Xukuumadda oo Cadaawada ay u hayso Boqor Buurmadow awgeed goor dhaweyd u dhaadhicisay Mandheera, kana hor istaagtay Iibkii iyo Damiinkiiba

Posted by on Jul 9th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Hargeysa (Halbeegnews)–Xukuumadda Somaliland oo ay shalay Guul-daro kala soo daristay Kiiskii Boqor Buurmadow ee ay Mudada Afarta bilood gaadhaysa Xabsiga Hargeysa ugu jiray ee lagu waayay Eedaymihii ay Xeer Ilaalintu ku soo Oogtay ayaa goor dhaweyd lagala baxay Jeelka Hargeysa isla markaana loo wareejiyay Jeelka Mandheera.

Talaabadan ayay Xukuumaddu ku kacday markii shalay Kiiska lagu dhawaaqay, iyadoo Qoddobka ay Maxkamaddu ku xukuntay oo ah Qoddobka 268 ee XCG uu dhigayo inuu Iibsan karo isla markaana Damaanad uu dibeda ku joogi karo haddii ay Xukuumaddu Rafcaan ka qaadato Go’aanka Maxkamadda, balse ay Xukiuumaddu ilaa shalay dagaal adag ka gashay sidii ay labadaba uga hor istaagi lahayd Boqorka.

Si dagaalka ay Xukuumaddu ku wado Boqorka ay fursad ugu hesho waxa ay maanta Dhurkii Amartay ib Xabsiga Mandheera loo qaado si uu u waayo dhaqdhaqaaq loogu fududeeyo waxyaabaha sharcigu u ogol yahay maadaama Mandheeri tahay meel ka dheer hargeysa ama xaasaskiisa oo aan Cuntada looga geyn karayn iska daa wax kale oo loo qabto’e.

Sidoo kale waxay dagaal culus ka gashay sidii uu ugu jiri lahaa xaalada Nololeed ee Xabsiga Hargeysa oo ka wanaagsan ta Mandheera, iyadoo Mandheeri tahay Xabsi aad looga dayriyo Noloshiisa isla mar ahaanta goobta uu ku yaalo ay xiligan tahay Kulayle Hanfiga Xagaagu ka dhacayo oo aanu ku noolan Karin qof sida Boqor Buurmadow oo kale xaaladiisa Caafimaad u baahan tahay Daryeel iyo Daaweyn joogto ah.

Sis kasta ha ahaatee maadaama Maxkamaddu ku weyday oo Laashay qoddobadii Xeer ilaalintu ku Eedaynaysay waxa ay talaabooyinka imika ay qaadaysaa u muuqdaan kuwo Argoosi Siyaasadeed ah oo ka baxsan Eedii ay marka hore u soo jeedisay, isla markaan waxay noqonaysaa arrin ka soo horjeeda Xorriyatal Qawlkii maadaama qoddobka hada lagu xukumay uu yahay mid ka hor imanaya Xorriyaadkii Aasaasiga ahaa ee Muwaadiniinta Somaliland iyo Shareecadda Islaamkaba maadaama labaduba ogol yihiin in la dhaliilo Madaxda Qaranka haddii ay ku talaabsadaan Cadaalad daro.

Waaheen

Halbeegnews, Hargeysa

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 311 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright