Dubai (Halbeegnews)– Booliiska socdaalka madaarka Sharjah ee dalka isku tagga Emirateka carabta ayaa xallay waxay ku qabteen gudaha madaarka arrin aan weligood hore usoo marin, Lamaane is qaba oo ka soo jeeda dalka Masar ayaa waxay ilmahii yara ee ay dhalleen dhex dhigeen shandad nooca suusadda (suitcase) lagu xidho ah, waxaana ilmaha yar ee ku jira shandada qabtay mid ka mid ah askarta shandadaha mariya qallabka lagu baadho (scan).
Arrinta ayaa waxay ka dhalatay ka dib markii qoyskani ay maalintii jimcaha ee todobaadkani soo gaadheen madaarka Sharjah ka dibna ay kooxda socdaalku joojiyeen maadama ilmaha yar ee ay wataan aanu haysanin fiisadda dal-ku galka Emirateka carabta, waxaana loo sheegay in ay ku sugaan gudaha madaarka Sharjah ilaa go’aan laga gaadhayo waxaa laga yeelayo ilmaha yar ee aan Fiisadda wadanin.
Aabaha dhallay ilmaha yar ayaa gabadhiisa ku qanciyey in aanay sugi karayn laba maalmood ee ay ku xidhaan ilmaha yar shandad nooca gacanta lagu qaato ah si ay uga qariyaan waaxda socdaalka isla markaana ay madaarka dibadiisa uga baxaan “weligayo tan oo kale namay soo marin, manaanan arag, in ilma yar hooyadii iyo aabahii dhallay ay axmaqnimo ay qabaan iyo samir la’aan ay shandad ku xidhaan” sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay sarkaal ka tirsan waaxda socdaalka madaarka Sharjah oo la yidhaahdo Abdel Rahman Shama.
Wiilka yar ayaa caafimad qaba waxaana lammaanaha ilmaha yar dhallay lagu soo oogay danbi ah dil iyo masuuliyad darro waxaana la hor keeni doona maxkamad ku taalla dalka Emirateka carabta dhawaan.
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 509 times.







