Dalladda Dhalinyaradda ee Somaliland ayaa waxay inta badan sheegataa ama ku maxaabsataa magaca dhalinyaradda Somaliland, waxaanay dawladda iyo wasaaradda Dhalinyaradda u matashaa inay wakiil uga tahay Dhalinyaradda, taas ayaa keentay inay dhalinyaro badan u colaadsadaan magacan ay ku shaqaysanayso.
Dhalinyaro badan ayaa ka soo horjeedda dalladda SONYO kuwaas oo u arka in aanay habayaraatee aan waxba u qaban, isla markaana kow iyo laba la odhan Karin waxay u qabatay dhalinyaradda, balse ay u arkaan in waxyaalo badan ka hortaagan yihiin oo haddii ay soo bixi lahaayeen dhalinyaro wax u qaban lahaa dhalinyaradda ay iyagu matalayaan isla markaana aan loo ogolayn in dallad kale loo sameeyo maadaama oo SONYO ku fashilintay waxu qabadka dhalinyaradda.
Sidoo kale, waxa iyana la sheegayaa in masuuliyiin awood ku leh dawladda ay ku shaqaystaan, isla markaana hadba waxay doonayaan u dirsadaan, taasina waxay keentay in dhexdhexaadkii ay ka baxday, una biyo shubatay inay ururo siyaasadeed iyo dad siyaasiyiinna taageerto, taasina maaha ajandihii lagu aasaasay dalladda, sidoo kale waxay NGO-yadda qodobkooga ugu horeeya farwaaweyn ku xardhan uu sheegayo in NGO-yadda aanay siyaasadda dhexgali Karin, isla markaana bulshadda u dhex noqdaan, laakiin qodobkaasi waxay ka baxday oo waxaad arkaysaa in ururadda siyaasadda iyo masuuliyiin kale oo dawladda xil ka haya ay xidhiidh hoose leeyihiin, mararka qaarnoodna hawlo loo diro oo ay u fuliyaan.
Waxa kale oo iyana cajiib noqotay in habeen dhowayd aan ka daawnayey tv-ga dawladda iyagoo shahaado siinaya wasiiro iyo marwada kowaad ee madaxweynaha, may cadayn sababta ay u siiyeen iyo waxay dadka dheer yihiin iyo mid waliba waxa uu ku mutaystay, balse si iska dhaadhicin ama guul wadayn ah ayey ku taxeen raxan wasiirro ah, kuwaas oo aan ilaa hadda la garanayn waxay ku siiyeen ee wasiiradda kale kaga duwanaadeen, taasina waxay muujinaysaa dhexdhexaadnimadii iyo inay dadka u dhex noqoto inay meesha ka baxday.
Qodobka kale ee iyana aan la yaabay ayaa ahaa waxay u dabaal degaysa sanadguradii sagaalaad ee ka soo wareegtay aasaaskeeda, hadana ma sheegin waxay dhalinyaradda u qabatay ee la taaban karo oo aan ka ahayn inay qabato shaqadii ay qaban lahaayeen ururadda ku jire ee la midoobay, balse mar magaca dallada ku shaqaysa mar sidii Urur kaliya ku shaqayso, iyadoo dadku mararka qaarkood ku Dawakhaan ma urur baa mise waa dalad, waayo magaca markaad eegto waa dalad ay ururo ku midoobeen, shaqadeedda marka aad eegtana waa qaabkii ururka ayuu u dhaqmaa oo shaqadii loo diri lahaa urur ayey iyadu qabataa, balse waxay ahayd iyadu inay maalgaliso ururadda ku jira oo ay mashaariicda ay soo hesho ay ku dhisto ururka oo ay ururadu fuliyaan, iyaduna noqoto maalgaliye sida dalladda NAGAAD ee dumarka oo kale.
Waxaad arkaysa dalladda NAGAAD oo mar walba taageeraysa haweenka, xafladdo u qabanaysa, isla markaana ku qasabtay xukuumadda in kooto lagu siiyo waxay doonayaan, taas oo haweenka u noqotay guul weyn, isla markaana qaabka u shaqaynayso iyo dhismeheeddu ay aad uga duwan tahay SONYO, sidaa darteed, waxaan leeyahay SONYO ha ku dayato himilada fog ee ay ku socoto daladda dumarka ee Nagaad Network, ama ha ogolaato in daladda kale oo dhalinyaradda wax u qabta dalka ka samaysmaan, haddii kale iinyo iyo waxna ma noqonayno cid wax noqotana ma doonayno lagu jiri maayo waxa iman doonto wakhti ay dhalinyaradda baraarugaan.
Ta labaad, maalin walba waxaynu maqalnaa dhalinyaro badan oo tahriib u xadhka xidhanaysa, qaar badaha ku haligay, dhamaan dhalinyaradaasi waxa ku kalifay waa qorshe la’aan, daladdii sheeganaysay inay dhalinyaradda wax u qabatana xiitaa ma siiso tobabar, wacyigelin daa hadalkeedda, marka xeerkan dhalinyarada ee golaha deegaanka loo ansxiyey inay ku tartamaan, waxaan u arkaa qalin iyo xaashi la isa saaray, mana filayo inay dhalinyaro badani golaha deegaanka ku guulaysan doonaan.
Qore: Cabdiqaadir Axmed Cajab, Telefoonka: 4109892
Hargeysa, Somaliland.
This post has been viewed 408 times.






