Birmingham (Halbeegnews)– Xisbi weynaha muxaafidka ah ee KULMIYE laamahiisa dalka boqortooyada ingiriiska ayaa maalintii shallay waxay iskugu yimaadeen kulan balaadhan oo ka dhacay magaalo madaxda labaad ee dalka ingiriiska, kulankani ayaa ujeedadiisu ahayd sidii xisbigu uga tashan lahaayeen hawlaha ololaha doorashada ee ku soo wajahan doorashada golayaasha deegaanka iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa hawlaha iyo isku xidhka xisbiga KULMIYE ee dalka ingiriiska.
Kulankaasi oo madaxda xisbigu ay foodda isku dareen oo ka dhacay magaalada Birmingham waxaa gebo-gebadii warsaxafadeed ka soo saaray Suldaan Kabadhe oo ka mid ah madaxda xisbiga KULMIYE dalka ingiriiska oo isagu ka mid ahaa madaxdii shirka ka qayb gashay waxaana qoraalka saxaafadda loogu tallo-gallay oo nuqul ka mid ah uu soo gaadhsiiyey shabakadda Halbeegnews isagoo dhamaystiran u dhigna sidani:
“Waxaa maalinti Axada ee la soo dhaafay shir isugu yimi xubnaha gudida laanta Birmingham ee xisbiga kulmiye iyo taagerayaashiisa . shirkaas oo ku saabsana wadatashi iyo sidii dardar cusub loo gelin lahaa
Hawalaha xisbiga u yaal.
Xisbiga Kulmiye ayaa u diyaar garoobaya tartankii doorashooyinka golaha degaanak oo dalka ka dhici doona dhawaan sidaa awgeed waxaa laynooga baahan yahay inaynu hawshi aynu ku balanay bilowno, sidaa waxaa yidhi G.laanta Abbdi khaliq sh Osman Nuur,oo furay shirka aayado quraana ka dib . waxaa kaloo iayaguna halkaan hadalo ka jeediyey xubnaha kale ee gudida ah oo kala ah mahamud Hirsi Duudu, Suldaan Abdilahi, Ahmed Ali iyo Zakariya oo isagu ka mid ah gudida Fulinta ee UK. Waxaa iyaduna hadal kooban ka jeedisay Farduus Mohamed Bootaan oo iyaduna ka mid gudida laanta.
Waxaa kaloo fikarado dhaxal gal ah ka soo jeediyey taagerayaal kale oo rag iyo dumarba leh. Shirakan ayaa ugu danbaynti waxaa laysku afgartay, in loo balamo shir weyne balaadhan oo ay ka soo qayb galaan dhamaan taageyaasha Kulmiye ee ku dhaqan gobolada West midlanka ee caasimadiisu tahay Birmingham iyo madaxda xisbiga eek u sugan cariga Ingiriiska.
Waxaa kaloo shirka ka soo baxay in la bilaabo lacagti xubinimada oo xisbigu uu yeesho waxa loo yaqaan data regesitered ama diiwaan gelin rasmiya oo koobaya xubnihiisa isla markaana kala saaraya xubin buuxda iyo taageere.
Waxaa kaloo la soo bandhigay in cod midaysan lagu yeesho gudaha dalka iyo in lays dhaafasado wixii fikrado iyo talaooyin ah. Sideed sano oomucaarid la soo ahaa iyo labadii sano ee xisbigu talada dalka hayey ayaa waxaa lagama maarmaan noqotay in laga faaiidaysto khibrada iyo waaya aragnimada ay laeeyihiin xubno fara badan oo xisbiga ka mid ah qaarkoodna ay ku biireen hogaanka dalka.
Gabagabadii waxaa si buuxda loo wada taageerayey talaabada geesinamada leh ee ay dawlada uu hogaaminayoMadaxweyne Ahmed Mohamed Mohamud Siilaanyo ku hagayo dalka isagoo cagta saaray tubtii toosnayd ee lagu gaadhi lahaa madaxbanaani buuxda iyo garawshiiyo aynu caalamka ka helo iyo horumar la talaaban karo oo imikaba ay qirayaan dhamaanba shacabka reer Somaliland. Shirkaasi ayaa ku dhamaaday is afagarad iyo wada shaqayn wanaagsan.
Halbeegnews, Birmingham
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 294 times.






