Diyaarado Nooca Qumaatiga U Kaca Ah Oo Aan La Garanaynin Cid Leh Oo Ku Soo Degay Duleedka Berbera Iyo Hawl-gallo La Sheegay Inay Ka Fuliyeen Dhuumahii Dhulka Hoose U Dalloolay Ee Saldhiga Midawga Sovietku Ku Lahaa Berbera

Posted by on Jul 4th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Berbera (Halbeegnews)– Wararka aanu ka hellayno ilo lagu kalsoonyahay ayaa u xaqiijinaya Halbeegnews in habeen hore la maqlaayey diyaaradaha nooca qumaatiga u kaca oo dul heehabaya deegaano ku teedsan gobolka Saaxil, war aan la xaqiijin oo Halbeegnews ka hellayso goobo kala duwan ayaa tibaaxaya in laba diyaaradood oo  nooca qumaatiga u kaca ah ay wakhti fiidnimo ah soo dul fadhiisteen Buuraha Dubur iyo Bixin Kaaha, iyadoo wararka aanu hellayna tibaaxayaan in halkaasi ay muddo fadhiyeen.

Wararka aanu hellayno ayaa tibaaxaya in Diyaaradahani iyo ciddii la socotay la sheegay inay sawiro ka qaadeen Xeradii Militeryga Ruushku ku lahaa agagaarka Madaarka Berbera taasi oo qaybo ka mid ah saldhigaasi ahaa mid dhulka hoostisa ka qodan.

Dadka ku dhaqan deegaanada Bixin Kaaha, Araar, Eergaal, kal Jinabo iyo Kabaal oo dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Berbera iyo dhulka Xeebta ah ee Somaliland ayaa u xaqiijiyey Halbeegnews inay arkayeen diyaaradahaasi oo wakhti fiidnimo ah joog hoose ku duulaayey.

Arrintani ayaa ku soo beegmaysa iyadoo la soo sheegayo in dhulkii ciidamadda Cirka oo duleedka Berbera ku yaallay gebi ahaanba ay dawladda hoose ee Berbera ay baloodhaysay isla markaana dad gaar ah ka iibisay, ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay xukuumadda dhexe oo arrintani diyaaradahani Militery dul heehabaya deegaanka Xeebta ah ee Berbera ku teedsan ku saabsan balse waxaa hubaal ah darajo kasta ha yeeshaane in cid ka tirsan Xukuumadda Somaliland heer dhexe ama heer gobol ay ka war hayso arrimahani.

Wararka aanu ka soo xiganayno ilo ku sugan gudaha madaarka Berbera ayaa noo xaqiijiyey inay goob joog u ahaayeen ciidamo ajaanib ah oo gudaha u gallay dhuumahii dhulka hoostiisa qodna ee Ciidamaddii Midawga Sovietku lahaa kuwaasi oo ka qaadanaayey sawiro

Dadyahow aanu la xidhiidhnay ayaa tibaaxaya in ay dhici karto in diyaaradahani yahiin qaar ay leeyahiin dalka Shiinahu kuwaasi oo daba jooga socdaal Madaxda xisbiga KULMIYE dhawaan ku tageen dalka shiinaha.

Halbeegnews, Berbera

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 807 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright