Ururka Taban-taabo Oo Hargeysa Ka Fuliyey Dhismayaasha Masaajido Dhawr Ah+ Daawo Sawirada

Posted by on Jun 29th, 2012 and filed under Editorial, featured. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Hargeysa (Halbeegnews)–Uruka mutadawiciinta khayrka ee (Tabantaabo Voluntary Organisation) ayaa mashaariic dhismayaal masaajid ah ka fuliyay magaalada Hargeisa gaar ahaan xaafada Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeisa.

Dhismahan masaajidada ah ee  ururku maanta ka hirgaliyay magaalada Hargeisa ayaa lacagta ku kacaysa dhismayaashani waxaa bixistay  dad muxsiniin ahoo kala ah sida hoos ku qoran:

Masaajidka 1aad: waxaa maalgalisay hooyo reer Qadar ah oo la yidhaahdo: MUCJABAH XAMAD MURRI Illahay ha ka abaaliyo ayaynu leenahay.

Masaajidka 2 aad: waxaa wada fuliyay labada qof iyaguna reer Qadar ah oo la kala yidhaahdo: Raashid Naasir iyo Mina Sulaydii Illahay ha ka abaal mariyo iyagana.

Maaha dhismihii ugu horeeyay ee ururku fuliyo ee Ururka TABANTAABO waxaa kale oo uu wiigii aynu soo dhaafnay xadhiga ka soo jaray dhismayaal noocan oo kale ah kuwaasi oo isugu jiray masaajido iyo madarasado uu hore uga hir galiyay degmada sabowanaag ee hoos timaada Gobolka Maroodijeex.

Halbeegnews,Hargeysa

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 431 times.

Categories: Editorial, featured
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright