Durduro Geel-ba Ku Jaba– Qallinkii Qoraaga Caanka Ah Ee Reer Somaliland Axmed Cali Ibraahim Sabeyse

Posted by on Jun 30th, 2012 and filed under Editorial, featured. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry


Adoo guri barwaaqo ah geel dhalay ku haystay; 
geedi lama lalabo oo abaaro looma guure; 
caqligaa iga guuroo intaan gudin afeystaan halbowlaha isgooye; 
wixii ila garaadoow gobanimo ha tuurina..”

Waa ereyo tilmaamaya dareenadii ka dhashay dhasalaalaqii iyo is-dhexyaacii israacii lagu hungoobay ee 1960.
 
Hadda oy ka soo wareegtay laba iyo knoton sannadood ayaa waxad mooda in marlabaad Jamhuuriyaddi  Somaliland jahawareer siyaasadeed ku habsaday. Muddo labaatan sannadood ah Somaliland waxa haysey toobi siyaasadeed oo majarihiisu cadyahay oon marnaba ummadaa masiirkeeda iyo rabitaankeedu wax shaki ihi gelin. Markay xukuumadda hadda dalka ka talisaa xilkii la wareegtay ayaa waxa la kowsaday in  madaxbannanidii iyo qarannimadiiba mugdi gasho; taas oo ka dhalatay maamulkii oo ummaddii uu masuulka kaaha ka dhaadhicin kari la’ halka dalkan ku jihaysan iyo meesha loo walwaalayo.
 Markii u horeysey ayaa shir Soomaali koonfureed loogu qabtay goobta la yidhaa Wilton Park, Somalilandna si lama filaan ah isaga xaadirisey iyadoo u xuubsiibatay dowlad Gobleed wadaad Sharif hoos timaad. Waxa xigtay shir budhcad badeeda Soomaaliya aafeysey laga arrinsanayay oo dalka Isu-Tagga Imaaraatka Carabka lagu qabtay iyo Somaliland oo marlaad leh misna way kan oo ka mid baan ahay! Waxa intaba barbar socday dus duska iyo dhuumaalaysigu hadba raxan wasiiro ah oo reer Somaliland ihi kula shirayeen xaashiyadda wadaad Sharif faruuro cadday iyo xartiisa.
Halkaa iyadoo xaal marayo ayaa bishii November 24, 2011 Dowladda Boqortooyada Ingriisku ku dhawaaqday in ay shir dib-u-heshiin Soomaaliyeed ay marti gelineyso Bisha February 22, 2012. Wufuud Ingriiska iyo Yurabta kaleba ka socday ayaa Somaliland ku soo qulqulay si la inoogu qanciyo in aynu madash shirka lagu qabanayo. Si taasi u dhabowdo Md. Axmed Maxamed Maxamuud madaweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxu golayaashii sharci dejinta ka dalbaday in dabarkii iyo xakamihii mamnuucayey ka qeyb galka shirarka dib-u-heshiisiinta Soomaaliya i la laalo. Samcan wa daacatan ya sayidii ayey labadii golana qalanka ugu duugeen siduu madaxweynuhu jeceleystay. Waxanu wada ogayn habaqlihii iyo qaab xumadii ka muuqatay safarkii weftiga ka qeb geleya shirka oo tirida Somaliland loo qoondeeyey ahayd shan xubnood. Weftii aad u ballaadhan oo dalka kharash badan kaga baxay ayaa carriga Ingriiska temeshli ku tegay.
Maxsuulkii ka soo baxay shirkii London oo wax macno Somaliland u leh waxa jirey qodobka 6 ee sheegaya in Soomaaliya iyo Somaliland wada hadal ka yeeshaan arrimaha ka dhexeeya. Sideedaba in loo wada hadlo qaab laba geesood ah sida xeerarka Caalamka lagaga dhaqmaa tibaaxayaaan. Hase yeeshee marka laba dal qaab laba geesood ah u wada hadlayaan waa in ay ahaadaan laba dowladood oo mid waliba dhinaceeda u heysato kalsoonidii lagu dhaqan gelin lahaa
wixii heshiis kama dambays ah ee wada hadalka ka soo baxa. Waa shardiga ugu muhiimsan ee furaha u ah arrimaha noocan oo kale ah.
Sidaa marka xaalku yahay, inaga oo ka duulayna xaqiiqada maanta jirta, labadan dal ee lagu riixayo in ay wada hadlaan keebaa shuruudihii looga baahaana buuxiinaya oo leh awood uu ku meel mariyo heshiis laba geesood ah?
  1. Somaliland waxa ka jirta xukuumad ku timid cod shacbi iyo doorasho oo heysata kalsoonidii dadweynaha; taasi oo jideyneysa sharciyadda heshiishayada xukuumaddu la gasho dalka shisheeye;
  2. Soomaaliya waxa isaga dambeeyey talisyo gacan ku rimis ah oo dowlado shisheeye dibadda ku soo yagleeleen; marna heysan kalsoonidii ummadda reer koonfureed. Maadaama ay taha maamul shisheeye shookaanta u hayo (Puppet Government) sharciyad ay dad iyo dal ku metelaana jirin, waxa caddaan ah in aanay haba yaraate cidna heshiis la geli karin. Iyadoo sidaa runtu tahay ayaa haddana wadaad Sharif iyo xertiisii hadba sida sebiga iyo dhallaanka u hadaaqayaan kuna eleledeyaan midnimo Soommaliyeed oo muqdas ah iyo waxyaabo ka sii liita sida kan u dambeeyey ee ku hanjebaya Baasaaboorka dowladda ku meel gaadh ka ah. Waa qown aan geeridii Nebi Muxamed Salla laahu Calayhi wa sallam, ogayn! Shirkii London waxa u malaynayaa in wadaad Shariif khudbadii Mrs Clinton ay dhammaanba labadiisa dhegood dhinac martay ama aanu dhuganinba.

Waxa xukuumadda Somaliland nusqaan iyo sharaf jab ku ah in ay la gorgortanto xukuumad magac u yaal oo ciidamo shisheeye meesha ku hayaaan sida sawirka guud yahay.

Wareegi shirka London xigay ayaa noqday kii Dowladda Turkigu ku martigelisey kooxaha Soomaliya ee Magalada Istanbuul ku qabsoomay Bishii May 31-1 June, 2012. Misna sidii caadada inoo ahayd wefti wasiiro ah ayaa goobta ka xaadiray, inkastoo warbaahinta xukuumaddu sheegtay in ka qayb galku ku kooban yahay dhinaca dhaqaala oo keli ah haddana waxa caddaatay labadii maalmood ee shirku socdayba weftigii Somaliland goobta yuurureen. Shirka isaga ihi sida uu tilmaamayo waxa ka soo baxay qodobo lidi ku ah jiritaanka iyo qarannimada Somaliland oo ilaa hadda la is weydiinayo waxa la dhaafasaday.

Wareegii xigana waa kan London todobaadkii hore ( June 20-21, 2012). Ka dar oo dibi dhal ayuu yidhi isna waxa lagala soo guryo noqday waxa aan loo fadhiyin oo uu ka mid yahay qodobka 8 ee ilaa maanta cid ummaddii ka dhaadhicisa ujeedadiisa la la’yahay. Iyaba waa darxumo ii maqani dhacar miyaan leefay; sidii oon dayeysnahay miyaan dowgii ka habay; mar dooraato raad kaan dhigaan dib ugu soo laabta.

Maanta oo bishu tahay June 28, 2012 wefti afar xubnood oo Madaxweyne Md. Axmed Maxamed Maxamuud hoggaminayo  iyo shanti xubnood ee shirka London ka soo laabtay ayaa duqii wadaad Shariif iyo mooryaankiisii kula kulmaya dalka Isu-tagga-Imaaraadka Carabta, magaalada Dubai, halkaa oo la sheegay shir Budhcad Badeeda Soomaliyeed laga arrinsanyaa ka qabsoomayo. Waxaynu warbaahinta ku arkaynaa hadalada ka soo yeedhaya taliska gacan-ku-rimiska ah ee ku maxafsada magicii Soomaaliya.

Waxa ummadda reer Somaliland is weydiinaysaa deg degdeggan iyo durduradan iyo waxan xukuumaddii aynu dooranay la kadleyneyso? Jawaabtu waxa weeye sida aynu ogsoonahay bulshadii caalamku wey ka soo taagantahay si jiritaanka dowladda-u-taal wadaa gadh wadeen ka yahay oo mar labaad loo cusboonaysiiyo in ay meesh ku sii negaato; sabatuna waxa weeyey wax qabad la’aan; musuqmaasuq baahay oo deeqihii dalka loogu tabarucay oo halkay ku baxeen iyo xisaab xidh koodiiba la waayey.

Wadaad shariif oo xaalkiisu sidaa yahay ayaa si uu beesha caalamka uga dhaadhiciyo in mar labaad talada dalka gacan loo geliyo, ayaa marmarsiiyo ka dhiganayo wanaagii bilaabay wada hadalkii Somaliland. Ujeedada ugu weyn ee wadaadku waa taas, wax kale oo meesha yaala marjiro.

Xukuumadda dalka ka talisaa fursado badan oo xag aqoonsi iyo xag kaleba wadanka wax ka tari lahaa si badheedha ayey u hagratay. 

Waxa u horeysey markii Md. Axmed Maxamed Maxamuud xilka madaxtooyada la wareegay isaga iyo madaxweynihii ka horeeyey Md. Daahir Riyaale Kaahin, dowladda Mareykanku damacsanayd in ay martiqaad ku wada yimaadaan dalka Mareykan. Taasi may dhicin muddo yar dabadeedna waxaynu warbaahinta ku arkeyney Safaaradii Mareykanka ayaa madaxweynihii dal ku galkii u diiday. Fursadaha siyaasadeed haddan xiligeeda laga faa’iidaysan sida mar labaad lagu helaa waa mustaxiil.

Waxa xigtay Bishii July 9, 2011 markii loo dabaal degeyey madaqxbannanidii Koonfurta Sudaan iyana waxa aad la isugu deyey in labada madaxweyne diyaarad wada raacan oo iyaga oo gacmaha is heysta ka qeyb galaan dabaaldega dowlada cusub ee Afrika ku soo biirtay. Taasina waxay noqotay bar kum taal iyo dhicisow!

Markii seddexaad ay ahayd bishii January 12, 2012 xiligaa oo dalka Koonfur Afrika looga dabaaldegeyey maalintii la Aaasaasay Ururka “African National Congress” buqul guuradii ka soo wareegtay. Madadweyne Axmed Maxamed Maxamuud martiqaadkii ka qeybgalka xafladda waa loosoo dhammeeyey; nasiib darro sidii ku wii ka horeeyey waxaynu ku war helnay tigidhadiiba dib loo kansal gareeyey! Waa fursad dahabi ah oo Madaxdii Afrika oo dhami isugu timid oo qaar badan ay suurto geli lahayd in toos la isu arko. Walee ruqe ninkii lahaa dabada jiidayo ayaan weligii kicin.

Isku soo wada xooriyo, maanta ayaa markii u horeysey labadii madaxweyne isu raaceen qadiyadda Somaliland waxa aynu dhowri doonaa weedha xukuumadeena ka sioo yeedhay marka wadaad Shariif wax aynu ognayahay la shir yimaado. Faalooyinka bulshadeena ka dhex aloosan bal halka ay sheekadani ku dambeyso ayaa caddayndoonta

Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
June 27, 2012

This post has been viewed 480 times.

Categories: Editorial, featured
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright