Hargeysa (Halbeegnews)– Wergeyska xukuumaddu gacanta ku hayso ee hore loogu yaqaanay Maandeeq balse xukuumaddani cusubi u bixisay Dawan hayeeshe bulsho-weynta reer Somaliland u yaqaanan Dawakh oo ay ula jeedaan wergeys ku dawakhay taageeradii Xukuumadda iyo xaqii karaamadda shacabka, ayaa shalay aad moodaysay in dawakhaadii uu inyar ka soo raystay ka dib markii uu bogiisa koobaad ku daabacay qoraal uu kaga hadlayo Badhasaabka gobolka Saaxil oo beeniyey eed inuu cagajuglayn ku hayo suxufiyiinta gobolka, qormadda Wergeyska dawakhaadda ka yar baxaye Dawan wuxuu ku yidhi qormadiisa sidani:
“Ma aha wax cusub, balse waa dhaqan iyo dabeecad ay Ummadu ku taqaano masuul kasta oo aan xilkas ahayn in uu dafiro, isla markaana beeniyo khalad kasta oo uu sameeyey marka ay saxaafadu bulshada u soo bandhigto.Sidaa darteed la yaabi mayno Badhasaabka Gobolka Saaxil Md. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) in uu dafiro hadalkii dhowaan afkiisa ka soo yeedhay, ee uu ku sheegay in aanu gobolka Saaxil dib uga shaqayn doonin weriye aan isaga ruqsad ka qaadani. Waxaase wax lagu qoslo ah in Badhasaabku markii uu is arkay inuu dar-jiidhay, khaladkii uu sameeyeyna debeda u soo baxay, isla mar ahaantaana ay si adag u naqdiyeen ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo warbaahinta qaybaheeda kala duwaniba, in uu dhaleecayn iyo cambaarayn indho la’aan ah, oo xaqiiqada ka fog kula dul kufo Wargeyska Dawan iyo weriyeyaasha uga soo warama gobolka Saaxil. Kuwaas oo uu ku eedeeyey in ay war been abuur ah ka faafiyeen, halkii ay ka ahayd in uu khaladkiisa qaato, si masuuliyadi ku jirtona raali gelin uga bixiyo. Arinta kale ee la’yaabka ahi waxa weeye in Badhasaabku waraysigii uu siiyey Telefishinka Madaxa banaan ee Horn Cable Tv ee ku dafirayey, hadaladii ka soo yeedhay Salaasadii todobaadkii hore ee ku saabsanaa in aanu gobolka Saaxil ka hawl-geli Karin suxufi aan xafiiskiisa ka qaadan waraaq ogolaansho ahi, ayaa hadana waxa uu si toos waraysigaas ugu qiray in uu weriye ka tirsan Wargeyska Dawan oo doonayey in uu galo qolka VIP-da ee madaarka Berbera afkiisa ku weydiiyey kaadhkiisii aqoonsiga, Weriyahaas oo uu sheegay in uu markii dambe ka sii daayey Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Cabdillaahi Cukuse.
Su’aasha isweydiinta mudani markaas waxay tahay maxaa sababay in uu Badhasaabkii dhamaa ee gobolka Saaxil istaago afaafka hore ee laga gelayo Madaarka, ka dibna u shaqeeyo sidii u shaqeeyo sidii Askari gaadh ah, oo uu suxufiyiinta iyo dadka kale ee madaarka gelayaba isagu afkiisa ku weydiiyo waraaqahooda aqoonsiga. Jawaabtu iyada oo kooban waxa weeye ma jirto sabab la qaadan karo oo badhasaabka ku kaliftay in uu albaabka istaago si uu dadka goobtaas gelaya waraaqahooda aqoonsiga u baadho, balse waa arin ka turjumaysa khibrada iyo aqoonta maamul ee badhasaabkau heerka ay taagan yihiin, sidoo kale dhacdadaasi waxay astaan iyo daliil cad u tahay keli talisnimada, awood maroorsiga iyo ku tagri falka aan xuduuda lahayn ee awooda xafiiska dawladda ee uu masuuliyadiisa hayo badhasaabku.
Taas hadii aanu intaas kaga gudubno, oo aanu si kooban u iftiimino arinta uu badhasaabku dafirayo ayaa xaqiiqadeedu waxay tahay mid u dhacday sidatan, Badhasaabku waxa uu madaarka Berbera dhexdiisa ugu yeedhay dhawr ka mid ah suxufiyiin ka kala socotey qeybaha kala duwan ee warbaahinta oo halkaas ku suganaa, waxaanu u sheegay inuu ruqsad ama liisan ku soo rogi doono weriyeyaasha gobolka dhamaadka bishan, isla markaana Waxaa uu ku hanjabay in aanu qof suxufi ahi gobolka Saaxil wakiil uga noqon karin Ha’yad warbaahineed illaa uu isagu ogolaansho siiyo. Goobta uu badhasaabku hadaladaas ka yidhina waxa xiligaasi ku sugnaa, suxufiyiin kala duwan oo aanu ka xusi karno Cabdikariin Siciid Saalax , Mukhtaar Cabdiraxmaan iyo Cumar M Faarax. Sidaas darteed waxaan Badhasaabka xasuusinaynaa maah-maahdii Soomaalida ee ahayd “Nin Hadalkii uu yidhi dafiray inta uu dhalayna wuu dafiraa.”Waxa kale oo aan Guddoomiyaha ku boorin lahayn inuu isu aqoonsado Guddoomiye Gobol dhan oo uu ka koro hanjabaad, cago-jugleyn iyo ciyaalo-suuqaynta uu ku hayo saxaafadda gobolka oo uu xataa sii kala takooro warbaahinta qaranka. Iyadoo uu hanjabaad iyo faqooq gaar ah ku hayo Weriyaha Wargeyska DAWAN ee gobolka Saaxil Mr. Xuseen Marduuf.Sidaasi darteed, waxaanu leenahay gudoomiye labadii sano ee aad gobolka ka shaqaynaysay waxa taariikhda kuu galay in aqoontaada ku wajahan shuruucda dalku aad u xadidan tahay, waxase imika aad ku darsatay in aanay afkaaga iyo dhegahaagu is xitaa is maqlin.
Si kastaba arrintu ha ahaatee Guddoomiye waxaanu kuu soo jeedinaynaa inaad didibsatid oo aad ka dhawrsatid wixii sumcad xumo kuu soo jiidaya isla markaana aanad awooda dawladeed uga faa’iidaysan si taban oo dhegmo u soo jiidaysa dawladda dhexe oo aad gobolka Saaxil oo dhan wakiil uga tahay.
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 291 times.






