Dawladda Ingiriiska Oo Ku Dhawaaqday Siyaasad Cusub Oo Lagu Adkaynaayo Fiisooyinka La Siiyo Dadka Ehaladooda iyo Qoysaskooda U Dacwoonaya

Posted by on Jul 9th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

London (Halbeegnews)– Dawladda ingiriiska ayaa waxay dhaqan-gelinaysa 9 Bishani July oo ku beegan maanta oo isniin ah sharci cusub oo Xukuumadda wadaaga ah ee Britishku ay sheegtay inay ku adkaynayso fiisooyinka lagu soo gallo dalka ingiriiska gaar ahaana dadka eheladooda u dacwooda sida qoysaska, xaaska, caruurta, hooyooyinka, aabayaasha.

Sharciga cusub ayaa qodobkiisa koobaad wuxuu dhigaya in laga bilaabo maanta qofkii doonaya inuu qof u dacwoodo Britain xaaskiisa ah laga rabo lacag qadarkeedu dhanyahay £22,500 pound (laba iyo labaatan kun iyo shan boqol pound) oo u dhiganta $36000 (lix  iyo soddon kun oo dollar) in ay sanduuq xisaabeedkiisa ugu jirto.

Qodobka labaad ayaa wuxuu dhigaya in qofkii doonaya inuu ilmo uu dhallay keeno dalka ingiriiska laga rabo inuu shubo lacag dhan 2,500 pound (Laba kun iyo shan boqol oo ginniga ingiriiska ah) una dhiganta $4,200 (afar kun iyo laba boqol oo dollar) marka uu dalbanayo fisada lacagtaasi oo lagu shubi doono safaaradaha dalka ingiriiska iyadoo lacagtaasi aanay ahayn mid dib laguugu soo celinayo haddii aad kiiska ku guulaysto ama aad waydo.

Waxaa Degenaanshaha laga tirtiraya qoysaska wixii ka badan 4 sannadood ku nool dalka ingiriiska dibadiisa sharciyadda degenaanshaha ah.

Dhammaanba dadka dalbanaya fiisooyinka dalka ingiriiska waxaa lagaga qaadi doona goobaha ay fiisooyinka ka dalbanayaan imtixaan muujinaya awooddooda luuqadda ingiriiska, imtixaankaasi oo ah ingiriiska heerka loo yaqaano (ESOL English test) waxaa sidoo kale laga qaadi doona imtixaan kale oo ku saabsan nolosha iyo dhaqanadda dalka ingiriiska (Life in UK Test) , waxaa arrintani ay sidoo kale saamayn doonta dhamaanba dadka dalbanaya degenaanshaha rasmiga ah ee dalka ingiriiska.

Waxaa loo fududayn doona dadka da’da ah ee doonaya inay la noolaadaan ehelkooda ee aan ku lahayn qaraabo iyo xigto aan ahayn halkay joogaan, waa inay dadkaasi keenaan caddaymo ku filan inaanay da’ ahaan iyo caafimaad ahaanba ka maarmi karin qoysaskooda UK degen.

Gebi ahaanba waxaa la xadidi doona racfaanka laga qaado marka qofka loo diido fiisooyinka nooca booqashada qoysaska (family visit visas) si loo yareeyo hawsha.

Haddii aad UK sii joogto iyadoo Visa-du ka dhaacday oo aad 28 maalmood gudahood ku dalban waydo Visa gebi ahaanba waxaa laga mamnuuci doona in mar danbe aad UK soo gasho waxaana macluumaadkaaga la gelin doona dadka aan loo ogolaan doonin inay UK dib usoo gallaan.

Arrintani ayaa waxaa dhaleeceeyey siyaasiyiinta xisbiga mucaaridka shaqaalaha, Mudane Keith Vaz oo ah mudanayaasha loogu qadarin badanyahay golaha baarlamaanka Britain ayaa ku eedaysay Wasiirka daakhliga Britain inay doonayso inay ku amar ku taaglayso dadka Britishka ah markay doonayaan inay xaasaskooda UK keenaan iyadoo ku xanibtay ayey tidhi qorshayaal iyo hanti macmal ah oo aan loo baahnayn.

Siyaasadaha dib loogu habayno hannaanka socdaalka Britain ayaa maalinba maalinta ka danbaysa sii adkaanaya tan iyo markii ay xilka qabteen dawladda wadaaga ah ee Conservativeka iyo Lib Demsku, waxaana arrintani ay xanibi doonta boqolaal kun oo Soomaali oo u dacwoonaayey eheladooda ku nool ingiriiska dibadiisa.

Halbeegnews, London

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 531 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright