Wuu Sabaynayaa ilaa hadana Markab Gurmad ah oo u tagay ayaa Badda oo kacsan awgeed waxba u qaban kari la’
“Markabka waxa ala yidhaahdaa Sea Star waa Maraakiibta Xoolaha qaada ee iskaga Gooshta Mukha iyo Berbera” Ganacsade Gabalaax
Hargeysa (Halbeegnews)–Markab la yidhaahdo Sea Star oo sida 1500 oo Nee foo Adhi ah iyo 1000 Neef oo Lo’ah oo habeen hore ka shiraacday Dekedda Berbera una sii jeeday Dekedda Mukha ee Dalka Yemen ayaa lagu soo waramayaa Mishiinadu inay istaageen isla markaana uu Dul sabaynayo Biyaha Badda meel 90 Mayl u jirta Berbera.
Sida uu Ganacsade Markabkaasi Xoolo u saaran yihiin Waaheen u xaqiijiyay Markabku waxa uu habeen hore ka goostay Dekedda Berbera isagoo shixnadaas Xoolaha ah sida, waxaana lagu waday xalay inuu ku xidho Dekedda Mukha oo uu Xoolahaas u siday hase yeeshee waxa uu sheegay in Markabkaasi cilad farsamo ku timi oo ay Mishiinadu istaageem.“Markabka waxa ala yidhaahdaa Sea Star waa Maraakiibta Xoolaha qaada ee iskaga Gooshta Mukha iyo Berbera, waxa uu siday Xoolo dhan kun iyo shan boqol oo Nee foo Adhi ah iyo Kun Nee foo Lo’ah, waxaa wararka aanu helaynaa sheegayaan inuu sabaynayo ilaa shalay meel berbera 90 Mayl u jirta oo ay Mishiinadii istaageen” ayuu yidhi Ganacsade Gabalaax oo ka mid ah Ganacsatada ay Xooluhu u saaran yihiin oo aad uiga wer wersanaa Warka Markabka.Waxaanu intaas raaciyay “ waxa u Gurmaday Marakab kale oo ka yimi Sucuudiga oo la yidhaahdo Barako 5, hase yeeshee sida lagu soo waramayo Markabkaasi waxba uma qaban karo oo waxa uu ka baqayaa Dabaysha oo aad u kacsan Haddii uu ku dhawaado inuu ku dhaco oo uu isna Burburo, markaa ilaa hada wuu ag taagan yahay oo xaaladiisa ayuu la socdaa, wax Gurmad ah oo kalena ma hayo illaa hada” ayuu yidhi
Dhacdadan ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee ku timaada Maraakiibta Badda Somaliland iyo Yemen iskaga Gooshta Xagaagan, waxaana ka dhalana kara khasaare culus Haddii aan Markabkaasi aanu helin Gurmad Deg Deg ah oo lagu samatabixinayo.
Waaheen
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 219 times.







