Daawo Video: Siyaasiga Caanka Ah Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Berbera iyo Hargeysa Sidoo Kale Daawo Maalintii Cabdiraxmaan C/qaadir La Dhaawacay, Iyo C/raxmaan Oo Maanta Boqolaal Taageerayaashiisa Ah La Hadlay

Posted by on Jul 4th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Hargeysa (Halbeegnews)– Siyaasiga caanka ah horana u ahaan jiray Guddoomiye ku xigeenkii 1-aad ee xisbiga KULMIYE Mujaahid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaa maanta ka soo degay gegida diyaaradaha ee magaalada Berbera ka dib markii muddo hadda bil iyo dheeraad laga joogo uu dhaawac ka soo gaadhay ka dib markii Askarta ilaaladda Wasiirka daakhligu uu dhaawac ka gaadhsiiyey dhabarkiisa oo hore u dhaawacna, isagoo Cabdiraxmaan C/qaadir wakhtigaasi doonaayey inuu iska difaaco eedo kaga yimid Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Shabeel.

Arrintii ku dhacday maalinta Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaa ku noqotay xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda fallaadh dhumuc weyn oo gilgishay dhammaan shacabka Somaliland, marka hore waxaanu idiin soo gudbinayna qaabkii maanta loogu soo dhaweeyey Berbera Cabdiraxmaan Cabdiqaadir dabadeedna waxaanu idiin soo gudbin doona sidii uu C/raxmaan C/qaadir ku dhaawacmay Daawasho Wacan:

Daawo Markii C/raxmaan C/qaadir Dhaawacu Gaadhay iyo Qaabkii Foosha Xuma Ee Kulmiye ula dhaqmay

Hsl


This post has been viewed 617 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright