Aqoonyahan Siyaasi Jamaal Cali Xuseen Iyo Garabkii Ugu Cusla Xisbiga UDUB Ee Uu Hogaaminayo Oo Maanta Ku Biiray Xisbiga UCID Loona Caleemo Saaray Musharaxa Xisbiga Ee Doorashada 2015

Posted by on Jul 12th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Hargeysa (Halbeegnews)– Ceo Siyaasi Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo garab laxaadleh oo uu horkacayo oo ay ka mid yahiin Afhayeenkii xisbiga UDUB Mujaahid Cali Guray, Wasiir ku xigeenkii hore arrimaha dibadda Axmed Keyse, xubno ka tirsan guddida fullinta, xildhibaano xisbiga UDUB ka soo jeeda oo ka tirsan golayaasha Wakiiladda iyo guurtida, garabyadii haweenka iyo dhalinyarada ee xisbiga UDUB.

Munaasabad balaadhan oo haddii usha kor loo tuuro aanay dhulka ku dhacayn oo ka dhacday hotelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa oo ay ka soo qayb galleen boqolaal qof oo ka mid ah taageerayaasha labada xisbi ee UDUB iyo UCID ayaa labada dhinac ku kala saxeexdeen heshiis ka kooban dhawr qodob oo ay ka mid yahiin in Mudane Jamaal Cali Xuseen noqdo Musharaxa madaxtinimada ee xisbiga UCID, qodobadii la kala saxeexday ayaa waxay kala yahiin sida:

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 23 Shabcaan, 1433 Hijrada, kuna beegan 12-ka July 2012 waxa magaalada Hargeysa ee Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland heshiis ay ku midoobayaan labada dhinac ee kala ah:

Xisbiga Qaran ee Cadaalada iyo daryeelka (UCID) oo dhinac ah, iyo dhinaca kale oo ah garabka UDUB ee uu hogaaminayo Md. Jamaal Cali Xuseen, oo go´aansaday inay Xisbigoodi ka soo baxaan, lana midoobaan Xisbiga UCID.

Heshiiskan labada dhinac ku midoobeen waxa u jeedadiisu tahay in Xisbiga Qaran ee UCID la balaadhiyo, lana xoojiyo oo la isugu keeno inta baddan Aqoonyahanka iyo wax-garadka Somaliland, jidkana loogu xaadho sidiii uu Xisbigu u xaqiijin lahaa u-jeedadii horaantiiba loo asaasay oo ahayd inuu hogaanka dalka hanto, soona saaro hogaamiyayaal lexejeclo ka hayso oo da´ayar, karti iyo aqoona leh oo danaha umadda u istaaga.

Xisbiga UCID oo taariikh dheer ku leh nabadeyntii Somaliland, iyo abuurista iyo taabogelinta dimuqraadiyada waddanka ka hano-qaaday, waxa uu qaranka u sheegayaa inuu taagan yahay, heegaana u noqon doono, wax kasta oo danta Somaliland ku jirto.

Qodobada ugu muhiimsan heshiiska labada dhinac gaadheen waxa uu u dhignaa sidan:

1. Labada dhinac waxay isla garteen, in tirada golaha dhexe la balaadhiyo oo la dhigo 251-xubnood. Tiradaas waxa loo kala yeelan doonaa: 100 xubnood oo Xisbiga UCID ah, 100 xubnood oo ay yeelan doonaan garabka cusub ee ka yimid UDUB iyo 51 kayd ahaan doona. Sidoo kale, waxay labada dhinac isla meel dhigeen in dhamaan guddi hoosaadyada iyo xoghayayaasha xisbiga ay si siman u qeybsadaan.

2. Labada dhinac waxay ku heshiiyeen, iyada oo laga duulaayo xeerkii cusbaa ee lagu ansixiyey shirweynihii Xisbiga UCID ee sadexaad, kaas oo dhigayey in la kala saaro guddoomiyaha Guddoomiyaha iyo murashaxa madaxweynanimada ee xisbiga, sidaa daradeed waxa la isla gartey inuu Md. Jamaal Cali Xuseen uu yahay murashaxa rasmiga ah ee Xisbiga UCID uga qeybgalaya doorashada madaxtooyada ee qorsheysan inay qabsoonto sanadkan 2015 Mudane Jamaal, isaga oo la tashanaya guddoomiyaha Xisbiga wuxuu dooran doona murashaxa u tartami doona xilka madaxweyne kuxigeenka.

3. Labada dhinac waxay heshiiskan ku xaqiijinayaan, in hogaanka Xisbiga ee uu hormuudka uu yahay guddoomiye Faysal Cali Xuseen, ee lagu doortey shirweynihii Xisbiga ee sadexaad ay sidooda ahaanayaan. Waxa ku soo kordhaaya hogaanka Xisbiga labada xubnood oo kala ah Xoghayaha guud ee Xsbiga iyo guddoomiye kuxigeenka sadexaad oo ka iman doona garabka cusub ee Jamaal Cali Xuseen.

4. Labada dhinac waxxay ku heshiiyeen in sida ugu dhakhsaha badan loo hawlgeliyo, guddi qabanqaabo oo ka shaqeysa qabsoomida Kal-fadhiga Afraad ee Golaha dhexe ee Xisbiga UCID iyo shirweyne guud oo aan caadi ahayn. Shirka Golaha dhexe iyo shirweyanaha Xisbigu waxay ansixin doonaan dhamaan-ba qodobada heshiiskan, Sidoo kale waxay maal marinayaan wixii kaabis iyo wax ka bedel ah ee lagu sameeyey xeerka guud ee Xisbiga UCID”

Halbeegnews, Hargeysa

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 627 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright