Hargeysa (Halbeegnews)– Marwo Amaal Xaaji Miisaan oo ah la taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee dhinaca Haweenka ayaa maanta mar ay ka hadlaysay munaasabad ay haweenka axsaabta siyaasaddu iskugu yimaadeen waxay usoo jeedisay Haween weynaha Somaliland meel kasta oo ay joogaan inay isku diyaariyaan banaanbax balaadhan oo ay kala horyimaadaan xildhibaanadda golaha Wakiiladda Somaliland oo ay ku eedaysay inay hortaaganyahiin xeerkii kootada ugu xidhaayey haweenka iyo dadka laga tirada badanyahay kuraasida golayaasha dalka.
Marwo Amaal Xaaji Miisaan oo arrinta ka hadlaysa waxay tidhi “waxaan leeyahay Haweenka Somaliland waa in aad sameysaan Mudaharaad aad kaga soo horjeedan Golaha Wakiilada, waayo Xuquuqdeeni ayey hortaagan yihiin, waxa inoo balan aha idinka oo isa soo hortuba Golaha Wakiilada oo ku mudahaarada , waa in aydaan ka dhaqaaqin ilaa Golahaasi ansixinayo Samiga aynu ku leenahay Golayaasha Qaranka ee Kootada laynoo siiyey”Ayey Tidhi Marwo Amal.
Hadalka ka soo baxay masuulkii ugu sareeyey la talinta dhinaca haweenka ee Madaxtooyada Somaliland ayaa noqonaya kii ugu kulula ee ka soo baxa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kuna wajahan golaha Wakiiladda oo loo arkaayey labadii sannadood ee Madaxweyne Siilaanyo tallada hayey mid gacanta u gallay xarunta madaxtooyada.
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 268 times.






