Aamina Xirsi Mooge Marwo Dhalasho Ahaan Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Noqotay Maal-qabeenaddii Ugu Hantida Badan Dalka Uganda Daawo Hantida Aamina Mooge

Posted by on Jul 8th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Kampala (Halbeegnews)– Marwo Aamina Xirsi Mooge oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Jamhuuriyadda Somaliland balse ku dhalatay kuna barbaartay dalka Kenya ayaa noqotay Haweenaydii ugu taajirsan dalka Uganda, Marwo Aamina Mooge ayaa waxay ku leedahay dalka Uganda ganacsi lacageed oo kor u dhaafaya 1 Bilyan oo dollarka maraykanka.

Marwo Aamina Mooge ayaa ganacsigeedu wuxuu iskugu jira Dukaamadda waaweyn ee loo yaqaano Oasis Shopping Malls, waxay sidoo kale leedahay bangiga la yidhaahdo Oasis Equity Bank,  Aamina Mooge waxay kale oo ganacsigeedu gaadhay shariikadaha sifeeya   batroolka sifeeya oo  xarunteedu ku taallo magaalada Kampala.

Marwo Aamina Mooge ayaa waxay sidoo kale leedahay shariikad weyn oo nooca guryaha ka ganacsada ah oo la yidhaahdo Laburnam Courts waxaana ay leedahay guryo nooca filooyinka ah oo boqolaal ku dhaw oo ku yaalla dalalka Uganda iyo Kenya, waxay sidoo kale dhawaan aas-aastay Bangi la yidhaahdo Oasis Equity Bank

Marwo Aamina Mooge ayaa waxay sidoo kale leedahay shariikado kale oo ah hudheeladda iyo soo dhawaynta ah, dhawaan ayaa Aamina Mooge waxay ka furtay caasimadda waddanka Uganda ee Kampala Dukaanadda nooca ugu waaweyn Afrika oo aan hilib dad mooyaane wax kale oolin, waxaana munaasabadii furitaanka Dukaankaasi ka soo qayb gallay Madaxweynaha dalka Uganda Yuveri Musafeni.

Aamina Xirsi Mooge ayaa waxay ku dhalatay dalka Kenya sannadahii 1965-kii, hooyadeed waxay ahayd Marwo ganacsato ah, waxaana ay 90-maadkii usoo wareegtay dhinaca dalka Uganda oo ay ka bilawday ganacsigeeda, Marwo Aamina Mooge waxay ku guulaysatay billado caalami ah oo ay ka mid tahay “Haweenaydii Ganacsatada ahayd ee ugu maalgashiga badnayd Beriga Afrika” Ganacsigeedu wuxuu gaadhaya boqolaal malyuun oo dollar oo iskaga goosha dalalka Uganda, Kenya, Koonfur Afrika, Masar Ilaa iyo Marroco, waxay leedahay dukaanadda caanka ah ee la yidhaahdo Oasis shopping Malls, waxay sidoo kale leedahay Hudheeladda caanka ah ee loo yaqaano Laburnam Courts oo iskugu jira guryo Fillooyin ah iyo goobo dalxiiska loo tago oo ku dhaw dhulka xeebaha ah, dhawaan ayey Aamina Mooge bilawday inay ganacsigeeda ku fidiso dhinaca shiidaalka, iyadoo iibsatay mid ka mid ah wershadaha sifeeya batroolka dalka Uganda, isla markaana waxay ganacsigaasi u qaadaysa ilaa iyo dhinaca Tanzania iyadoo ku maal gelinaysa tobanaan malyuun oo dollar.

Waa Marwo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, dhawaana mar ay la hadlaysay warbaahinta Somaliland waxay sheegtay inay ku tallo jirto inay booqato Somaliland isla markaana ay maalgelin ku samayso, iyadoo sheegtay inay ka furi doonto Hargeysa dukaanadda caanka ah ee Oasis

Halbeegnews,Kampala

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 1346 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright