Xusuustayda Afar Sanno Jamacadda Hargeysa Qallinkii Mukhtaar Cabdi Sheekh

Posted by on Jul 9th, 2012 and filed under Editorial. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Waxbrashada, Dhaqannada Jaamacadda,  Isbadaladii Faraha Badnaa ee Maamulka, Faa’iidooyinkan Jaamacadda ka Helay, Todobaadadii Dhaqanka, Shaqaalaha Jaamacada, Dhibaatada 4.5 ka Haysata Jaamacadda, Talooyin ku Socda Maamulka Cusub ee Iman Doona Jaamacada, .

Mukhtaar Cabdi Sheekh (Bulshaawi)…… Senior Faculty of ICT

Jaamacada Hargeisa waa jaamacada ugu wayn dalka, Waana Jaamacada ay dhigtaan ardayda ugu badan ee heer jamacadeed, waxan Maqaalkan ugu talo galay inaan kaga hadlo afar sanno noloshayda qiimo wayn ku lahaa oo aan ku soo qaatay jaamacada hargaysa, waxay noloshayda ka badashay waxyaabo badan, waxayna igu hagtay dariiqa lagu gaadhi karo guul, sidaas darted, ayaan u soo saarayaa nuqulkan oo aan kaga hadlaayo waxyaabo layaab leh oo aan ku arkay Jaamacada iyo Dhibaatooyinka haysta Jaamacada ee u baahan in la saxo, kuwaaas oo aan mid mid u kala qaadi doono.

Dhaqannada Yaal Jaamacada:

Marka aad albaabka ka gasho Jaamacada waxa aad galaysaa nolol ka duwan tii hore, waxa aad la kulmaysa dad wada mashquulsan, waxa aad arkaysaa arday wax ku akhrisanaysa library ga wayn ee jaamacada, waxa aad arkaysaa arday iska fadhida maqaaxiyaha dibada oo aan warkaasi hayn, waxa aad arkaysaa arday iska fadhida badhxada ama kuraasida sagbada ah ee Jaamacada , waxa aad arkaysaa arday koox koox wax ugu wada akhrisanaaya mutuladda jaamacada, waxa aad dareemaysaa xoriyadd oo qof waliba isagaa is maamulaaya, ma jiro macalin ku amraaya iyo maamul ku odhaanaya xiisada gal, qof wal oo jecel inuu waxbarto wuu ka helaaya Jaamacada wuxuu rabo.
Dhaqannada Jaamacada yaal ee layaabka leh waxa ka mid ah in aan ardayda badankeedu is aqoon oo sida ay 5000 kun oo arday oo Saddex wakhti kala dhigtaa isku bartaan ayaaba adag, xataa arday isku class ah ayaan kuuliyaddaha qaarkood is aqoon oo qofwaliba waxbarashadiisa ku mashquulsan yahay, waxa kaga sii daran oo layaab leh in Professors ka  Jaamacada wax ka dhiga aan la aqoon dhamaantood oo Kuuliyad waliba inta Macalin ee wax u dhigta uun ay yaqnaan, waxyaabahaas oo dhan waxa ugu wacan Badnida ardayda iyo mashquulka uu qofwaliba ku mashquulsan yahay Waxbarashadiisa.
Dhaqannada Jaamacadda yaal intaas laguma soo koobi karo waxa aan qaar badan oo kale ku dhex xusi doona Mawduucyadda Danbe, Madaamad Jaamacadu balaadhan tahay.

Waxbarashada:

Waxbarashadu waa hantida uu qofwaliba haysto ee aan ka maydh mayn marna, Waana Hubka uu ku dagaal galaayo qofwalba oo waxbartay, sidaas darted, waxaa muhiim ah in ay Jaamacadda ka soo baxaan arday ay ku faanto oo Mustaqbalka dalkooda iyo dadkooda hogaan u noqda kuna soo kordhiya wax cusub Ummadda, hadaba, Waxbarashada Jaamacada Hargeysa run ahantii way wanaagsan tahay marka dusha sare laga eego lakiin markaad gudaha u dhaadhacdo waxa aad arkaysaa mid taas aan hore u soo sheegnay ka duwan oo u baahan in wax badan laga badalo, waxbarashada maalin laha ahi waa 3 sacadood maalintii marka laga jaro wakhtiga break time ka, waxaana badanaa la qaata wakhtigaas oo dhamaystiran lakiin laysma waydiiyo maxaa ardaydii ay fa’iideen oo cid ku soo noqotaa ma jirto, waxa dhibaato kala haystaa Ardayda iyo Macalimiinta wax u dhigaaya oo marwalba ardaydu waxay badalaan Macalimiinta taas oo dhibka halka uu ka jiraa yahay iyadoo aan macalimiinta la soo tijaabin oo ardayda lagu soo qoro oo ay class ka hor yimaadan iyakoon tijaabo soo marin, waxa ay waxbarashadu u socotaa si wanaagsan oo ardaydu waa ay dadalayaan maamulkooduna wuu u dadaalaaya lakiin is fahan waa ayaa jira oo ah in ardaydu rabto macalin hab wanaagsan wax ugu soo gudbin kara, Kuuliyaddaha Jaamacadda marka aad dhex gasho waxa dhamaantood intooda badan u dhiga macalimiin Shahaadada Degree wata oo qaarkood Experience badan haystaan halka qaar kalena ay sannad ama bilo ka hor ka qalin jabiyeen Jaamacada.
Aniga xusuustayda waxa I soo maray macalimiin badan oo wanaagsan oo hab wanaagsan wax noogu dhigi jiray, oo aana marna ilaawi donin dadaalkii ay noo mujiyeen wakhtigii ay wax noo dhigayeen, guud ahaan waxbarashada Jaamacada Hargeysa waxa ay u socotaa qaab wanaagsan, waxa jira dhibaatooyin yar yar oo ardaydu xalin karto marka laga yimaado Maamulka, sida, masaxaada oo iyaku haday is abaabulaan iyo albaabada qadiimiga ah iyo daaqadaha oo wakhtiga dabayshu jirto aan waxba laga dhigan Karin oo ardayda mashquuliya macalinkana dhibaato ku haya, marka intaas laga yimaado waxa aan la hilmaami Karin dadaalka ardayda oo marwalba heegan ah iyadoo ayna helin adeegi asaasiga u ahaa waxbarashada hadana ay u dhabar adaygaan waayaha adag ee horyaal.

Isbadaladii Faraha Badnaa Ee Maamulka Jaamacadda:

Waa mid kamida dhibaatooyinka ugu waa wayn ee haysa Jaamacadda Hargaysa ee ay ka dhaqaaqi kari laadahay, Afar Sanno oo aan Jaamacada Hargeisa dhiganayay waxa aan la kulmay Dhamaan Maamulkii Jaamacada Soo Maray Intay Jirtay, Pr Cabdi Haybe ayaan la kulmay sannadkii ugu horeyay, waxyar kadib waxa la soo Magacaabay Dr Bulhan isaguna markuu Sannad joogay wuu iska casilay oo oo waxa la si ku meel gaadh ah loogu magacaabay Pr Muuse Cabdi Cilmi Illahay Ha u naxariiste, Markuu Muuse Geeriyoodayna waxa si ku meel Gaadh ah loogu sii Magacaabay Muuse Adan oo ilaa Imika haya waxana la Sugaaya wali Gudoomiyihi Cusbaa Madaama Muuse Adan is Casilay, hadaba, bal ka waran Ardayga Afar Sanno la kulmay intaas oo Gudoomiye Niyadiisu waa sidee, Manay Waxbarashadiisa samayn ku yelanayn, manay ardaygii Niyad jabinayan oo Saamayn ku lahanayn Naftooda, Runtii, lagama fikirin Niyada ardayda ee maalinba in qof lagu soo dul tuuro ayuun bay malaha ujeedadu ahayd lakiin waxa waxaas oo dhan ka wanaagsan ardayda marwalba heegan u ahayd inay waxbarashadooda iska wataan ee waliba ku dadaalayay.
Nasiib Daro, waxa aan la hilmaami Karin sida ay dawladu uga gaabisay mudadaas ay jaamacadu jahwareerka ku jirtay, waliba labadii Maamul ee is badalay afartaas sanno gudahood ee Xukumadii Hore iyo Tan Cusub ee Maanta, waayo, hadii la soo dhex gali lahaa Jaamacada Hargeisa waxa ay arki lahayeen dhibaatada taal iyo dhibka ardayda ka haysata maamulkan is badbadalaaya, Run ahaantiina, Jaamacada Hargeisa kama baxayso Jahwareerka Maamulka inta laga helaayo Gudoomiye ah Sida Gudoomiyaha Jaamacada Camuud, maxaa yeelay Gudoomiyaha Jaamacada Hargaysa loo soo Magacaaba ma haysto awood balaadhan oo uu jaamacada gabi ahaanteed ku maamulo se waxa jira Deans ay kooto ugu xidhan tahay Kuuliyad waliba oo aad moodo inay iyaku iska leeyihiin aanu Gudoomiyuhu wax amar ah oo la xidhiidha kuliyadaas ay DEAN ka yihiin aanu siin Karin, sidaas darted, looma baahna Gudoomiye la soo magacaabo uun ee waxa Jaamacaduu u baahan tahay Gudoomiye awood leh oo ka awood badan Deans ka Jaamacada.

Faa’iidooyinkan Jaamacada Ka Helay:

Tiro kuma soo koobi karo faa’iidooyinkan Jaamacada ka helay, waxay noloshayda ka badashay wax badan, waxa aan noqday qof soo jeeda markaan Jaamacada galay madaama da’a ahaan aan yaraa oo aan ku galay jaamacada Under 20 yrs anoo ah, nasiib wanaag markii aan bilaabay Jaamacada waxa aan saxiib la noqday Library ga Jaamacada oo aad u balaadhan, waxa aan ka helay buugaag badan oo noloshayda anfac wayn u leh waliba aan dul istaago Library ga Jaamacada ee waxa uu ahaa goobtii uu ka bilaabmay qoraalka aan qoraa, waxa ugu horeyay qoraal aan qoro 2008 anoo qoraalkaas ku dhex qoray computer ka library ga anoo mawduucaas cinwaan uga dhigay Dhibaatooyinka Tahriibta, wixii maalintaas ka danbeeyay qoraalka iyo qalinka ilaa manta sidii ayaa u adeegsadaa anoo jecel inaan sii wado insha allah.
Sidaas si lamida, waxa aan jaamacada ka helay oo is badal wayn ku yeeshay naftayda dhaqanka iyo akhlaaqda oo ay wax wayn iga badashay, markaad baska jaamacada soo fuushid waxa aad arkaysaa dad wada aamusan oo aan qofna qofkale war u hayn oo noloshiisa gaarka ah ku mashquulsan yahay iyo waxbarashadiisa inkastoon imika sidaas aanay ahayn oo dhaqano fara badan is badaleen, waxa aan ka helay saxiibo wanaagsan kulankaygii ama sannadkaygii koowaad ee aan jaamacada dhiganayay saxiibo wanaagsan oo wakhtigaas qalin jabinayay iyakoo ii sheegi jiray waxwalba iyo talo walba oo aan uga baahdo.
Waxbarashada, waxa la kulmay waxbarasho heer jamacadeed ah oo ka duwan tii 12 sanno ee hore aan soo maray, waxa jira Quiz, Assignment, Mid Term, Final Exam, Intaas oo waji oo marwalba joogto ah ayaan la kulmay waxa qasab ah inaad dadaashid madaama aad marwalba imtixaan iyo laylis u joogtid, waxa ay wax wayn ka badashay habkaan wax u akhrisan jiray oo markii hore waxa aan kaligay ku ahaa akhriska lakiin jaamacada Koox koox (Group) ayaa laysku raaca oo wax loo wada akhristaa, waxa anan marna ilaawi Karin Kuuliyada aan ka tirsanaa iyo class kaygii 4A oo aan wakhti xusuus mudan soo wada qaadanay.

Bilowgii, aan jaamacada soo galay waxa aan dareemay nolol ka duwan tii hore, waxa aan la kulmay dad u diyaar ah inay waxbartaan waxa aan la kulmay goob ku wanaaagsan waxbarashada, waxa aan la kulmay macalimiin wanaagsan oo aanan garabkoodii wanaagsanaa marna ilaawi Karin, xaqiiqadii, Jaamacada Hargaysa waxa ay badashay noloshii aan markii hore ku noola iyadoo igu riday dariiq wanaagsan oo aan ilaa manta hayso.

Todobaadadii Dhaqanka (Cultural Week) ee aan ka qayb galay:

Waa wakhti tartan, dhamaan ardayda Jaamacadu ku tartamaan aqoon kala duwan oo qofwaliba waxa uu ku wanaagsan yahay uu kuliyadiisa ugu tartamaayo, tartannada waxa ka mid ah, Quraanka Kariimka ah, Qoraalka Luuqadaha Soomaaliga, Carabiga, English ka, Kadis aqooneed, Gabayo, Kubada Cagta , dhamaan waxyabahani ayaa lagu tartamayay, Afartii Sanno ee aan jaamacada dhiganayay waxa la qabtay laba jeer iyadoo kii hore anan saamayn wayn ku lahayn madaama aan Jaamacada ku cusbaa oo anan door wayn ka qaadan waxa kaliya oo aan kuuliyada aan ka tirsanaa ee ICT uga qayb galay tartankii Kubada oo nalaga guulaystay,se waxa la qabtay mar labaad taas oo fursad balaadhan noo ahayd oo aanu kuliyadayada kaga dhigi karno mid sare madaama ananu guul ka soo hoyn tartankii hore.
Sannadkan waxa aan ka qayb galay Tartankii Kubada oo aan ka tirsanaa Ciyaartoyda Kuuliyadda matalaysa, sidoo kale waxa aan Kuuliyada u Matalayay tartanka Qoraalka Soomaaliga, sidaas si limadana waxa aan ka mid ahaa 12 Arday ee soo bandhigay Qaamuuskii ugu horeyay ee Af- Soomaali isku turjuma, saddexdaas hawlood ayaan ku jiray oo mid waliba culayskeeda leedahay, Nasiib wanaag Illahay uu nagu asturay oo waxa aan u mahad naqayaa ardaydii Kuuliyada tartankas guulaha horta leh ka soo hoyay, anakoo Kubadii ciyaar aad loola dhacay ku so bandhignay garoonka hargaysa Stadium oo aan la ciyaaraynay kuuliyada Ganacsiga oo aanu ka ciyaar wanaagsanayn lakiin nasiib daro ay naga guulaysteen anakoo hambalyaynay saxiibadaydada naga guulaystay, qoraalkii waxa aan ka helnay kaalinta labaad, sidaas darted, waxa aanu si layaab leh u soo bandhignay Qaamuuskii oo ahaa dhinaca aqoonta iyo cilmiga aan barnay uga faa’iidaysanay anakoo ku marti qaadnay dad haldoora oo luuqada Af-Soomaaliga Hodan ku ah Sida Abwaan Hadraawi, Gaariye, Hure walanwal, Axmed Aw Geedi, ururka qalinlayda ee Pen, Faadumo Siciid, Madaxtooyada Somaliland marwo Aamina Kulmiye Runtii waxa uu ahaa bandhig aad u layaab leh, aniga waxa ay ahayd habeenkii igu horaysay ee aan noloshayda ka hor khudbadeeyo dad intaas leeg, waxaan abaal wayn u hayaa saxiibkay Cabdiraxiim Cismaan Maxamed oo habeenkaas aad I cawiyay, inkastoo qofwaliba yara hakado habeenka u horaysa hadana waxa in badan I caawisay madaama aan ahaa dhalinyaro  oo aan kubada dad Tiro badan dawanayaan aan ku ciyaari jiray marar badan oo horena Garoon ka soo hadlay, Sannadkaas waxa uu ahaa Sannadkii aan Kuuliyadayada ICT kor u soo qaadnay anakoo mahad wayn u hayna Dean kuuliyada ICT Pr Mustafe Elabe oo marwalba na garab taagna iyo  Cabdirashiid Ibraahim Sh oo hawsha marwalba nala fulinayay, waxa aan marna ilaawi Karin in aan Todobaadka Dhaqanka ka helay Shahaado Qoraal oo heer Jamacadeed ah oo ah tii ugu horaysay oo aan ku guulaystay madaama aan jeclaa Qoraalka

Shaqaalaha Jaamacadda:

Shaqaalaha Jaamacadu, marka hore waxa aan la dafiri Karin inay Shaaqaalaha Jaamacadu u baahan yihiin Course ah in la baro qaabka loola dhaqmo ardayda iyo sida loola macaamilo dad badan oo kala duwan. Shaqaaluhu waxa ay u qaybsan yihiin dhawr qaybood oo kala ah Examination Board, Finance, Secretary, Academic, Registration, Security iyo Qaybo kale oo badan, hadaba, waxa aan mawduucan ugu soo daray waxa weeyaan dhaliil aan ka arkay dhamaan waaxyahan oo muhiim u ah Jaamacada, waliba Sannadkii Odowaa Haystay Examination ka Board ka  waxa uu ahaa Sannadkii Xafiiska Imtixaanaadka Jaamacadu ugu wanaagsanaa isagoo Qaab wanaagsan ula dhaqmi jiray ardayda, lakiin imika waxa aad arkaysaa in aan ardaydiiba la qancin karayn oo haday u baahdaan in imtixaan loo baadho aan loo baadhayn ama wakhti badan ay qaadanayso iyadoo marar badan la arkay isku dhac maamulka imtixaanadka ah iyo ardayda, hadaba waxa loo baahan yahay cida loo shaqaynayaa waa ardaydee in qaab ka ugu wanaagsan loo qaabilo ardayda looguna fuliyo waxa ay u baahan yihiin iyadoo la ixtiraamayo sharciga oo aan wax sharciga dhaafsiisan loo samaynayn, ileen Hadalka wanaagsanina waa dane.
Qayba Lacagta: Ee Jaamacada waxa ay badanaa shaqaysaa labada Wiig ee imtixaanka Mid Term ka ka horeeya iyo Labada Wiig ee Final Exam ka horeeya Afartaas Wiig oo kaliya ayay hawl badan arkaan Madaama ardaydu lacagta bixiso wakhtiga imtixaanka la soo dhajiyo wakhtiga la gali doono, sidas darted, waxa jira in 5000 kun ee arday la yidhaahdo meel kaliya oo qof kaliya ama laba qof fadhiyaan ku wada bixiya lacagta, bal qiyaas inta ay cidhiidhi leeg tahay, waa wax la xalin karo iyadoo semester walba aan sharci cusub ugu imano qaybtan lacagta ee jaamacada.
Academic iyo Registration labad waaxyood haday wax kaa galaan siday kaaga soo fulaan way adag tahayba horta, marmarka qaar ayaanad ku arkaynba dadkii ka shaqaynayay oo anay jooginba, dhibka haystana waa laba qaybood oo ardayda isku tuur tuura oo mid waliba ku odhanaayo kan kale u tag markaad u tagtana uu kugu celinaayo kii hore ee aad ka timid, waxa laga yaaba inay dad firfircoon u baahan yhiin oo hawl kar ah.
Security ga Jaamacada Illahay ayaa mahad iska leh amaanka Jamacada Sugay ee nabad ku manaystay, hadaba, waxa maamula Taliye Yusuf, Illahay khayr badan haka siiyo qaabka wanaagsan ee uu u maamulo amaanka Jaamacada oo uu wakhti badan u huray isago iyo askarta la shaqaysaaba, waxana marna la ilaawi Karin la dhaqankiisa wanaagsan ee ardayda qaabka wanaagsan ee uu ula dhaqmo taliyuhu.

Dhibaatada Jaamacada 4.5 Ka Haysata:

Horta goobtani maaha goob lagu qaybsado maamul dawladeed, mana aha goob ay ku kulmaan qabiilooyin, mana aha goob lagu saleeyo arimo qabiil, runtii, waxa ka khaldan dadka nidaamkan dajiyay inayna fahansanayn Magaca Jaamacad  wuxuu yahay iyo inay goobtani tahay goob waxbarasho oo ay ka soo baxayaan mustaqbalka dalkan iyo dadkan, Dhibka ugu wayn ee ay ka dagi laadahay Jaamacadu waa halkan oo marka la yidhi goob waxbarasho aynu nidaam qabiil ku qaybsano maxaa la reebay, waxa aad mooda inuu caqligii saliimka ahaa meesha ka baxay, waxa jira is indho tir toos ah oo aan meelna loogu soo gaban cidii doonta masuul haka noqo  tee waxa aad ogataan inaad Mustaqbalka Ardayda Jaamacada ka soo baxaysa aad xumaynaysaan, laysma waydiin ba in waxa uu noqon doono mustaqbalka aradaydu, waxa Jaamacadii dhex jiifta bahal qabyaalad la yidhaa oo aan meelna ku soo gabanayan oo goob walba oo jaamacada ah lagu hadal hayo waayo cidii tidhi ha lagu qaybsado maamulka jaamacada 4.5 ayaa masuuliyadan oo  dhan iska leh, Class hadaad gasho waad la kulmaysaa iyadoo ardaydii qabiil iyo xumaan ka sheekaynayaan, maqaaxida lagu nusa saaceeyo wad ugu imanaysaa, baska aad raacayso waad ugu imanaysaa, waxa kaga si daran in xataa Suuliyada Jaamacad darbiyadooda lagu soo qoray, maxaa hadhay ee la sugaaya runtii Jaamacada inayna waxba u reebin dadkii Nidaamkan dajiyay, Qabyaaladu waxa uu noqday Course ka mid ah Courses ka jaamacada lagu dhigto oo macalin dhiga lama yaqaan, Class lagu dhigto lama yaqaan, Wakhtiga Xiisadan Bilaabanto iyo wakhtigay dhamaato midna lama yaqaan waa continue marwalba, hadaba, Hadii la doonaayo Mustaqbalka ardayda iyo kan Jaamacada in la wanaajiyo halaga daayo arinkan aad ka u khaldan ee dadkii dajiyay anay caqliga marna meel u soo marin, Gudoomiyuhu reer gaar ah ayuu u xidhan yahay oo reer kaas ayuun baa gudoomiyaha Jaamacada ka Noqon Kara, Gudoomiye ku xigeenka reer gaar ah ayuu u xidhan yahay, Qaybta lacagtu reer gaar ah ayay u xidhan tahay, haye, maxa la sugaaya in Deans kana la yidhaa reer ahaan ayaa loo kala yeelanayaa oo Kuuliyad walba Dean keedu waa inuu reerkaas noqdo, manta ayaan fursad lagu badali karno haysanaa ee Jaamacada ha laga daayo qabyaaaladan oo qofkii Maamulka Jaamacada u Qalma ha la keeno Jaamacada iyadoon hab qabiil lagu keenayn Cida uu doono ha ahaade waxa ay aradaydu u baahan tahay waa Maamul wanaagsan ee maaha Maamul Reer ku salaysan.

Talooyin Ku Socda Maamulka Cusub ee Iman Doono Jaamacada:

Runtii, Waa laga qurux badan yahay inaan maamulka u soo gudbiyo talooyin anoo halkan u soo marinaaya waxan samayn Doona inaan si toos ah ugu Gudbiyo marka la soo magacaabo maamulka Cusub insha Allah, waxa aan talo ku soo jeedin lahaa hadii laga tagi waayo inay Jaamacadu u baahan tahay qof hawl kar oo ah oo samir badan oo waliba tayeeya Jaamacada kana dhiga Jaamacada Hargaysa Jaamacada ugu wanaagsan Dalka.

GaboGabadii;


This post has been viewed 389 times.

Categories: Editorial
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright