Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Luxudka Muu Qabteen Haddii Uu Maalintii Uu Dhabarka Ka Jabay Uu Siilaanyo U Dhiman Lahaa Qallinkii Aadan Axmed Nuur

Posted by on Jul 8th, 2012 and filed under Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Waxay somalidu tidhaah hal nimaad ku baratay hal kaalumay maaha! iyadoo weedhan macnaha ay xambaarsantahay ay aad u duluc wayntahay ayaa waxay ka turjumaysaa in hadii qof tijaabo ka qaado qof kale saaxiib tinimadii ama barasha diisa oo uu ku khasaaro aanay ahayn wax aad khasaartay laakiin ay tahay waayo aragnimo aad kororsatay,

Maalintii siilanyo ku dhawaaqay xisbiga kulmiye waxa uu ahaa mujaahid c/raxmaan c/qaadir ragii xisbiga la bilaabay aas aaskiisa ee waqtigiisii iyo aduunkiisiiba geliyay tacabka badinana kaga baxay isaga iyo rag kale oo badaniba nasiib daro se wuu ku guul daraystay inuu mahadiyo barashada siilanyo,

C/raxmaan siguud mooyee hoos umuu aqoon siilanyo shaqsiyadiisa waana ta maanta keentay inuu maalin cad oo aduunka oo dhami daawanayo uu si qaawan oo ka baxsan anshaxa siyaasada uu ula dhaqmo, somalida ayaa tidhaah qof aan abaal lahayn waa qof aan damiir kiisu fayoobayn oo aan qiimay karin qofka wax gashaday ee abaalka kuleh iyo qofka dhib u geysatay ee libinta kala maqan,

Sidaynu la wada socono ilaahay haw naxariistee waxaa c/raxamaan c/qaadir la socday markii shilku soo gaadhay marxuun cali maarshaal oo isagu ahaa shaqsi qiimo iyo qadarin ka mudan umada somaliland oo isagu ku naf waayay shilkaas ilaahay ayaana qadarin inuu soo gaadho siilanyo oo umada madaxweyne u noqday oo xirsina gacanyare ka dhigtay! waxaa laga yaabaa in ilaahay SWT uu goobtaas fool xumadeeda uga naxariistay inuu marxuunku goobjoog ka ahaado iyo markii c/raxmaan c/qaadir la jiid jiidayay siduu mujaahid cali guray ka dhawaajiyay ee uu yidhi c/raxmaan c/qaadir iyo cali maarshaal waxaa nasiib badnaa cali maarshaal waayo ilaahay waxa uu ka qariyay siilanyo oo wax xukumaya!,

Waxaase nasiib xumo ahaan lahayd hadii aanu xukunka qaban lahayn siilanyo waayo wax badan oo reer somaliland ah ayaa odhan lahaa hadii mujaahid siilayo maruun xukunka loo dhiibi lahaa cadaalad ayaa laga dhergi lahaa ileen iyadaa umada deeqdee ciiduna malab ayay noqon lahayd waxaase nasiib wanaaga ilaahay waa soo gaadh siiyay inuu xukunka qabto oo siilanyo iyo reer somaliland mar uun isbartaan,

Xadiis uu inoo sheegay nabigeena muxamed NNKH ayaa waxa uu haa sadex hadii ay ku kulanto qofka muslinka ah waxaa looga marag ka cayaa inuu yahay munaafaq buuxa hadii uu mid kamida laga helo iyana waxaa ku jirta calaamadaha munaafaqa sadex daas shay ayaa waxay kala yihiin 1-hadii aad balan la gasho waa ka baxayaa,2- hadii aad aaminto waa ku khiyaamaynayaa, 3- haduu sheekaynayo been ayuu ku sheekay nayaa, markay sidaas tahay qofku markuu masuul yahay ee uu umad balan lagalo oo uu yidhaah waxaas iyo waxaas ayaan qabanayaa oo uu ka baxo wixii loo doortay ee uu ku balan qaaday waxa uu ku sifoobayaa inuu yahay munaafaq aan la aamini karin lagumana sheegi karo habdhaqanka sidaas ah inuu yahay qofkaasi qof siyaasiya siday somalida qaar u fahantahay waayo balqaadku waxa uu kamid yahay calaamadaha qof masuula oo umada hogaankeeda lagu aamini karo,

Sidaas uu umada soo dooratay uu u khiyaameeyay ee uu uga baxay balamihii uu ololaha ku galay ayuu madaxweyne siilanyo u khiyaameeyay ragii xisbiga la soo dhisay ee lasoo galay halganka lagu raadinayay in dalka isbedel laga dhaliyo, madaxweyne siilanyo intuu cidla kaga dhaqaaqay asxaabtiisii xusbiga kula jirtay ee kala soo shaqaysay barnaamijkii umada lagu dagaal geliyay ee balan qaadadu ku qornaayeen ee codka lagaga qaatay ayuu keensaday rag kale oo aan waxba kala socon xisbiga oo uu jeebkiisa kala soo baxay taasina waxay muujinaysaa inaanu marnaba ugu talo gelin siilaanyo inuu umada ku dhaqo wixii ku qoraa barnaamijka xisbiga waayo ragan uu meesha keenay waxba kalama socdaan barnaamijkii xisbiga u yiilay hadii ay fulin waayaana iyagu kuma eedaysna,

Markay sidaas amuurtu tahay waxaa meesha ka cad inuu madaxweyne siilanyo khiyaameeyay umadii uu codka kaga iibsaday barnaamijkii beenta ahaa iyo inuu iyagana meesha ka saaray ragii xisbiga lafdhabarta u ahaa ee kala soo shaqeeyay barnaamijka si aanay ula xisaabtamin,

Waxaan ku soo xidhayaa qormadan gaaban mujaahid c/raxmaan c/qaadir iyo inta la midka ah ee xisbiga laga saaray ee ahayd halbowlihii xisbigu ku dhaqaaqayay waxaa u sharaf ah maanta inay umada reer somaliland ay ogtahay inaanay iyagu marnaba ka bixin wixii umada reer somaliland loogu balan qaaday oo ay umadooda sharaf ku dhex joogaan.

Aadan Axmed Nuur
 
Dublin Ireland


This post has been viewed 529 times.

Categories: Opinion
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright