Dhalashada Dawlad Soomaaliyeed oo ku dhisan midnimo Qaran 2012.

Posted by on Jul 8th, 2012 and filed under Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Waxaa foodda inagu soo haysa bisha soo socota Aug 2012 in la dhiso Dawlad somaliyeed oo ku dhisan midnimo qaran(The Second Republic of Somalia) Ka dib markii ay burburtay Dawaladii Somaliyeed ee kowad ee la dhisay 1960.Dhismaha dawlad labaad ee Soomaliyeed oo calamka oo dhani tageersanyahay waxay ku timid 20 sano o dawlad La,aan ah.Mudada 20 ka sano ee dawlad la,anta waxa wadankii Somalia halkeeyey dhibaatooyin lagu hoobtay oo ay horseed ka ahaayeen Warlordism ,Gobolaysi,Alshabaab iyo Budcad Badeed Pirates.Dhibtaasi kuma ay ekaan kaliya Somaliya waxay taabten caalamka oo dhan.

Waxa haddaba aduunka iyo dawladihii calamku iyo maamulkii tamarta yaraa ee Somaliyeed ay ku guulaysteen inay dhibatooyinkas mid mid meesha looga saaro halkeeyey dalkii Somaliyed.Waxa la dhamaystiray Warlordism kii,Kadibna Alshabaab ki iyo Budhcad badedkii oo lagu qaaday dagaal oo si weyn looga guulayastay.Sida ad la socotana dalka intiisa badan waa laga xoreeyey Al-shabaab.Isla sidoo kale Buudhcad badenkina waa Gabaabsi.

Waxa haddaba soo Hadhay Qaybtii Afaraad ee Dhibta Somalia oo ah Gobolaysi iyo Maaweelada Gooni isutagga waxa loogu yeedho S/Land.Qaybtan Afaraad ee Goooni isutaagga sheeganaysa sida hadda ay ku socota arinteedu waa Diploomasi ee Dagaal maha sida qaybahaa hore. Madama ay sheeganayan woxoogaa nabad galyo iyo mamul inay ka sameeyeen gobolkasi waxa kaliya ee lagu soo dabalayaa waa in sharciga iyo diploomasi la adeegsado tasoo meel ay ka maran aanay jirin.

Doodda Gooni isutaagu S/Land waxa lo sheegay inanay wafaqsanayn Sharciga caalamiga.

Sida Caalamka loo shaqeeyo doodda gooni isu taagu waxay ku iman kartaa kaliya laba Qodob .

1-In afti laga qaado dadka degan gobolka doonaya inuu Go,ayo oo calamka iyo UNO goob joog ka yihiin oo labada fikir oo kala ah midnimo iyo Gooni isutag si siman loogu ololeeye inta an la qaadin aftida,Arintaasi kama dhiciin gobolada woqooyiga Somaliya.

2- In Dalki uu ka goyayey gobolkaasi sida Ereteriya iyo Ethopia oo kale ay ku heshiiyaan kala tag or Seperation.Tasina ma jirto oo Somalia dawladeedu waxay aminasantahay midnimo Qaran.
Mar hadanay labada qodob midna jirin waxa la is weydiya waa sidee awoodda loo qaybsada si sharci iyo caddalad ku dhisan.Halka imika loo socdana waa arinkas marka ay dhalato Dawlad Somaliyeed oo Dastuuri ah bisha Aug 2012.

Marka haddaba ay dhalato dawladaas dabcan waxa miiska wada iman doona qolyihii u ololeynayey midnimada iyo qolyihii u ololaynayey Goni-isu taagga ee gobolada woqooyiga ,hase yeeshe imika waxa socdaa waa wadahadlki ugu horeeyey ee Qolyaha Goon- isutaagga.Qolyaha kale ee midnimada taageersan iyo Xukumadda TFGDU mar hore ayey Kulmeen.Kulanadasina waxay dhaceen sanadkan awelkiisii oo Madaxweynaha maamul goboleedka Awdal State iyo Wasiirkiisa dibedda aya ka degeen Muqdisho markii u horaysay Jan 10 2012.Wax ku xigay Khatumo State oo iyaguna sidoo kale la kulmay Madaxda TFGDA.

Madaxda TFGDU waxa todobaadkii dhaweyd Xiriir ay la soo sameeyeen Maamulka Awdal state ay u sheegeen in miiska wada hadalka ay dhamaan wada iman donaan Qaybaha midnimada iyo qaybta gooni- isutaaga ee woqooyiga.

Wasiirka Arimaha Gudaha ee TFGDA oo hormoodna ka ahaa wadahadalka Somalia ayaa ka soo qaybgalay shir a Madaxweynaha Awdal State iyo Golihiisa Wasiirada ay lahayeen todobaadkii hore.Waxanu sharaxaad iyo faafaahin ka bixiyey marxaladaha wadahadlka iyo in miiska la wada iman doono marka loo gudbo Wejiga labaad ee Awood qaybsiga.

Waxa kale oo warar Xogogaal oo aan ka helay Wafdigii S/Land ee wadahadalki London ka dhacay bishan June sidoo kale ay sheegeen in lagu wargaliyey in Wejiga labaad ee wadahadalka loo dhaaman doono qaybaha kala wata afkaarta midnimda iyo Qaybta Goon-usutaagga intuba.

F.G Check Prof:Buubaa on Harawo.com oo aad u sharxay maaweelada Gooni isu taaga S/Land inaanay sharci ahayn .

Maadama dadka aan afti laga qaadan madax banan oo calamku goob joog ka yahay isla markana fikirkaasi midnimada iska daa in lo oleeyo oo si xor loooga hadla ay xaran ka tahay S/Land in qof aminsan ku nolaado gobolkaas . Waxa uu Prof: Buuba Carabka ku dhuftay inuu fikirkas Somaliweyn iyo midnimo uu soo jeediywey wakhti hore . Dadka fikirkaas aaminasn midnimada waxa ay la kulaman xidhig iyo dhibaatooyin iwm .Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in loo sheegay in la dhisayo dawlad midnomo qaran oo xoogan oo calaamka oo dhani isu racsanyahay.

M.Dhiirane

mohameddrn@hotmail.com


This post has been viewed 857 times.

Categories: Opinion
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright