Dadweynaha Reer Awdal Oo Dareen Cadho Leh Ka Bixiyey Sababta Uu Daahir Rayaale Siilaanyo Safarka Soomaaliweyn Lagula Hadlayo Ugu Raacay

Posted by on Jul 1st, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

“Labada ninba abaal malaha, Rayaale dadkii doortay ee Boorama cidla ayuu kaga tegey, mana odhan waad mahadsantihiin, Siilaanyana taageerayaashiisii iyo kuwii doortayba cidlo ayuu kaga tegey, laakiin Siilaanyo waxa uu ku dhaamaa tolkii buu ka safay dawladdii” Xasan Axmed 36 Jir reer Boorama ah

“Somaliland awalba SNM uun baa wadwaday iyagiina ma jiraan oo way dhamaadeen,  aniguna SNM maan ahayn, sidaa darteedna hadii la isugu tegay Soomaaliya ciddii halkan ku hadhaysa iyaday jirtaa” Cabdi  Jinoole ayaa isna yidhi “Markaan lahayn Soomaaliya ha noolaato waa la isugu kaaya tegay, oo waa lana xidhxidhay. Somaliland Madaxweyneheedan u socda Soomaaliya maxaa loo qaban waayay, aaway kuwii shalay nagu haystay Soomaaliya.” Xuseen Daahir

Boorama (Halbeegnews)–Qaybo ka mid ah dadweynaha gobolada Awdal iyo Selel ayaa dareenno cadho leh ka muujiyey socdaalka madaxweynnihii hore ee Somaliland

Daahir Rayaale uu ku weheliyey madaxweynaha haatan, Axmed Siilaanyo si ay uga wada qaybgalaan shirka Dubai ku dhex maray weftiga Siilaanyo iyo wafdi ka socday xukuumadda Sheekh Shariif, iyagoo dhinaca kalena qaybo ka mid ah dadkaasi aragtiyo kala duwan ka muujiyeen wadahadalada ka dhacay Dubai .

Hadii an ku horreynno dadka magaalada Borama aragtidooda ka muujiyey socdaalka wada jirka ah ee Rayaale iyo Siilaanyo ayaa waxay ku doodayaan in aanay Rayaale u wanaagsanayn inuu daba galo ninkii ama hoggaamiyihii mucaaradka Somaliland mudada dheer hoggaaminayay  ee sida xun kursiga uga qaaday, halka kuwa kalena ku dhaliileen madaxweynihii hore in socdaalkiisu muujinayo siyaasad xumadii kursiga ka tuurtay iyo inuu qayb ka noqday xukuumadda Siilaanyo.

Dadka qaar ayaa ii sheegay inaan maanta Rayaale looga fadhiyin inuu siyaasad ahaan daba fadhiisto Siilaanyo, isla amrkaana xisbigii UDUB  uu ka dhigo xisbi muxaafid ah, taasina ay keenayso inay dhabarjabiso mucaaradkii iyo taageerayashii UDUB ee la filayay inay siyaasad ahaan cidhiidhi geliyaan xukuumadda haatan.

Nin ka mid ah siyaasiyiinta reer Boorama ee jooga Hargeysa, kana cudurdaartay in la magacaabo ,ayaa yidhi “Rayaale iyo xukuumaddii UDUB ma ka filaysaa inay mucaarad ku shaqayn karaan, mise mucaardnimo ayey u adkaysanayaan intii Siilaanyo u adkaystay, waxan leehay Rayaale socdaalka uu Siilaanyo ugu raacay dalka Imaaraadku waa guuldarro, meel kaga dhacaysa xisbiga UDUB iyo guddoomiyihiisa Rayaale oo looga baahnaa inuu kaga dhabeeyo hadaladii uu xukuumadda Siilaanyo ku dhaliilayay socdaalka iyo wadahadalada lala yeelanayo Sheekh Shariif, waxa siyaasadda Rayaale beddealy waa la isweydiin’.

Xasan Axmed 36 jir  ayaa isna yidhi “Labada ninba abaal malaha, Rayaale dadkii doortay ee Boorama cidla ayuu kaga tegey, mana odhan waad mahadsantihiin, Siilaanyana taageerayaashiisii iyo kuwii doortayba cidlo ayuu kaga tegey, laakiin Siilaanyo waxa uu ku dhaamaa tolkii buu ka safay dawladdii, siyaasad iyo cimrina wuu kaga horreeyaa Rayaale oo Rayaale siyaasi maaha haawshan imika ay wada galeen maahee beryahaaba Siilaanyo wuu u yeedhyeedhayay Daahir Rayaale, haduuse maanta u raacay baabi’inta Somaliland maxaa naloogu qabsanayay ‘”

Haddaba iyadoo ay badnaayeen aragtiyada lagu naqdiyay casumaadda Rayaale lagu casumay Dubai, ayaa dhinaca kale waxa afkaar kala duwan ka dhiibtay dad tiro badan oo siyaalo kala duwan u arkaya heshiiska afarta qodob  ee lagu saxeexay Dubai .

Cali Jaamac, ayaa haddalkiisa ku soo koobay oo ku dooday in aanu waxba ka qabin waxa uu Siilaanyo ku taliyo, waxaana uu yidhi “Maxaa ku jaban haddii Soomaaliweyn la isugu tago,”.

Xuseen Daahir ayaa yidhi isna “Somaliland awalba SNM uun baa wadwaday iyagiina ma jiraan oo way dhamaadeen,  aniguna SNM maan ahayn, sidaa darteedna hadii la isugu tegay Soomaaliya ciddii halkan ku hadhaysa iyaday jirtaa” Cabdi  Jinoole ayaa isna yidhi “Markaan lahayn Soomaaliya ha noolaato waa la isugu kaaya tegay, oo waa lana xidhxidhay. Somaliland Madaxweyneheedan u socda Soomaaliya maxaa loo qaban waayay, aaway kuwii shalay nagu haystay Soomaaliya.”

Caasha- kiin ,ayaa iyana tidhi “Siilaanyo waa nin rag ah oo wixii Rayaale ku dhici waayey ayuu fuliyay,”

 Nin kale ayaa isna yidhi “Aawaya ragii lahaa car yaa Soomaaliya soo hadal-qaadi kara, waa Ina Biixi, waa Faysal, waa Rayaale, waa ay ku dabafayleen Siilaanyo oo weliba meel fiican nooga dhiib Soomaaliya ayay leeyihiin “

Ugu dambayntiina inaga oon koobi karayn aragtiyada kala duwan  ee dadweynaha Boorama ayaa waxan soo qadnaynaa nin kale oo la yidhaa Ina Barkhadle  oo ku dooday isna siddan: “Eeg waxani waa mashruuc lagu khasbanyahay, Siilanyaana saxeexay, dhaqaale xoog leh ayaa lagu bixinayaa, Siilaanyo iyo Rayaalena waxa u muuqdaa waa dhaqaalahaasi ee Somaliland uma muuqato, Markaa, maxaa loogu diidi haddii aanay jirin cid ka hor imanaysaaba”

Xigasho Wergeyska Saxafi

Halbeegnews, Boorama

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 779 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright