Siyaasiyiinta Somaliland Silloonaa Qallinkii Abdiweli Mohamed

Posted by on Jul 6th, 2012 and filed under Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Waxaan garan aqoon waayey waxa sandahay siyaasiyiinta reer Somaliland.
1)      Cali Waran cade oo siyaasi la moodi jirey wasaarada bandanna ka soo shaqeeyey sowkan saqiirey ee weli u heysta in UDUB ay jirto eek u an dacoonaya musharax baan ka ahay.
2)      Ali Gurey oo isna sida tukaha qaaaaaq laga siiyey oo ku waashey kulmiye ama siilaanyo abaal male. Sidey wax u jiraan ma maskixiyan baannu caafimaad qabin.
3)      Jamaal Ali Xussien oo in badan reer kiisu cirka ka eegayeen oo hore u soo dhici waayey sowkan shaqadii fiicneyd ee Banka ka soo ruqseystey isagoon xisbina weli ku biirin doonayana in uu madaxweyne isu sharaxo.  Bal muu wasiir nimo ku gor goortama iminka oo intaa ka dib uu murashax madaxweyne doonto…. Khibrad laan siyaasadeed uun dhe.
4)      Dr. Gaboose sow kan ku waashey dowlada, ee la wey na fadhatey saneysaa. Ama markii tartankii xisbiyada sheydaan ku yidhi dowladu fara gelin bay idin ku heysaa ee intuu sidii dhidar on kod kiciyey isla kacay yidhi Dowladu xisbiyada faraha ha kala baxdo. Gaboose weli waxa ka qaldan nidaamka oo dhan oo dowlada uun bay kaga dhegtey wax bay igu sameyneysaa.
Yow sheega in gebigiisaba Majeerteen loo arko oo aannu weligii Somaliland xukumayn.
5)      Mohamed Hashi oo aad loogu hanweynaa sida uu hantida dalka u ilaaliyey maxaa aamusiiyey ma wuxuu ka baqay raashinkii la xadey in uu madaxtooyada soo galo halkaas oo ay marwadiisu ka shaqeyneysey. Ileyn anagaa calaamo aragney waar iska nefis oo hadal.
6)      Hassan Issa Jama oo nin aqoon yahana  oo weliba aan dulmi iyo musuq midna madaxa kaga jirin yaa yidhaa tol yaraad tahay oo soo bixi kari meysid reer qudhina qof ma soo saari karaan ee sidaad siyaasada uuga maqneyd ama uuga maqnow ama madaxweyne ku xigeen ciduun inaad weydiisato ayey ahayd. Hassan meeshan bug la akriyi mayo imtixaanna la qori mayo  ee la soco.
7)      Muse Biixi ma wuxuu garan waayey waar dukaan kan aad heyso ( ee Xisbiga Kulmiye ) nin kale ayaa le oo la yidhaa Siilaanyo oo beri ayuu soo laabanayaa hadii cimrigu u saamaxo oo isagaa iska sharaxaya. Muse maxaa ka si ah miyaannu garan Karin intaa aan garanayo muxuu siyaasi ku sheeganayaa. Muusow waad hurudaa Kulmiye nin baa iska le ilaa maantana Gudoomiyaha rasmiga ah ma tihid ee weli silaanyo ayaa ah oo laguuma votayn isna iskama casilin. Dadkan yaa siyaasada barey.
8)      Wasiirka duulista iyo hawada na ha loogu dhaarto in aan sugida nabad gelyada siilaanyo aan ilaaladiisu isaga wax kaa weydiineyn ee sida madaarka Berbera laguugu bahdaley ayaa weliba dhabrka lagaaga jebin hadaad kala dhex gasho madaxweynaha iyo ilaaladiisa. Waxaan is lahaa waxaad ku mashquuli lacag tan faraha badan ee aad madaarka ka urursato ee sowtan askarti ilaalineysey siilaanyo aa isku milanteen… Shaqada  ayaand sidey u socoto garanayn oo reer ahaan baa mansabka laguugu dhiibay ee sidaa uuma shaqeyso ee bal dadka wareyso.
9)      Wasiirka la yidhaa Abdillahi Geeljire isagu miyuu kaluumeysi tegey saaxada dowlad nimo ba wuu ka maqanyey e. Geeljire kheyraadka dalka uugu badan  ayuu xukumaa hadana waxba ka soo saari kari waa badaa dhan. Qof ba wax buu ku fiican yey ee Guulwadeynta ayuu u sitaa wasiirada. Waar umada miyaad bari kari weydey sida loo kaluumeysto oo qudha, waar miyaad kari weydey in aad bad dhan baa lagugu aaminey ee wax ka soo saarto….jahligu xumaa waar Canada iskaga noqo.
10)   Somaliland siyaasiin xumaa oo hadana tamar daranaa oo hadana wax dhac badanaa oo hadana rejo la’aa oo hadana hadal badanaa oo hadana qabyaalad badanaa. Acuud bilaa
Abdiweli Mohamed
abdiwelim@yahoo.ca

This post has been viewed 483 times.

Categories: Opinion
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright