G/Xigeenka UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Jamaal Cali Xuseen Ugu Duceeyey U Diga-rogashadiisa Xisbiga UCID, Wacadna Ku Maray In Xisbiga UDUB Berri Lagu Kala Bixi Doono “Ragga Halkan Fadhiya Oo U Badan Guddidii Fullintu Berri ayay shiri doonaan”

Posted by on Jul 11th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Hargeysa (Halbeegnews)– Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland ahna G/ku xigeenka xisbiga UDUB Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo shir jaraa’id maanta ku qabtay xarunta xafiiskiisa ee magaalada Hargeysa isla markaana shirka jaraa’id ay ku wehelinayeen tobaneeyo ka tirsan guddida fullinta ee xisbiga UDUB ayaa shaaca ka qaaday in maalinta berri ah garabka uu hogaamiyo ay shir yeelan doonaan isla markaana wuxuu wacad ku maray in xisbigii UDUB lagu kala bixi doono.

Mudane Axmed Yuusuf yaasiin oo ka hadlaya Mudane Jamaal Cali Xuseen oo maalinta berri ah u digo-roganaya xisbiga UCID halkaasi oo uu ka noqon doono musharax iyo hogaanka xisbigaasi ayaa wuxuu yidhi “Jamaal Cali Xuseen waanu iska aragnay oo ka kulanay arrinta, wuxuu Jamaal noo sheegay inuu yar degdegsaday xalka xisbiga UDUB isla markaana uu UCID tagayo, anaguna waanu u ducaynay, ilaahayna waxaanu ka baryayenaa inuu hankiisa iyo hawsha sugaysaba u fududeeyo, waa nin aqoonteeda, xilkasnimadeeda iyo kartideedaba leh” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Mr. Yaasiin wuxuu sheegay in aanay caqli gal ahayn in ay sii daawadan xisbigii UDUB ee aqlabiyadda qarranka gacanta ku hayey inuu sii burburo “Xisbiga UDUB maanta isaga 270 xildhibaan golayaasha deegaanada dalka 260 ka mid ah xildhibaanaddu yahiin qaar iyaga ka soo jeeda, maayoradda magaalooyinka oo dhan waxay ka soo jeedaan oo ku abtirsadaan UDUB, golaha Wakiiladdu 82 Mudane 34 Mudane oo ah aqlabiyadd waa xisbiga UDUB, caqliga ma gasho in aanu sii daawano UDUB oo ah hooyadii dhashay Somaliland dimuqraadiyadeeda inuu burburo, raga halkan ila fadhiya waxaanu berri geli doona shir gelinka danbe go’aan rasmi ah ayaanu ka soo saari doona halkii UDUB loo qaadi lahaa iyo halka loo jihayn doono” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.

Hadalka Mudane Yaasiin ayaa ka danbeeyey iyadoo maalinta berri la filayo in Jamaal Cali Xuseen munaasabad balaadhan oo ka dhacaysa hotelka Maansoor uu ugu digo-rogto xisbigaasi.

Halbeegnews, Hargeysa

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 380 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright