Agaasimahii Is-casilay Ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maxamuud Raage Ibraahim Oo Madaxweyne Siilaanyo Usoo Jeediyey Inuu Ku Daydo Dhgiisa Jibouti Geelle Hoga-tusaalayeyna Taageerayaasha Siilaanyo “Haddii La Is toosin Waayo Waxaynu Qaadi Doona Guul-wadow Siilanyo Taasina Isagay Jar Ka Tuuri”

Posted by on Jul 12th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

“shacabkayga madluunka ah waxaan leeyahay Hal aynu  nin ku baranay , hal inaga ba’ay maaha, waxaynu ka fiirsan doonaa doorashada danbe haddii alla idmo in aan nin kale qeyd inoo soo tolan Mudane Madaxweyne Axmed waxaan leeyahay   bal isku day in aad  Dhigaaga Ismaaciil Cumar Geele ku dayato” Maxamuud Raage

“Maanta waxaad ka dheregsan-tahiin in Boqor Cismaan lagu xidhay sharci ah Wax ka sheegid madax qaran oo la mid ah  tii waqtigii siyaad barre ee ahayd ku qosle kabtan kufay.Billaahi baan idinku dhaariyey  imisa ayuu Kulmiye uu wax ka sheegay Daahir Riyaale iyo Marwadiisa huda, maantana si sharaf badan ayuu Daahir u taageeray Dawladii Axmed Maxamed  waana gobonimo uu reer Kulmiye dheeraaday” Maxamuud Raage Ibraahim

London (Halbeegnews)– Agaasimahii is casilay ee Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Mudane Maxamuud Raage Ibraahim ayaa caawa warsaxafadda uu soo saaray oo nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyey shabakada caalamiga ah ee Halbeegnews wuxuu si adag uga hadlay kooxo kala garan waayey sixitaanka xukuumadda iyo taageeradda indho la’aanta ah ee ay u hayaan Madaxweyne Siilaanyo, wuxuuna Mudane Raage kooxdaasi isagoo la hadlaya ku yidhi “Waxaa mihiim ah in muwaadiniinta Somaliland ogaadaan in ay dawladnimadeena u tahay dan in aynu is tusaalayno, doodno, is mucaaridno, ama is dhaliilno iyada oo la ilaalinayo adaabta xiwaarka oo aan lays caayeyn.Hadii intaa la waayo oo aynu dhamaanteen qaadno Guulwadow Siilaanyo Aabihii Garashadow, dee  dawladuna waa iska fadhiisanaysaa oo fadhiid bay noqon”

Haddaba qoraalka Maxamuud Raage oo ka hadlaya qodobo farabadan ayaa isagoo dhamaystiran wuxuu u dhigna sidani:

“Waxaan halkan aan salaam diiran usoo marinayaa dhamaan shacabka Somaliland , gaar ahaan inta jilicsan ee la kufaa kacaysa daruufa ku gudban.

Waxaan marka hore halkan ku cadeynayaa oo aan doonaya inan ka iftiimiyo  su’aal rag badan I weydiiyaan oo ah (walaal Maxmuud Raagow haddii aad dawladan iska casishay , maxaad uga hadashaa arimaheeda). Waxaa mihiim ah in muwaadiniinta Somaliland ogaadaan in ay dawladnimadeena u tahay dan in aynu is tusaalayno, doodno, is mucaaridno, ama is dhaliilno iyada oo la ilaalinayo edaabta shawritaanka siyaasadda oo aan la is aflagadynaynin.

Haddii intaa la waayo oo aynu dhamaanteen qaadno Guulwadow Siilaanyo Aabihii Garashadow, dee  dawladuna waa iska fadhiisanaysaa oo fadhiid bay noqon, Marnaba anigu ma qabo in dhulkeena hooyo la geliyo dhibaato iyo qalalaase, ama lagu kaco dawladda, laakiin runtii taageerayaasha  kacaanka ayaa aad inoogu badan, caqlina maaha adduunyada dal qaatay dimuqraadiyad oo la leeyahay dawladda sax iyo khalad ku taageera oo horumar gaadhayna maynaan arag, haddi aynu Madaxweynaha sacab la wada ag taagnaano jarbaynu ka tuurayna dalkana waxba umaynan tarin, isagana waxba umaynaan tarin

Waxaan kale oo aan jeclaa in aynu bedelno dhaqankii foosha xumaa ee aynu 24 sano ka hor la dagaalanay ee ahaa hadaad wax iga sheegto waan ku xidhayaa, Maanta waxaad ka dheregsan-tahiin in Boqor Cismaan lagu xidhay sharci ah Wax ka sheegid madax qaran o la mid ah  tii waqtigii siyaad barre ee ahayd ku qosle kabtan kufay.

Billaahi baan idinku dhaariyey  imisa ayey reer  Kulmiye ay wax ka sheegeen Daahir Riyaale iyo Marwadiisa huda, maantana si sharaf badan ayuu Daahir u taageeray Dawladii Axmed Maxamed waana gobonimo uu reer Kulmiye dheeraaday.

Hadaan usoo dhaadhaco dulucda warbixintaydani oo ah Madaxweyne bal isku day in aad Dhigaaga Ismaciil Cumar Gelele ku dayato, Waxaa an la safray Madaxweynaha 3 mar oo uu yimid Gobolka Sanaag , waxuu u muuqday Madaxweynahu nin aad uga xun dhibaatada reer Sanaag ku qabaan wadada dheer ee isku Xidha Burco iyo Ceerigaabo, waxay ka sugayeen in uu arinkaa wax ka qabto, jawaabtii uu bixiyey Madaxweyne Siilaanyo  waxay noqotay in uu Ka safeeyo reer Sanaag dawlada intii kaga jirtay, Qaarna uu xabsiga mandheera uu u jiido oo aan maanta moodo in uu bedelay godkii Jilacow ee Xamar. halka halyeyga ismaaciil Cumar Geele uu wadadii Jabuuiti soo gaadhsiinayo Lawya Cade oo maanta la Dhagax dhigay, sidoo kale ay Wadada Jigjiga iyo Wajaale noqotay jidweyne halka aad ku dhibtoonayso wadada isku xidha Wajaale iyo Gabilay, Talo waxay u taalla  dawlada maanta jirta ee ay kaga dhegtay halhaysta ah WAAN KU XIDHAYAA OO  WAAN KAA ADKAHAY WAXAANAN KU ISTICMAALAYA AWOODII IYO MILGAHII QARRANKU LAHAA

Ugu danbeyntii waxaa leenahay Hanbalyo Madaxweyne Ismaciil iyo shacabkiisa , wadadaasi inagana waxtar bay inoo noqon shacabkayga madluunka ah waxaan leeyahay Hal aynu  nin ku baranay , hal inaga ba’ay maaha, waxaynu ka fiirsan doonaa doorashada danbe haddii alla idmo in aan nin kale qeyd inoo soo tolan, ilaahay xaqa ina garansii oo kii Somaliland u roon usoo xero geli, allahayow shacabkana kala garansii xaq iyo baadilka Aamiin ya allah”

Maxamuud Raageh Ibraahim

Halbeegnews, London

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 401 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright