Hargeysa (Halbeegnews)– tan iyo markii Ururadda Siyaasadda ee Somaliland lagu dhawaaqay isla markaana ay sida daadka iska soo wada daba-dhaceen Musharaxiin ka soo jeeda da’da dhexe oo hami iyo hillan ugu jira inay buuxiyaan kuraasida golayaasha deegaanka dalka ayaa xisbiga KULMIYE waxaa usbuucani u suurtagal noqotay inuu madasha keeno mid ka mid ah dhalinyarada reer Hargeysa ee taariikhdu sida weyn u xustay isla markaana ay reer Hargeysa ku dhaataan, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid keliya maaha qof caadi ah oo bulshada iskaga dhex nool eh waa Nin da’yar oo si qayral caadi ah noloshiisa iyo nolosha deegaankiisa guul weyn uga gaadhay, KULMIYE oo la kaca-kufaayey fadeexado siyaasadeed oo dul hoganaayey wixii sannadkani ka soo bilaabmo ayaa wuxuu ku guulaystay inuu gacanta ku dhigo xubin guusheeda la hubo.
Haddaba shabakadda Halbeegnews ayaa waxay soo bandhigaysa shakhsiyadda C/raxmaan Maxamuud Caydiid cidduu yahay, anagoo aan weliba isaga wax xidhiidh ah la samaynin ayaanu doonayna waxay bulshada kale ka taqaano inaanu halkani ku soo gudbino.
Waa Kuma Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid
C/raxmaan Maxamuud Caydiid Cabdi Gahayr wuxuu ku dhashay magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa sannadkii 1975-kii, wuxuu ahaa da’yartii iyagoo iskuuladda wakhtigaasi uun bilawday dagaaladdii u dhexeeyey Ururkii SNM iyo Ciidamaddii Faashistiga ahaa ee Siyaad Barre ka qaxay Hargeysa, Cabdiraxmaan waxaa dhallay oo uu ka soo jeeda qoys caan ka ah Caasimadda Hargeysa, Aabahii alla ha u naxariistee Maxamuud Caydiid wuxuu ahaa nin ganacsade ah isla markaana ah Injineer dhinaca dhismaha waddooyinka ah, hooyadii Weris Aw Jaamac Caynab waxay ka soo jeeda qoys si weyn looga yaqaano geyiga gobolka Hargeysa.
Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid sannadkii 1996-kii isagoo da’diisu ay ahayd 21 Sanno jir ayuu wuxuu noqday Maareeyahii guud ee shariikaddii ugu weynayd dhinaca isgaadhsiinta Somaliland ee Soltelco, wuxuuna taariikhda ku xardhay waxaan hore loogu arag geyiga Somaliland, isagoo da’diisu ay tahay 21 sanno jir ayaa waxaa lagu aaminay oo uu maamulaayey shariikad ku fadhida hanti lacageed oo 80 Malyuun dollarka maraykanka ah waana halka uu kula baxay Magaca Soltelco.
Mid ka mid ah dadka yaqaana Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Cabdi Gahayr oo ka mid ahaa madaxdii shariikada Soltelco oo wakhtigaasi la shaqaynaayey ayaa wuxuu yidhi “waxay ahayd wax qayrul caadi ah in wiil yar oo 21 sanno jir ah uu noo gadh-hayeen ahaa, marka miiska shirarka ee Shariikadda la soo fadhiisto waxaa dhinacyada ka fadhiyey rag awoow isaga u noqon karaayey, waxyaabaha iga yaabiyey waxay ahayd Inankaasi caqliga ku jira iyo da’diisu sidaanay isku lahayn, wuxuu ahaa nin yar oo degen, og wuxuu qabanayo, waa nin dhegaysi badan, markuu go’aanadda qaadanayo waxaad is odhanaysa ma 60 jir ruug caddaaya, wuxuu ahaa nin yar oo hawl-kar ah, kama uu rawaxi jirin xafiiskiisa ilaa uu ogaado in wax weliba dhamaystiranyahiin, waxaa taasi u raacay inaanu ahayn nin balwad leh, wuxuu ahaa inan yar oo wakhtiga cibaado badan” ayuu yidhi Ninkaasi.
Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid wuxuu noqday Nin da’yar oo bulshada ku dhaqan Hargeysi aanay afka ka dhigin, dhalinta da’diisa ahi iyo weliba kuwa ka waaweyni waxay isweydiin jireen qaacidada u suurtagalisay Wiilka da’da yar inuu noqdo Maareeyaha guud ee shariikaddii ugu weynayd Shariikadaha Somaliland ee wakhtigaasi jiray, halka qaarkoodna layaabka arrintani darteed ay gudaha shariikadda u iman jireen bal inay markhaati ka noqdaan oo ay indhahooda ku arkaan wiilkan yar ee da’daasa iyo hawsha uu haya aanay islahayn.
Sannadkii 2000 Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid waxaa soo wajahay mid ka mid ah caqabadahii ugu waaweyna noloshiisa, Aabahii Maxamuud Caydiid Cabdi Gahayr ayaa wakhti fiid ah isagoo ka soo baxay Masaajid ku yaalla xaafadda Idaacadda una dhaw gurigii hore ee Xisbiga waxaa ku hellay tuugta Caasimadda Hargeysa, waxaanay gaadhsiiyeen dhaawacyo uu alla ha u naxariisto qabrigana ha u nuure Maxamuud Caydiid Cabdi Gahayr u geeriyooday isla habeenkii nabarkaasi ku dhacay, Cabdiraxmaan wuxuu markhaati ka ahaa Aabahii oo lagu dilay Magaaladii uu ku dhashay, kumanaankun qof oo shacabka Caasimadda Hargeysa ku dhaqan ayaa iskugu soo baxay agagaarka Maxkamadda gobolka Hargeysa oo maalmahii ka danbaysay la keenay gacan ku dhiiglayaashii Dilay Cabdiraxmaan Aabahii iyagoo aad dadkaasi qaarkood arkaysay iyagoo indhaha ilmo ka da’ayso.
Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid wuxuu intii ugu danbaysay noloshiisa ahaa nin yar oo tusaale u noqday bulshada Somaliland isagoo hormood ka noqday in da’ kasta aad ahaatid eh haddii aad dedaasho aad noloshaada gaadhsiin karto heerkaad doonto, wuxuu la taliye u noqday shariikadaha ugu waaweyn Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid waxaa ku guulaystay inay gondahooda soo geliyaan xisbiga Xukuumiga ah ee KULMIYE, maaha oo keliya inuu ku guulaysan doono kursigaasi eh musharaxnimadisa oo doorbiday inuu iska soo sharaxo KULMIYE ayaa dadweyne badani ku tilmaameen mid KULMIYE ku doonayo inuu dib usoo celiyo sumcadii uu bulshada dhexdeeda ku lahaa.
Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid waa maskax iyo caqli guuraya isla markaana fara-ku tiris ku dhex ah bulshada dhexdeeda, waa Nin maanta madaxa la gallay da’da dhexe noqdayna Aabbo, wuxuu la dhashay seddex wiil iyo laba hablood, waa nin ehlu cibaad ah oo ay u raacday aqoon iyo waayo aragnimo uu soo bilaabay isagoo da’diisu ay 20 sanno gu’ kor u dhaaftay, waxaana hubaal ah in isagoo kale haddii uu Hargeysa maamulkeeda gacanta ku dhigo ay Hargeysi noqon doonto mid ay shacabkeedu ku dhaataan.
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 802 times.






