Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Xadhig Hal Sanno Ah Ku Riday Boqor Cismaan Buur Madaw Una Bandhigtay Inuu Iibsan Karo Xadhiga, Garyaqankiisa Oo Soo Dhaweeyey, Iyo Xeer Ilaaliyaha Oo Waji Gabax Kala Noqday

Posted by on Jul 8th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Hargeysa (Halbeegnews)– Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa saaka soo afjartay kiis muddo afar bilood ku dhaw ka socday Maxkamadda oo ku saabsana kiis l oo haystay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw kaasi oo Xeer Ilaalinta gud ee Somaliland ku soo oogtay inuu aflagadeeyey Madaxweynaha.

Garsooraha Dacwada qaadayay Cismaan Fanax ayaa gabi ahaanba laalay qoddobadii Xeer ilaalintu ku soo Oogtay boqor Buurmadow ee kala ahaa qoddobadda 212 iyo 215 oo sheegayay in Boqorku dibeda dalka ka soo maleegayay mijo xaabin Qaranka uu ku waday iyo Kicin dadweyne.

hase yeeshee waxa uu xukunkiisa u adeegsaday qoddobka 68 ee Xeerka Habka Ciqaabta oo dhigaya Dhaleecayn iyo Ceebayn uu kula kacay madaxda Qaranka sidaas daraadeed ciqaabta uu ka mutay ay tahaya Hal sano oo xadhig ah.

Garsooraha Maxkamadda ayaa ku dhawaaqay in uu Iibsan karo boqor Cismaan Buurmadow Xadhiga isagoo xusay in qoddobka lagu xukumay u saamaxayo Iibsiga.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo wax laga weydiiyay Xukunka lagu riday Boqorka dhinacooda sida ay u arkaan ayaa sheegay inay ka tashanayaan, “maanan filayn go’aankani waa mid u dhacay sifo khaldan, waananu ka tashanayna inaanu racfaan ka qaadano” ayuu yidhi Xeer Ilaaliyahu

hase yeeshee Qareenka Difaacayay Buurmadow ayaa soo dhaweeyaya go’aanka waxaanu sheegay haddii ay u baahdaan Rafcaan dhinacooda inuu kala tashan doono Boqorka Boqor Cismaan Buur-madaw

xallay ayaa la arkaayey waddooyinka galla maxkamadda gobolka Hargeysa oo ciidamo xad dhaaf ah la dhoobay taasi oo loo arkaayey inay madaxtooyadu ku cadaadinaysay maxkamadda gobolka Hargeysa inay xukun dheer oo aan iib lahayn ku xukunto, balse Maxkamadda gobolka Hargeysa oo iyadu cashar hore uga qaadatay xukunkii ay ku riday masuuliyiintii lagu xukumay inay musuq maasuqeen raashinka ayaa dhegta faraha ka gashatay cadaadiska kaga yimid dhinaca madaxtooyada.

Waxaa la sugaya in Xeer Ilaalintu ay ka qaadato arrintani racfaan una gudbiso maxkamadda sare, wallow Maxkamadda sare laftigeeduna ay raaci doonto go’aanka maanta soo baxay, Boqor Cismaan Aw Maxamuud ayaa la sheegay in laftigiisu aanu go’aanka xukunka ah ku qanacsanayn wallow qaabkii ay xukuumaddu la doonaysay aanay waxba u dhicin, haddana arrintani ayaa guul isaga dhinaciisa soo gaadhay ah, waxaanay waji gabax siyaasadeed ku noqotay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo noqotay xukuumaddii ugu horaysay ee Somaliland ka jirtay ee qof hogaamiye dhaqan ah u xidhay xorriyadiisana uga qaaday Madaxweyne ayuu hadal ku yidhi, xadhiga boqorka ayaa waxaa dhaleeceeyey haayadda Amnesty International, Humans Rights Watch iyo UN human Rights commission.

Boqorka ayaa la filayaa inuu dhawaan iibsado xadhiga halka sanno ah.

Halbeegnews, Hargeysa

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 377 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright