Dagaal Ka Dhex Qarxay Kooxda Khaatumo La Baxday Oo Sababay In Guuro Lagula Baxsado Madaxweynahii Kooxdaasi Axmed Karaash Magaalada Taleex

Posted by on Jul 10th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Taleex (Halbeegnews)– Waxaa maanta gabal-dhicii ka dhacay magaalada Taleex ee gobolka Sanaag oo xarun u ah Madaxweynaha kooxda Khaatumo Axmed Karaash dagaal ay iskaga hor yimaadeen laba kooxood oo nidaamkaasi u kala jabay, waxaana wararka Halbeegnews ka hellaysa magaalada Taleex tibaaxayaan in dirqi uu ku fakaday Hogaamiyaha Kooxdaasi Axmed karaash.

Arrintani ayaa la sheegay inay ka dhalatay ka dib markii kooxo hubaysani ay caawa fiidkii weerar ku soo qaadeen guri uu Axmed Karaash ka degenyahay magaalada Taleex kooxdaasi oo la sheegay inay ka gadoodsanayeen lacago iyo raashin uu Axmed Karaash ugu ballan-qaaday inuu siinayo oo fuli wayday, wararka Halbeegnews hellaysa ayaa tibaaxaya in khilaafkaasi keenay in rasaas ay isweydaarsadaan koox taageersan Mr. Karaash iyo kooxda weerarka soo qaaday taasi oo keentay in guriga uu degenyahay Hogaamiyaha Khaatumadda lagala cararo lana geeyo goob aan ilaa hadda la garanaynin.

Arrintani ayaa ku soo beegmaysa xilli maanta ciidamada ammaanka Ethiopia ay xabsiga dhigeen hogaamiyahii ruuxiga ahaa ee Khaatumo Cali Khaliif Galaydh oo doonaayey inuu dhinaca Ethiopia uga soo gudbo magaalada Buhoodle, iyo sidoo kale war uu dhawaan sii daayey Axmed Karaash oo ku saabsana in maamulka Khaatumo dhaqaale la’aan u burburay.

Dhinaca kalana wararka aanu hellayno ayaa tibaaxaya in maleeshiyooyin Maleeshiyadda Khaatumo taabasana ay usoo goosteen dhinaca iyo galbeedka gobolka Saaxil isla markaana la filayo inay ciidamadda qarranka Somaliland isku soo dhiibaan.

Halbeegnews, Taleex

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 885 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright