Hargeysa (Halbeegnews)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wefdi uu hogaaminayo oo iskugu jira hogaamiyayaasha xisbiyada UDUB ahaana M/weynahii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, Guddoomiyaha Xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo xubno kale ayaa la filayaa inay 48 saacadood ee soo socda u ambabaxaan magaalada Dubai ee dalka isku tagga emirateka carabta halkaasi oo ay kulan kula yeelan doonaan Madaxweynaha dawladda ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wefdi uu hogaaminayo oo iyagu shallay ka dhoofay Muqdisho.
Kulankani labada hogaamiye ee Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex maraya magaalada Dubai ayaa ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee 21-kii sannadood ee ugu danbeeyey ay isku hor yimaadaan laba hogaamiye oo Somaliland iyo Soomaaliya ahi, sida aanu xogta ku helayno labada hogaamiye ayaa la filaya inay kulankoodaasi kaga hadlaan sii ambaqaadka qodobadii ergooyinkii Soomaaliya iyo Somaliland ku gaadheen degmada Kent todobaadkii hore.
Wararku waxay intaasi ku darrayaan in labada dhinac ay qallinka ku duugi doonaan heshiiskii ka koobna 13 qodob ee aanu ku jirin mid ka hadlaya qaddiyadda madax banaanida Somaliland.
Halbeegnews ayaa heegan ku ah dalka Emirateka Carabta anagoo idiin soo gudbin doona wixii ku soo kordha arrimahani
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 724 times.






