Madaxweyne Siilaanyo Oo Soo Wada Isku Shaandhayn Golahiisa Wasiiradda Ah Iyo Wasiiro Shilis Oo Farta Wadnaha Ku Haya Iyo Xubno Cusub Oo Golaha Ku Soo Biiri Doona

Posted by on Jun 26th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Hargeysa (Halbeegnews)– Sida xogo qadhiidh ah oo ka soo burqanaya dhinaca xarunta madaxtooyada Somaliland ay Halbeegnews ka hellayso Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la sheegay inuu qorshaynaayo isku shaandhayn uu ku sameeyo golahiisa Xukuumadda, iyadoo la filayo in ugu yaraan dhawr Wasiir oo xukuumadda ka tirsan uu shaqada ka eryi doono.

Sida aanu xogaha ku hellayno Wasiirada la filayo inay shaqadooda waayaan ayaa waxaa ka mid ah Wasiiradda Kalluumaysiga Cabdilaahi Geel-jire, Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiiru-dawlaha Maaliyadda Cismaan Cabdilaahi Saxardiid, Macdanta iyo Biyaha Xuseen Cabdi Ducaale iyo Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid

Xogaha aanu hellayno ayaa tibaaxaya inuu Madaxweyne Siilaanyo damacsanyahay inuu Wasiirka arrimaha dibadda u magacaabo Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ka mid ah mudanayaasha golaha Wakiiladda horana u ahaan jiray Guddoomiye ku xigeenkii 1-aad ee golaha wakiiladda Somaliland, halka sidoo kalana la filayo in xubno ay ka mid yahiin Ibraahim Kacaan oo golaha wakiiladda ka tirsan isagana lagu soo darro golaha xukuumadda, faahfahin dheeraad ah lagama bixin xubnaha kale ee golaha wasiiradda ku soo biiri doona.

Halbeegnews, Hargeysa

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 1202 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright