Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Oo Eedyatii SOLJA Kaga Jawaabay “Aniga Shaqadeydu Waa Wax Kooban Inta Badana waxba Igama Qorto Saxaafada Gobolku Qallinkii Maxamed Xuseen Qamari

Posted by on Jul 9th, 2012 and filed under Editorial. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Gudoomiyaha gobolka saaxil ayaa xilkiiso uu hoos u dhigo kaga jawaabay eedeyntii Ururka suxufiyiinta somalliland ee “SOLJA”, hab-dhaqanka suxufiyiinta gobolka ka howlgala,mar uu u waramayey HCLTV. “horta aniga xilkaygu waa wax kooban oo aan ka badneyn meelo aan kormeero,waxna igama qorto saxaafada gobolka”

Saxaafada madax-banaan ee Somaliland waxay astaan u tahay hanaanka dimuqraadiyadeed ee ka jira Somaliland,waxay kaalin mugle kaga jirta dadaaalka aqoonsi buuxa oo Somaliland ka hesho bulshada caalamka.

Saxaafadu waa meesha bulshada looga gudbiyo wararka,barnaamijyada iyo xaalada horumarka dalka.Waa qodob dastuuriya sida uu qeexayo xeerka saxaafada XEER Lr 27/2004.

Saxaafadu waa halka laga fiirsado horumarka ka jira Somaliland oo ah dal aan weli helin ictiraaf caalamiya, waxayna qayb ka tahay waxyaabaha sida weyn loogu majeerto Somaliland.

 Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa ku eedeyey in gudoomiyaha gobolka Saaxil uu  ku hayo cadaadis,cabudhin iyo cagojugleyn  suxufiyiinta ka hawlgala gobolka Saaxil.

 Cabashada noocan ah oo aan hore uga dhicin dalka.ayaa masuuliyiinta ugu sareysa ururka suxufiyiinta Somaliland  ee SOLJA si weyn uga hadleen,iyagoo  uu farayo xaqa iyo waajibka ay u leeyihiin iney ka hadlaan una doodan arrimaha suxufiyiinta ku bahoobay ururka suxufiyiinta ee SOLJA.

Eedayntan ururka ayaa si cad u tilmaantay sida uu ula dhaqmayo gudoomiyaha gobolku saxaafada. Tahay mid uu ku sheegtay awoodo aanu lahayn, balse dhinaciisa ugu muuqatey wax uu ugu yeedhay ruqso siinta saxaafada gobolka ka shaqaysa,taaso eedeyntu ururku ku tilmaantey talaabo tigteytarnimo iyo waxyaabihii ay bulshada reer Somaliland kaga hor yimaadeen xukunkii keli taliskii siyaad Bare ee caadada u lahaa cabudhinaha noocan ah.

Waxaa nasiib daro noqotey gudoomiyaha oo rabay inuu iska difaaco eedeynta mar uu wareysi siiyey HclTv inaanu jawaab u helin eedeyntii ururka suxufiyiintu usoo jeediyey,sida uu u dhigay hadalkiisana ay ka dhex muuqatey cadeyn ah inuu jiro khilaaf u dhexeya isaga iyo saxaafada gobolka.waxaana uu sheegay inaaney isaga waxba ka qorin saxaafada gobolku inta badan,taaso uu ku macneeyey hadal  hoos u dhigaya xilka uu qaranka u hayo,kadib markuu yidhi “aniga shaqadeydu waa wax kooban oo meelo inaan kormeero aan ka badneyn”.nuxurka hadalkan jawaabta ku jira ayaa ah mid ka maragkacaya inaanu gudoomiyuhu garwaaqsan inuu yahay madaxweynihii gobolka iyo masuulka ugu shaqada balaadhan ee guud ahaanba gobolka oo dhan xilku ka saran yahay.

Dhinaca kale, waxaa uu hadalkasi  cadeyn u noqonaya inuu jiro farqi aqooneed oo gudoomiyaha iyo shaqadiisa u dhexeya,isla markana ah halka ay kaso baxayso sababta  cabashooyinka suxufiyiinta ee la xidhiidha xuquuqda xil gudashada hawl maalmeedka,si ay wararka iyo barnaamijyada kala duwan ee gobolka u gudbinayaan.

suxufigo loo diido xuquuqdiisa xil gudasho waa talaabo sharciyada ka hor imaneysa.

Haddii suxufiga ama saxaafadu dambi cad ka galaan dhinacyada sharciyada, qaranimada iyo hawlaha maamulka ee gobolka iyagoo ka been abuuraya, waxaa xaq loogu leedahay in loo gudbiyo eedeynta hay’adaha sharciga u leh,waxaa ka reeban maamulku inuu ka doono iney u ahaadan kuwo u hayal jilicsan.

Dhinaca suxufiga, waxaa loo baahan yahay inuu xaq-dhowro isla markaana uu ilaaliyo xuquuqaha ay ku leeyihiin bulshada uu u adeegayo iyo qarankiisa,kana fogaado inuu baahiyo warar iyo barnaamijyo wax u dhimaya xaqa suxufiga iyo saxaafadaba,waa in suxufigu aanu ku faafin qaybaha warbaahineed ee uu ka shaqeeyo wax sumcad daro ku ah shikhsiyaad uu gaar u weerarayo,isago isticmaalaya talaabo ah aar goosi,oo ah waxyaabaha ka reeban in saxaafadu ku dhaqanto.

 Aan Wada Ogaano In “xilka mudanta ina wada saran yahay”.

Maxamed Xuseen Ciise“Qamari

Dharaar200@hotmail.com


This post has been viewed 280 times.

Categories: Editorial
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright