Laascanood (Halbeegnews)–Ciidamada amaanka gobolka Sool oo maalmihii u dambeeyay hawl-gallo ay amaanka ku sugayeen ka waday Magaaladda Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa ku guulaystay inay gacanta ku dhigaan tiro dagaalyahano Al-shabaab ah, kuwaasi oo ku dhuumaalaysanayey Laascaanood. 
-galadoodan ku soo qabtay tiro dad ah oo maamulka gobolkaasi ku sheegay inay yihiin Al-shabaab gobolka ku soo duushay, kuwaasi oo baadhitaanadoodu ka socdaan saldhigyada ciidamada ee lagu hayo.
Badhasaabka gobolka Sool Maxamed Maxamuud Cali (Jeeni-yarre) ayaa sheegay in ciidamada amaanka ee booliska iyo Milatarigu ku guulaysteen inay soo qabtaan kooxo Al-shabaab ah oo dhibaato gobolka Sool ku haya, isaga oo qabashadaasi ku macneeyay guul u soo hoyatay qaranka Somaliland.
Guddoomiyaha Sool oo xalay khadka telefoonda ugu waramay Wargeyska Madaxa-banaan ee Waaheen ayaa sheegay in hawlada ciidamadu socdaan ilaa 29-kii bishii horena la qabtay tirro dagaalyahano Al-shabaab ah “Habeen kaliya maanaan qaban ee dhowr habeen ayaanu qabqabanay, waliba raggii fuliyey falkii lagu dilay ku xigeenkii xeer ilaaliyaha gobolka Sool waanu qabanay iyo kuwo kale oo Al-shabaab ahaa oo iyagga la koox ahaa” ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Sool Mr Jeeni-yarre, waxaanu intaa ku daray inay hore gobolka uga sifeeyeen Al-shabaab, balse ay hadda duulaan ku soo qaadeen “Nimankaa Al-shabaab gobolka hore ayaanu uga cidhib tirnay laakiin hadda way soo duuleen, anaguna heegan ayaanu u nahay habeen iyo maalinba, markaa habeen hore rag badan-baa la qabtay oo baadhistoodu way socotaa”
Badhasaabka Sool Maxamed Maxamuud Cali (Jeeni-yare) waxa uu xaqiijiyey in dagaalyahanada Al-shabaab ee ay qabteen uu ku jiro nin u dhashay dalka Portugal, kaasi oo ka tirsan dagaalyahanada shisheeye ee Al-shabaab gacanta siiya “Xitaa waxaanu haynaa nin ajaanib ah oo Portaqiiska oo ka mid ah raggii waxan ka shaqeyn jiray oo Al-shabaab ah, qabashadiisana waxa ku guulaystay maamulka Gobolka Sool, Booliska iyo Milatarigiisu, markaa guulahaas ayaanu gaadhnay”ayuu yidhi.
Guddoomiyaha Sool waxa kale oo uu ka hadlay Madax-dhaqameed dhawaan Magaaladda Laascaanood ku soo bandhigay nin ay sheegeen inay u xuleen inuu uga qayb-gallo baarlamaanka loo samaynayo Somaliya “Waxaa idaacadaha ayaan ka maqlayey, dadkuna dawlad ayuu leeyahay oo hogaamisa, arinkaana dawlada dhexe ayaa qaabilsan, laakiin beel beelaha Somaliland ka mid ah oo gaar u tashan karta oo Somaliya taggi kartaa ma jirto
Awood waanu u leenahay laakiin waa wax aan dib u dhici doonin, waana khalad dhacay anaga nagama hoos bixine”ayuu yidhi.
Ka sakow qabashada shakhsiyaadka Al-shabaab lagu xidhiidhiyey, hawl-gallada ciidamada amaanku wadaan ayaan ahayn kuwo ku kooban Laascaanood, balse hawl-gallo ay ka sameeyeen Magaaladda Hargeysa ayaa waxay ku xidheen dad door ah, kuwaasi oo uu ka mid yahay nin ka mid ah shaqaalaha shirkada DAHABSHIIL
Waaheen
Halbeegnews, Laascanood
This post has been viewed 643 times.






