Hambalyo Iyo Boogaadin Ku Socota Shirka Beesha Habaryoonis Ee Ka Furmay Buurta Daallo Iyo Mahad-naq Guddida Qaban-qaabada

Posted by on Jul 1st, 2012 and filed under Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Dhamaan waxaan salaamaya shacbi waynaha somaliland iyo guud ahaan umada somaliland meelay joogtaba marlabaad waxaan mahadnaq u soo jeedinayaa saxaafada sida hagar la,aanta ag ugu shaqaysa wadankooda iyo dadkooda.

Hadaan u soo dadago mawduucayga ku saabsan shirka beel waynta habaryoonis ee daallo ka bilaabmay 29-06-2012 waxa uu yahay mid guul ku furmay isla markaana guul horseedi doona oo noqon doona kii lagu gaadho bash bash iyo barwaaqo iyo horumar u horseeda guud ahaan somaliland. waxa iyana wax ilaabi karo aan ahayn oo xusid mudan GUDIDA SHIRKA DAALLO oo ah rag runtii ay ku dheehan tahay firfircooni daacadnimo iyo karti runtiina ka daacad ah waxay qabanayaan waa gudi aanu si wayn ugu mahadnaqayno kunjeer waydin mahadsan tihiin.

Arinka isaguna wax lagu xumaado xukuumada maanta jirta oo ulla tagtay dibin daabyo iyo wax kasta oo ay ku carqaladaynayaan oo ay ku baajinayaan nooc walba ku dayay siday u hor istaagi lahayeen ama u joojin lahayeen, lakiin waxa sharaf ah mar haduu xiligiisi ku furmay in uu noqon doono shir dhaxal gal ah isla markaana u socon doona sidii loogu talo galay khayrna ka soo bixi doono iyo wax wanaagsani.

Waxaan u sheegaynayaa gudida shirka inay ka fogeeyaan in majaraha shirka uu gacanta u galo kooxdii markii hore doonaysay inay shirka joojiso ama ha ahaadeen kuwa xukuumada beesha kaga jira ee loo adeegsanaayo dadkooda ama ha ahadeen kuwa madaxdhaqameedka sheeganaya waa in ay uun ka ahaadaan dad dhiibta afkaartooda lakiin aan hagin shirka, hadaanu nahay dhaliinyarada qurbaha waxaanu tageersanahay gudiyada dibada ee lagu soo dhisaayo shirkaa iyo kuwa gudaha ka shaqaynaya oo laysigu xidhi doona si heersare ah isla mar kaana laga hawl galo sidii sare loogu qaadi lahaa horumarinta iyo taabo galinta go,aamda ka soo baxa shirkaa.

GUN IYO GEBO GEBADII WAXAANU KA SOO HORJEENA CID KASTOO ISKU DAYDA IN AY WAX YEELAYAAN SHIRKA IYO DANAHA BEESHA HY

Ahmed M Samatar


This post has been viewed 311 times.

Categories: Opinion
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright