii aan u soo noqdo dulucda maqaalkaygan iyo Afhayeenka madaxweynaha Somaliland Cabdillahi Cukuse, iyo sida uu u buuxin karo shuruudaha afhayeenimada. Aan ku bilaabo’e cabdillaahi cukuse waa nin xilal ka soo qabtay dawladihii Somaliland qaarkood. Wuxuu sidoo kale markan u danbaysay ahaa shakhsi ku dhex jiray saxaafadda Madaxa bannaan. Sida la wada ogyahay Cabdilahi cukuse ma aha shakhsi leh qiyam wanaagsan, kumana laha bulshada dhexdeeda wax karaamo ah. Ma aha shakhsi daacad ah, mana laha aqoontii iyo hufnaantii laga rabay inuu yeesho afhayeenka madaxweynuhu.

Ta ugu daran ee aanay sinaba u suurto gasheen qof isagoo kale ahi inuu noqdo afhayeenka madaxtooyada ayaa ah ilaalinta sirta dawladda iyo madaxtooyada. Sida ay ka markhaati kaceen dad badan oo yaqaana Cukuse wuxuu marar badan kaga sheekeeyay siro dawladdeed majlisyo lagu qayilo. Sida ay dad xogo’gaal ahi sheegeena, wuxuu xiitaa ka hadlay, arrimo ilaa xad saamayn ku yeelan kara xiitaa ammaanka qaranka. Wuxuu dad ugu sheekeeyay in madaxtooyada ay reer haystaan. Wuxuu kaloo sheegay in madaxweynuhu aanu talo badan ku lahayn sida waddanka loo wado, balse qolyo kale gacanta kula jiraan. Cukuse wuxuu saaxiib la yahay xubno ku jira saxaafadda madaxa bannaan oo ay isku dhaqan yihiin.

Xubnahan oo la wada yaqaano, balse aanan magac dhabi doonin waxay Cukuse ku shuraako yihiin in laga maxaafsado madaxtooyada, iyadoo kolba been yar la sheegayo si mashruuc ay u helaan. Cukuse iyo xubnaha ay isku balwadda yihiin waxay sidoo kale weerar ba’an ku qaadeen xubno bulshada oo dhami soo wada dhawaysay oo ka mid xukuumadda Somaliland. Tusaale ahaan, wasiirka warfaafinta oo magacaabistiisii Somaliland oo dhami soo dhawaysay ayay ka naxeen Cukusii iyo saaxiibkiisa ugu wayni. Waxay is tuseen in maadaama uu xukuumadda soo galay xubin muxtarim ah, rug caddaa arrimaha saxaafadana ah, in beentoodii iyo huuhaadii ay ku haysteen madaxtooyadu inay meesha ka bixi doonto. Waxay shacabka Somaliland ka wada dharagsan yihiin shakhsi weerar aan jiho uu u socdo iyo meel uu ka socdo toona lahayn oo mid ka mid ah wargeysyadu ku qaaday wasiirkaa. Dabcan waa la wada ogyahay in cukuse yahay ka danbeeyaa waxaas. Cukuse malaha isagu wuxuu moodayaa inaanay cidi ogayn, balse ilmaha yar ee sabiga ah ayaa og  taas. Waxa sharaf dhac inteeda le’eg in xubin dawladda ka haya xil muhiim ahi, uu weerar joogto ah ku hayo xubnihii uu ka faaiidaysan lahaa aqoontooda iyo waaya aragnimadooda. Ma aha ceeb in lagaa aqoon badan yahay, lagaa caqli sareeyo, lagaa dadnimo fiican yahay, wuxuu caqliga fayoobi dhigayaa in qofku sameeyo wixii suurto gal ah ee uu ku kasban lahaa qofkaasi.

Balse afhayeenkeena madaxtooyadu isagu cuqdad ayuu taa ka qaaday, waxaana marar badan la arkaa isagoo la moodo qof aanu xiskiisu dhamayn isagoo ku hadlaya wixii uu doono, marar bandanna adeegsada saaxiibkiisa ay isku balwadda yihiin.

Madaxtooyada Somaliland waxa la gudboon inay talo ka qaataan afhayeenka cuqdada la dhex fadhiya inta aanay talo faraha ka bixin ee aanay bulshadu ku warhelin isagoo leh waxanaa ka socda madaxtooyadii.

Samatar Daahir

samatardaahir@yahoo.com


This post has been viewed 363 times.

Categories: Editorial
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright