Dawladda Hoose Ee Berbera Oo Xabsiga Dhigtay Marwadii Uu Ka Geeriyooday Wasiirkii Hore Gaashandhiga Somaliland Cismaan Gaas Mucaawiye, Marwo Dawiil Maxamuud Daalin Isla Markaana Kala Wareegtay Dhulkii Agoonta Ilma Gaas Mucaawiye Ku Lahaayeen Berbera Marwada Oo Baaq U Diraysa Madaxweyne Siilaanyo

Posted by on Jul 8th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Berbera (Halbeegnews)– Marwadii uu ka geeriyooday ilaahay ha u naxariistee Wasiirkii hore ee  gaashandhiga Somaliland kana mid ahaa xubnahii tiirarka u ahaa bud-dhigista qaranka Somaliland Cismaan  Gaas Mucaawiye Marwo Dawiil Maxamuud Daalin ayaa sheegtay in dawladda Hoose ee magaalada Berbera ay xabsiga dhigtay ka dib markii ay damceen inay cashuurtaan dhulkii reer Jaamac Gaas Mucaawiye ku lahaayeen magaalada Berbera, iyadoo Xoghayaha guud ee Dawladda Hoose ugu henjabay in haddii ay sheegato dhulkaasi ay cawaaqib xumo la kulmi doonto.

Haddaba Marwo Dawiil Maxamuud Daalin ayaa Halbeegnews waxay soo gaadhsiisay baaq cabasho ah oo ay u dirayso Madaxweyne Siilaanyo inuu arrinta soo dhex gallo oo uu wax ka qabto, qoraalkaasi baaqa ah ayaa waxay Marwo Dawiil Maxamuud Daalin oo ah marwadii Wasiirkii hore ee Gaashandhiga Somaliland ku tidhi sidani:

“Aniga oo ah Rooda Dawiil Maxamud Daalin oo ahna hooyada dhashay agoonta Ilma Cismaan Gaas Mucaawiye degana Magaalada berbera ee magaalo madaxda gobolka Saaxil,waxaa dhacday anagoo Agoontii Marxuun Cismaan Gaas Mucaawiye ah in dhulkii aanu lahayn xaafada cakaara ee magaalada berbera, dhulkaas oo sumadiisu tahay.FA/152-60M x 60M  iyo FA/153-200M x 200 Meter oo aanu lahayn ilaa waagii  xukuumadii Siyaad Bare.isla markaana aanu haysano Dukumantigii lahaanshaha ayaa waxa la doonayaa in nalaga qaado oo Nalagaga qaado sife sharci daro ah.

Hadaba wakhtigii ay xukumada kulmiye qabsatey xukunka ayaan u tegay xoghayaha dawlada hoose ee berbera Cali Maxamed Cilmi anigoo raba inaan cashuurto dhulkaygaa.waxaa uu iigu jawaabay waxaa laguu cashuuraya marka laga saaro town plan’ka,intaa kadib waxaa dawlada hoose bilowday arimihii town plan’ka waxaana la dumiyey guryihii xaafada oo dhan mid jid kuyaal iyo mid kaleba.

Waxaana dhacday in dadkii dan-yarta ahaa ee laga dumiyey guryahoodii ay bacadka iyo kulaylka xeebeedta wadhnaayeen mudo labo bilood ah oo dayac fara badan ku qabsaday maamulka dawlada hoose ee berberana Aanay waxba ka qaban daayacaa.

 Hadaba waxaa wax lala yaabo noqontey markii taasi dhacday inuu xoghayaha  dawlada hoose nagu wargeliyo inaan cid dhul  sheegan kartaa aaney jiri karin anaga oo haysana sharciyadii dhulkaygaa oo aanu qaadanay 1986kii islamarkaana ay taariikhdaasi ku cadahay cashuurtii aanu bixinay 12/12/1986kii.

 Hadaba anigoo ah Hooyadii Agoonta ilma Cismaan Gaas Mucaawiye,horena u ogaladay in town plan’ka laga saaro dhulkaas aanu mudada dheer lahayn,xoghayuhuna ila balamey jaangooyntiisa iyo cashuur qabashadiisa,ay igu soo baxday hadalkan ah inaanan sheegan karin dhulkayagas,markii aanu ka hadalay dhulkaasna ay naga qabsatey in qarkayo xabsiga ladhigo “aniga iyo walaalkay” xabsi bilaa waaran ah oo aanu Kuxidhnayn mudo shan cisho ah kadibna markii ay odayaal reera ahi utageen ay yidhaahdeen maxaad kuhaysataa soodaa ayaa waxa uu ku jawaabay Xoghayaha dawlada hoose ee berbera”Hadii aanay dhulkaa sheegaynayn waa lasii daynayaa hadii kale waa xidhnaanayaan taasi oo umuuqata sharci daro aan geedna loogu soo gaban iyo ku amar kutaaglayn kursigii umada loogu talagalay in loogu shaqeeyo.

 Hadaba anigoo ah Hooyadii Agoontaas Ilma Cismaan Gaas Mucaawiye,WAXAAN WARQADEYDAN FURAN  EE MADAXWEYNAHA AAN KU SOCOD SIINAYO KAGA CODSANAYA INLANAGA QABTO DHACAAS IYO DULMIGAAS DHULKAYAGAAS AH.

 Waxaa kaloo aan sheegaya inan dhib ku muto kulmiyad tahay waa wax aanan filayn.Madaxweyne waxaan ka rajeynaya inaad sharciga noogu hiilin doonto.

 Rooda Dawiil Maxamuud Daalin

Hooyada Agoontas Ilma Cismaan Gaas Mucaawiye-4448611

Halbeegnews, Berbera

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 375 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright